Takbir: Mujahid Indhacadde joins the islamic government
Posted: Sun May 17, 2009 5:48 am
Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya sababihii Indha Cadde ugu biiray Dowladda (Xog Rasmi ah)
Saaka oo dhan waxay hadal heynta Magaalada aheyd warka soo baxay ee ahaa in Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka mid ahaa Garabyadii Xoogaga Mucaaradka.
Indha Cadde oo toddobaadkii hore la kulmay Madaxweyne Shariif balse maalin kadib markii dagaalada ka bilowdeen Magaalada Muqdisho hubkiisa ku wareejiyay Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa xalay isagoo wata ilaa 13 Tikniko oo ay saaran yihiin Maleeshiyaad waxaa uu ku soo biiray Dowladda KMG ah.
Ilaa iyo hadda Yuusuf Indha Cadde lama hadlin Saxaafadda laakiin warar hoose ayaa sheegaya inuu goor dhaw qaban doono shir Jaraa’iid oo uu kaga hadli doona ku soo biiritaankiisa Dowladda KMG ah.
Laakiin Yuusuf Indha Cadde ku soo biiritaankiisa Dowladda ayaa dhawr arrimood loo qaatay waxaana ka mid ah Al Shabaab oo warar kala duwan oo dhinaca Yuusuf Indha Cadde ka soo yeerayay, waxaana kamid ah wararkaas in Indha Cadde hubka ku wareejiyo Shabaab, waxaa jira warar kale oo iyagana sheegaya in xiriirka Shabaab iyo Indha Cadde meel xun gaaray balse uu ku dhex jiray Xasan Dahir Aweys.
Haatan oo uu ku soo biiray Dowladda waxaa loo qaadan karaa inuu door biday intii magaca xumo ku ridi lahaayeen Shabaabka in uu helo meel uu ku badbaadiyo magaciisa iyo awoodiiisa Siyaasadeed.
Go'aan qaadashada Indha Cadde ee ku biiritaankiisa Dowladda ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay uu fashilmay kulan ka dhacay Degmada Afgooye, kaasoo ay yeesheen Sheekh Xasan Dahir Aweys, Sheekh Xasan Turki iyo Saraakiil ka tirsan Alshabaab.
Kulankaas oo ahaa mid si gaar ah looga hadlayay mustaqbalka Yuusuf Indha Cadde iyo sida laga yeelayo, ayaa qodobo qaar ah oo ka mid ahaa inuu Hubkiisa soo wareejiyo la isku afgartay, isla markaana ay qeybsadaan Mujaahidiinta, taasoo Indha Cadde ay u cuntami weyday, isla markaana uu ka war helay, dabadeedna uu xalay goostay inuu Dowladda ku soo biirio.
Indha Cadde oo ah nin is bed bedel badan ayaa go'aan qaadashasiidan noqotay mid dadka kedis iyo filan waa ku noqotay, isagoona horay u cadeeyay in Dowladda uu askari difaaca u noqon doono hadii ay qaadato shareecada islaamka.
Gudoomiyaha Garabka Xisbul Islaam Maxamed Xasan Camey oo haatan ku sugan Madaxtooyada ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho waxaa uu sheegay in garabkooda Xisbul Islaam ay ku biireen Dowladda.
Yuusuf Indha Cadde waxaa uu ahaa hogaamiye kooxeedkii Gobolka Shabeelaha Hoose ka hor intii aysan koonfurta soomaaliya la wareegin Maxkamadihii Islaamiga sanadkii 2006 dii, markii Maxkamadaha dalka qabsadeen waxaa uu noqday Xoghayaha Gaashandhigga Maxkamadaha Islaamiga, Isbaheysigii labada garab u kala jabay Jabuuti iyo Asmara waxaa uu ka haayay xilka Xoghayaha Gaashandhigga,laakiin waxaa uu ka mid ahaa Yuusuf Indha Cadde raggii ka hor yimid Shirkii Jabuuti ee Madaxweyne Shariif lagu soo doortay.
Toddobaadkii hore ayaa Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh Axmed isagoo ka hadlayay dagaalada u dhaxeeya Dowladdiisa iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxaa uu sheegay in balan looga baxay laakiin ma uusan ku dhufan carabka kooxaha balanta uga baxay waxaase jirta in dadku ay u fahameen Yuusuf Indha Cadde oo maalmo ka hor waqtigaas la kulmay Madaxweynaha.
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com