Caynaba(Oodweynenews)-Tiro lagu qiyaasay tobaneeyo (10) , Daayeer ayaa dhintay, dad lagu qiyaasay 8 nina waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii uu 19-05-2009(Maanta) kii bishan magaalada Caynaba dagaal ku dhexmaray Koox Daayeero ah iyo koox rag iyo dumar ah oo reer Caynaba ah, wuxuuna dagaalkaasi ka dambeeyey markii ay Koox daayeerro ahi weerar ku soo qaadeen qoys reer Caynaba ah, halkaas ay khatar ku geliyeen caruurtii iyo dumarkii, isla markaana ay qabsadeen gurigii uu qoysku deganaa, debeddana uga saareen dadkii, taasina waxay keentay in raga magaaladu u soo gurmadaan qoyskaasi weerarka lagu soo qaaday, halkaasna uu dagaal ba'ani ku dhexmaro ku dhexmaro ragii iyoKooxdii Daayeerada ahayd.
Sida uu ku soo waramay weriye Adaan Maxamed oo hadda booqasho ku jooga Tuulada Caynaba ee gobolka Sool, Wuxuu yidhi kooxda Daayeerada ah iyo raga reer Caynaba waxa maanta gelinkiidanbe dhexmaray dagaal culus, wuxuun dagaalkaasi sababay in daayeeradii oo tiradoodu lagu qiyaasay 21 daayeer laga dilo 15 iyo toban ka mid ah, isla markaana ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen rag laguqiyaasay ilaa 8 nin oo ka mid ah raggii dagaalku dhexmaray daayeerada, kuwaas oo ay ilaa hadda qaar ka mid ahi u jiifaan dhaawacyadii ay daayeeradu u gaysteen , waxaana ragaa inta badan dhaawacu ka soo gaadhay Caloosha, Madaxa, Lugaha iyo Gacmaha.
Ragga dhaawaca ah ee ay daayeeradaasi dhaawacyada soo gaadhsiiyeen ilaa hadana u jiifa waxa ka mid ah Ducaale Xidig iyo Caabbi Kadiir.
Maxamed Xirsi oo ah ninka qoyskiisa ay daayeeradu soo weerareen ayaa weriyaha u suga sheekeeyey sida uu dagaalku u bilowday, wuxuuna sheegay Cumar inay daayeeradaasi khatar weyn geliyeen qoyskiisa, ka dibna uu qaylo-dhaan soo dirsaday, Dad kii magaalada joogay halkaasna ay rag badani u soo gurmadeen, taasina ay keentay inuu dagaal dhexmaro daayeeradii soo weeraray iyo raggii gurmadka ahaaa. Laakiin waxa la sheegay inay daayeeradaasi weerarka soo qaadeen markii ay aad u harraadeen, iyadoo ay degaamadaa abaarta iyo biyo la'aantu aad u saamaysay, waxaana la sheegay inuu qoyska ay daayeeradu soo weerareen dul-deganaa Laas yar oo biyaha laga cabbo.
Habar Jeclo Caynabo dhulbahantee logaa xoreeye maa daayeeraa ka qaday.

Waar wuxu caqli xumaa maxay xayawaankaa u waraabinwaayeen intay la dagaalamayaan miyaaysan ka baqayn in cadho ale ku dhacdo.
