Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Post by AhlulbaytSoldier »

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya sababihii Indha Cadde ugu biiray Dowladda (Xog Rasmi ah)

Saaka oo dhan waxay hadal heynta Magaalada aheyd warka soo baxay ee ahaa in Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka mid ahaa Garabyadii Xoogaga Mucaaradka.

Indha Cadde oo toddobaadkii hore la kulmay Madaxweyne Shariif balse maalin kadib markii dagaalada ka bilowdeen Magaalada Muqdisho hubkiisa ku wareejiyay Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa xalay isagoo wata ilaa 13 Tikniko oo ay saaran yihiin Maleeshiyaad waxaa uu ku soo biiray Dowladda KMG ah.

Ilaa iyo hadda Yuusuf Indha Cadde lama hadlin Saxaafadda laakiin warar hoose ayaa sheegaya inuu goor dhaw qaban doono shir Jaraa’iid oo uu kaga hadli doona ku soo biiritaankiisa Dowladda KMG ah.

Laakiin Yuusuf Indha Cadde ku soo biiritaankiisa Dowladda ayaa dhawr arrimood loo qaatay waxaana ka mid ah Al Shabaab oo warar kala duwan oo dhinaca Yuusuf Indha Cadde ka soo yeerayay, waxaana kamid ah wararkaas in Indha Cadde hubka ku wareejiyo Shabaab, waxaa jira warar kale oo iyagana sheegaya in xiriirka Shabaab iyo Indha Cadde meel xun gaaray balse uu ku dhex jiray Xasan Dahir Aweys.

Haatan oo uu ku soo biiray Dowladda waxaa loo qaadan karaa inuu door biday intii magaca xumo ku ridi lahaayeen Shabaabka in uu helo meel uu ku badbaadiyo magaciisa iyo awoodiiisa Siyaasadeed.



Go'aan qaadashada Indha Cadde ee ku biiritaankiisa Dowladda ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay uu fashilmay kulan ka dhacay Degmada Afgooye, kaasoo ay yeesheen Sheekh Xasan Dahir Aweys, Sheekh Xasan Turki iyo Saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Kulankaas oo ahaa mid si gaar ah looga hadlayay mustaqbalka Yuusuf Indha Cadde iyo sida laga yeelayo, ayaa qodobo qaar ah oo ka mid ahaa inuu Hubkiisa soo wareejiyo la isku afgartay, isla markaana ay qeybsadaan Mujaahidiinta, taasoo Indha Cadde ay u cuntami weyday, isla markaana uu ka war helay, dabadeedna uu xalay goostay inuu Dowladda ku soo biirio.

Indha Cadde oo ah nin is bed bedel badan ayaa go'aan qaadashasiidan noqotay mid dadka kedis iyo filan waa ku noqotay, isagoona horay u cadeeyay in Dowladda uu askari difaaca u noqon doono hadii ay qaadato shareecada islaamka.

Gudoomiyaha Garabka Xisbul Islaam Maxamed Xasan Camey oo haatan ku sugan Madaxtooyada ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho waxaa uu sheegay in garabkooda Xisbul Islaam ay ku biireen Dowladda.

Yuusuf Indha Cadde waxaa uu ahaa hogaamiye kooxeedkii Gobolka Shabeelaha Hoose ka hor intii aysan koonfurta soomaaliya la wareegin Maxkamadihii Islaamiga sanadkii 2006 dii, markii Maxkamadaha dalka qabsadeen waxaa uu noqday Xoghayaha Gaashandhigga Maxkamadaha Islaamiga, Isbaheysigii labada garab u kala jabay Jabuuti iyo Asmara waxaa uu ka haayay xilka Xoghayaha Gaashandhigga,laakiin waxaa uu ka mid ahaa Yuusuf Indha Cadde raggii ka hor yimid Shirkii Jabuuti ee Madaxweyne Shariif lagu soo doortay.

