Posted: 5/21/2009 11:45:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Ururka Al Shabaab ayaa galabta waxaa uu magaaabay Afhayeen cusub oo uu yeeshay Ururkaasi iyadoo Afhayeenkii dhaq dhaqaaqa Ururka Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobowna oo xilkaasi iska wareejiyay.
kadib shir jaraa'id oo uu Afhayeenka Ururka Al Shabaab uu goordhow ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku sheegay in uu iska wareejiyay xilkii Afhayeenimada Ururka Al Shabaab oo uu in mudo ah haayay.
Sheekh ayaa waxaa uu intaasi ku daray in xilkaasi uu ku wareejiyay Sheekh Cali Max'uud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo horay u ahaa wakiilka gobolada dhexe ee Ururka Al Shabaab oo xiligaasi garab fadhiyay.
Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay halkii xilkaasi loogu wareejiyay ayaa waxaa uu sheegay in loo dhiibay masuuliyad culus islamarkaana uu Illaah ka barayayo in uu ku garab galo sida uu yiri.
Warkaasi oo faahfaahsan goordhow Ka Aqriso Shabelle.net Hadii uu Illaah Inoo Saamaxo.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

