Walxa sumaysan oo lagu buufiyay magaalada Kismaayo.
Posted: Sun May 24, 2009 3:50 am
RBC (Muqdisho):-War Goordhaw nagasoo gaaray Magaalada Kismaayo xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa xaqiijinaya in Magaalada ay ka jiraan xaalado Jiha Wareer ah kadib markii la sheegay in walxo sumaysan lagu buufiyay.
Weriye ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo sheegay in Jawi cakirnaan ah uu kajiro magaalada Kismaayo.
waxaa jira dad ku maan doorsoomay Walxa sumaysan ee Kismaayo ka jiro, Goob joogayaal ayaa soo sheegay in dad badan ay ku matageen walxa sun lamoodo oo magaalada hareeyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Dekadda Kismaayo lakeenay Rinji doomaha lamariyo kaas oo sababay in uu saamayn ku yeesho magaalada Gudaheeda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Diyuurado xiliyada habeenkii ah magaalada Dul wareega ay magaalada Walxo sun ah ku buufiyeen.
RBC Muqdisho Somalia
http://www.raxanreeb.com/?p=9433