Toddobaadkii hore ayaa Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh Axmed isagoo ka hadlayay dagaalada u dhaxeeya Dowladdiisa iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxaa uu sheegay in balan looga baxay laakiin ma uusan ku dhufan carabka kooxaha balanta uga baxay waxaase jirta in dadku ay u fahameen Yuusuf Indha Cadde oo maalmo ka hor waqtigaas la kulmay Madaxweynaha.


Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Post by The_Emperior5 »

so now he is a mujaheed. :lol:
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Post by ina aadan »

The_Emperior5 wrote:so now he is a mujaheed. :lol:
:lol:
:lol:
kuqabo waad ku haysaae
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Post by AhlulbaytSoldier »

Indhacadde xafiduhullah swears to defend this islamic government:
War deg deg ah: Indha Cadde oo shir jaraa'id qabtay, sheegayna inuu Dowladda difaacayo hadii la soo weeraro.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay dhismo ku yaal agagaarka Zoope, ayaa ka warbixiyay sababihii uu Dowladda ugu biiray.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo dhinaciisa ag fadhiyay Sheekh Maxamed Xasan Camey oo ah Gudoomiyaha Xisbul Islaam ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda uu ku biiray ay tahay Dowlad Islaami, isla markaana aanay habooneyn in laga soo horjeesto.

"Anagoo tixraaceynay baaqii Culimada, iyo go'aankii ay qaateen Baarlamaanka ee ah in shareecada Islaamka dalka lagu dhaqo, ayaa waxaa qaadanay mowqifkaas ah inaan ku biiro Dowladda"ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha Cadde.

Mr Indha Cadde ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dagaalada ka socda Muqdisho iyo kuwa ka socda Gobolada Dalka, waxaana uu ku tilmaamay dagaal kursi doon ah, sida uu hadalka u dhigay.

"Ma jirto sabab aan Dowladda uga soo horjeesano, hadii ay qaadatay Shareecada Islaamka, waana ka difaaceynaa hadii ay soo weeraraan koooxaha qaswadayaasha ah"ayuu yiri Indha Cadde oo markii u horeysay cadeeyay mowqifkiisa dhabta ah.

Waxaa uu sheegay in aan laga soo horjeesan Karin Dowlad Islaami ah, isla markaana Culimada ay sheegeen inay Dowladda tahay Dowlad Islaami, ayna qalad tahay in laga soo horjeesto.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa sidoo kale sheegay inuu difaacayo Dowladda hadii la soo weeraro, isagoona cadeeyay in manta iyo wixii ka dambeeyay uu ka tirsan yahay Xubnaha Ammaanka ee Dowladda.

Mar wax laga weydiiyay hadii ay is arkeen Madaxda Dowladda ayaa waxaa uu sheegay inay kulmeen isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif oo uu wehliyay Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Golaha Wasiirada, waxaana uu tibaaxay inay ka wada hadleen sida nabad lagu soo dabaali karo dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Indha Cadde ayaa ugu dambeyn sheegay in hadii Dowladda howl u dirto ay ka Xisbul Islaam ahaan howshaas qabanayaan, isagoo ka jawaabayay su'aal aheyd arrinta Gobolka Shabellaha Hoose oo uu Indha Cadde la sheegay inuu doonayo in Dowladda u magacowdo Gobolkaas, isagoo horay u maamuli jiray.

Hadalka uu sii daayay Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa waxaa uu mugdiga ka saarayaa wararkii sheegayay in Indha cadde iyo Tikniko dagaal oo uu wato xalay ku biireen Dowladda, taasoo ah mid haatan cadaatay oo uu afkiisa ku qirtay inuu Dowladda ku biiray.


Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Post by kambuli »

If I were the Shariif I woudn't trust this guy. :down:
User avatar
Jamac_Yare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6098
Joined: Wed Sep 17, 2008 6:18 pm
Location: Finding Teeth for the Toothless Faqash Kambuli

Re: Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Post by Jamac_Yare »

A mujahid happy with his war booty

Image
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Post by AhlulbaytSoldier »

:shock: :shock: :lol: :lol: :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government

Post by The_Emperior5 »

Jamac_Yare wrote:A mujahid happy with his war booty

Image


:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”