PL Forces arrest dozens of criminals across the State

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

PL Forces arrest dozens of criminals across the State

Post by gemini07 »

http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=5180&z=2

Gaalkacyo: Ciidamada Birmadka ee Puntland ay dhawaan udirtay gobalka Mudug oo qaaday howlgalo culus oo amaan sugid ah.17. maj 2009



Gaalkacyo(AllPuntland)- Ciidamada Birmadka ee ay dawladda Puntland todobaadkii hore udirtay magaalada Gaalkacyo ayaa qaaday howlgalo culus oo ay uga soo horjeedaan falalka amaan daro ee dhawaanahaan ka dhacayay magaalada Gaalkacyo, waxa ayna soo qabteen dad lugu tuhmayo falal amaan daro.

Ciidamada Birmadka ayaa labadii habeen ay ka howlgalayeen magaalada Gaalkacyo waxa ay soo qabteen dad gaaraya 12 qof oo lugu bartilmaameedsaday goobo lugu tuhunsanaa, waxaana dadkaasi lugu tuhmay in ay qeyb ka yihiin dad ujooga magaalada Gaalkacyo in ay ka shaqeeyaan amaan la'aanta magaaladaasi.

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada amaanka ayaa usheegay AllPuntland in ay wadayaan howlgaladan, ayna qaadeen talaabooyin muhiim ah amaanka magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in dadka ay soo qabteen ay sharciga marin doonaan, waxaana Laamaha dambe Baarista ee magaaladu ay wadaan baaritaano ay ku hayaan shaqsiyaadka ay soo qabteen ciidamada amaanku.

Dadka ay soo qabteen ciidamadan waxa ay iskugu jiraan rag iyo haween, waxaana Maamulka gobalka Mudug xubno ka tirsan ay sheegeen in ay wadayaan howlgaladan ayna magaalada ka dhigi doonaan meel uu amaan ka jiro, inkastoo ay adag tahay in la xakameeyo amaanka magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Loo yaqaano Bol-Bir oo ah ciidanka Birmadka Puntland waxa ay gaar uyihiin gobalada Puntland, waxaana inta badan loo diraa gobalka amaankiisa la fahmi waayo, waxaana asaasay Madaxweynihii ee hore Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo ku bilaabay magaalada Boosaaso oo ay amaankeeda sugeen, waxa ayna ahaayeen ciidamadii sugayay amaanka Garowe bilihii lugu jiray tartanka doorashada Madaxweyne-nimada oo ay dad badan wadnaha farta ku hayeen.

Ciidanka waxa ay todobaadkii hore soo afjareen falal amaan daro oo ka jiray magaalada Garowe ee caasumada maamulka Puntland, taasoo ay dhalinyarada magaaladu xaafad-xaafad udagaalamayeen, waxa ayna soo qabteen dhalinyaro badan oo hubeysan ka dibna waxaa loo sii gudbiyey xabsiyada magaalooyinka Puntland.

F. C. Geylan
AllPuntland

---------------------------------------------------------------------------------------

Howlgalo lagu qabtey burcad badeed & Tahriibayal
18 May 18, 2009 - 2:05:51 AM



Howlgalo ciidamada amaanka DGPL ka sameeyeen magaalada Bosaso maalmihii lasoo dhaafey ayaa waxaa lagu soo qabtey dad lagu tuhunsan yahay iney ku lug lahaayeen falal burcad badeed-nimo iyo Tahriibayaal.

Talaabooyinkaan ciidanka amaanka gobolka Bari ku qaadeen xarumo kooxahaan ku lahaayeen dhul xeebeed ku yaala duleedka magaalada Bosaso maalintii shaley ayaa lagu soo qabtey 5 doonyood oo ah kuwa dheereeya kuwaasoo loo adeegsado falalka burcad badeednimada islamarkaana lagu daabulo dadka ka tahriibaya xeebaha Puntland.

Taliyaha qaybta gobolka Barri oo la hadley warsidaha GO ayaa u sheegey in sidoo kale isla goobtaas ku soo qabteen gaari kuwa xamuulka qaada ah oo sida shidaal la rumeysan yahay in loo isticmalaya doonyaha lagu fulinayo falalka burcad badednimo ee ka dhaca xeebaha Puntland halka la qabtey gaari yar oo sida qoriga loo yaqaan Bazuukaha.

Dhinaca kale taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegey in howlgalada laga qabtey magaalada Bosaso maalmihii la soo dhaafey lagu qabtey dad lagu tuhunsan yahay in falal burcad badeednimo ku lug leeyihiin kuwaasoo tiradooda gaareyso ilaa 15 qof.

Howlgaladaan ciidamada amaanka qaadeen ayaa sidoo kale ka socda magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo kuwasoo dadweynaha ku nool soo dhoweeyeen laguna soo qabqabtey dad lagu tuhun sanyahay iney dambiyo kala duwan ku jireen.

Madaxweynaha DGPL oo dhowaan isbadal weyn ku sameeyey taliska ciidanka Booliska kadib markii uu magaacaabey Taliyaha ciidanka Booliska, Taliye-yaasha qabahaya gobolka Nugaal, Bari iyo Galkacayo.

Xukumada Puntland ayaa tan iyo xilk aqabtey ku guuleysatey iney mideyso dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamada aminga kadib markii lagu soo ururshey awoodooda Taliyaha ciidanka, ku-xigeenkiisa iyo Taliye-yaasha qaybaha taasoo wax weyn ka badashay hib-sami u socodka howlaha amni sigida ee gobolada hoos yimaada Puntland.

Maamulka uu madaxda ka yahay Dr. Faroole ayaa sidoo kale ku guuleystey inuu bixiyo mushaharaadka ciidamada iyo raashinkooda afartii bilood ee lasoo dhaafey.

GAROWE ONLINE
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”