Mogadishu 19 May 2009 Waagacusub Media.
Waxaa xalay Fiidkii Magaalada London ee Waddanka Ingiriiska lagu soo gunaanaday Shir aay isugu yimaadeen Taageerayaasha Sheekh Xasan Daahir aweys ee Beesha Ceyr ee ku dhaqan Waddamadaan reer yurub.
Shabaab oo Waagacusub dhaleeceeyay Dhageyso ama Download
Shirkaas oo socday Muddo Seddex Maalmood ah oo aay ka soo qayb galeen inta badan Taageerayaasha Sheekh Xasan Daahir Aweys ee waddamadaan yurub, kaa soo looga hadlayey Guud ahaan Dagaalada ka soo cusboonaaday Waddankii iyo gaar ahaan ku lug yeelashada Hoggaamiyahooda Dagaalkaan Fitnada ah Dadka badani na ku le´deen in badanina ku bara kaceen iyagoo u arkayey in uu Dagaalkaasi yahay mid aan loo baahneyn Sabab loo dagaalamana aysan meeshaba ku jirin mar haddii Cadawgii lala Dagaalayey ee ethiopianku meesha ka baxeen Waddankiina aay ka jirto Dowlad Islaami ah oo uu hoggaaminayo Mid ka mid ah madaxdii Hoggaamineysay Mujaahidiintii Dagaalka qaraar la gashay Cadawgii Waddanka ku soo duulay ee Ethiopia , ayaa Dood iyo falaqeyn ka dib waxaa shirkaas ka soo baxay Go´aamo Cajiib ah iyo weliba Baaqyo dhinacyo badan taabanaya ku waas oo u qornaa sida tan:-
1-In aay Gebi ahaanba kala noqdeen Taageeradii hiil iyo hoobaba aheydba Sheekha sababtoo ah ayey yiraahdeen wuxuu ka qayb qaatay Dagaal aan loo baahneyn oo cid uu kala tashaday aysan jirin isagoo si ka fiirsasha la,aan ah ula midoobay laba Urur oo Nabad diid ah oo ka soo horjeestay Baaqyadii Culimada Masaalixda iyo Nabadoonadii Beelaha Hawiye.
2-In maantay wixii ka dambeeya aay taageersan yihiin Dowladda Islaamiga ah ee Midnimada Qaran ee uu Hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed taas oo aay Beesha Ceyr Gudaha iyo Dibaddaba aay horay u taageereen.
3-In Beeshu kaalin muuqata ka qaadato Dagaalkan lagu Difaacayo Dowladda Islaamiga ah ee weerarada gardarrada ah lagu hayo.
4-In Ugaaska, oday dhaqmeedyada,Culimada iyo Siyaasiyiinta Ceyr ee Gudaha caddeeyaan Mowqifkooda ku aadan Dagaaladaan waddanka ka socda dadkoodana uga Digaan dagaalkaan Fitnada ah ee lagu marin habaabinayo.
5-In aay Beeshu Taageero Hiil iyo Hooba leh la garab istaagto Culimada Ahlusunna waljamaaca ee hortaagan kooxaha Nabad diidka ah ee duulaanka ku ah Deegaanada Marasta yadu daadsan tahay Dhaqaalihii aan bixin jirnayna aan u wareejino Gobolkii si dadka yagu u helaan Ammaan.
Sidoo kale waxeey Masuuliyiintii halkaas ka hadashay dhaliil u jeediyeen Guud ahaan wax garadka iyo Ganacsatada beesha Ceyr Masuuliyad darrada aay ku kaceen ka dib markii aay raali ku noqdeen in aay hubkii beesha loo gacan geliyo Xasan Daahir iyada oo aay deegaanadii Beesha aay Xasuuq ka geysanayaan Xizbul islaam oo uu Xasan Daahir Madax u yahay iyo Alshabaab oo aay ood wadaag yihiin , iyada oo mid ka mid ah Masuuliyiintaas uu si caro leh u yiri ogaada Hubkiinii Fu,aad Shongole,Xasan Turki iyo Ina Godane oo Gobolladii aay u dhasheen colaada ka soo fogeeyey ayaa Dadkiinii iyo Deegaanadiinii ku gubaya Xasan Daahirna Raali uga yahay sababto waxaan la wada soconaa in uu Sheekh Xasan yahay Shaqsigii ugu horeeyey ee yiraa Gobolka Galguduud waxa Shabaab kula dagaalaya waa Ethiopian iyo Kooxo u adeega iyada oo aan wada ogeyn Ethiopian iska daaye in xataa aysan Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Nina ka joogin Gobolka , alla ayaan darro weynaa ayuu Masuulkaasi warkiisii ku soo gebagebeeyey isaga oo ilmeynaya.
Ugu dambeyntii waxeey Ex.Taageerayaashii Xasan Daahir Aweys ee Qaaraddaan Yurub iyaga oo ku hadlaaya Magacooda iyo guud ahaan Magaca Beesha Ceyr ugu Baaqayaan Dowladda islaamiga ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif in aay Taageero Hiil iyo hoobaba leh u fidiyaan Ururka Ahlusunna waljamaaca ee Gobollada dhexe dagaalka kula jira ururada nabad Diidka ah ee waxa aay doonayaan iyo waxa aay doonayaan toona la garan la´ yahay ee Xizbul Islaam iyo Alshabaab, maadaama ururka Ahlusunna uusan hadda caqabad ku aheyn Dowladda Islaamiga ah ee Dalka ka jirta balse aay hal cadaw wada leeyihiin iyaga iyo Dowladda xaqna u leeyihiin in aay helaan Miisaaniyad aay wax uga qabtaan Dib u dejinta Dadka Dagaalada ku barakacay, Nabad gelyada, Waxbarashada , Caafimaadka iyo weliba ka sifeynta kooxaha Nabad diidka ah dhammaan Gobollada dhexe.
Guntii iyo gunaanadkii waxeey Jaaliyaddu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Dhammaan Beelaha wada dega Gobolka Galguduud sida aay isugu soo gurmadeen iyo Mowqifka mideysan ee aay wada qaateen sidii aay iskaga saari lahaayeen Cadowga ku soo duulay iyagoo meel iska dhigay wixii khilaaf ama cadaawad ahaa ee hore loo dhex dhigay.
Maxamud Cabdullaahi Sanbuur
Wariye Madax Bannaan
E-mail. Sanbuur2005@hotmail.com
waagacusub@waagacusub.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download
Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download
Waagacusub Media
The Largest Media in Somalia
