Warqad Sir Ah Oo Xaabsade Qoray, Kana Turjumaysa Qorshaha...

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Warqad Sir Ah Oo Xaabsade Qoray, Kana Turjumaysa Qorshaha...

Post by Adan_1 »

Warqadan hoos ku lifaaqan ayaa waxa qoray oo ku saxeexan Md Axmed Cabdi Xaabsade. Wakhtigan xaadirka ah Xaabsade xil kama hayo xukumada Somaliand laakin waxa uu aad u taageera xukuumada Madaxweyneyne Rayale isaga oo u qaabilsan arrimo badan. Warqadan waxa la qoray wakhtigi uu Xaabsade ahaa Guddomiyaha Barlamanka Somaliland. Waxa uu u qoray warqadda Cisman Caato o ahaa Dagaal ooge reer Muqdisho ah, kaaso ay ka wada shaqeynayen sidii Somaliland gudaheeda looga curyaamin lahaa.

“Waxaan filayaa in C/laahi Budhcad uu idin soo gaadhsiiyey warbixinnadii qoraalka ahaa iyo fariimihii sharaxayey hawlihii muhimka ahaa ee aanu halkan ka qabanay, waxa kale oo aan ku rajo-weynahay inuu Budh-cad ku guulaysto raggii aynu isla ogayn ee Dhul-bahante inuu ka keeno Nayroobi, kuwaas oo mawqif iyo miisaan la taaban karo ku biirin kara isbahaysiga SNA.

Halkan waxaan ku guulaystay inaan gacanta ku dhigo Col: Abshir Saalax Gadhweyne, oo sidii qorshuhu ahaa garaad rasmi ah laga dhigo, xidhiidhka garaad Abshir iyo Janaral Jaamac M. Qaali aad buu u adag yahay, laakiin Abshir Saalax weli kama qancin Ina-Abshir Haamaan, sidaa darteed hadii uu C/laahi Yuusuf gudoomiyaha SSDF awooddii ka maroorsaday muxubada uu Abshir Saalax u hayo Ina-Abshir Haamaan dhaqso ayey isaga shiiqaysaa.

Muskiladda dhibaatada iyo xanuunka igu haysa ee aan weli furdaamin-waayey waa Inaadeerkay garaad C/qani oo waxkasta oo lagu akhriyo, lacag-kasta oo la siiyo iyo si kasta oo loo subaa-salaaxo intaba waxa ka laxaad-weyn oo isku fuuqsaday necaybka iyo karaahiyada uu u qabo Hawiye, Majeerteen, Koonfur, General M. F. Caydiid, Col: C/laahi Yuusuf, Ina Abshir Haamaan, reer Ubaale iyo qudhaada (Caato).

Arintaasi waa ta igu khasabtay inaan dhinaca reerkayaga (guud ahaan Faarax Garaad, khaasatan Baharsame), oo sumcadda iyo awoodda uu ku leeyahay aan tartiib-tartiib uga hoos siibo, hadii ay taasi ii suuragashona, taageero uu C/qani Isaaq ka helo waa macno daro iyo wax la’aan.

Garaadnimada Abshir Saalax maal badan ayaa inagaga baxay, waxaan filayaa in colkeenii Fiqishini ee Laas-caanood kaaga soo warameen inay markiiba isku dhaceen Garaad C/qani iyo Garaad Abshir, garaad Abshirna taladeenii Aqbal oo diid inuu kursigii golaha wakiilada cid kale oo Barkad ah u baneeyo, taasina waxay waxtar u tahay raggeena xubnaha ka ah golaha inay haystaan garaad mutacalin ah oo magaca dhul-bahante huwan.

Ninkii Ina Cigaal indhoweydba iskuma aanu fiicnayn, ka dib markii uu meel kaga dhacay marwadayda Deeqa Colijoog, jagadii wasiirnimadana ka qaaday, ninkii khasnadihii oo dhan wuu xidhay oo lacag urursi laxaad leh ayuu ku jiraa, misna lacag cusub ayuu soo daabacay oo aanu Axad qudhi ogayn tiradeeda iyo inta ay tahay, tii horena wuu xeraynayaa, cid walibana waa inay isaga tuugtaa.

Durba sarrifkii doolarku maalin kasta kor ayuu u sii socdaa, lacagta Sh.So. ee uu xeraynayo dhiniciina ayuu kaga hawl-gelayaa.

Hadda xaalka oo sidaas ah waxa noo taal saddex hawl-gal oo muhim ah.

Arimahaa baaxadda leh ayaa nagu furmay, horena waanigii si tifaftiran idiinku soo qoray lacagta aan soo dalbaday yaan loo dhiibin Ina-budhcad ee toos ugu soo xawila ninkeenii Djibouti, marwadayda Deeqa ayaa laga yaabaa inay dhowaan isu soo marto Djibouti iyo Nayroobi, iyaduna ha soo qaado lacagtaa.

Ka soo fekera oo xal inoo faa’iido leh hela, sida laga yeelayo lacagta cusub ee Cigaal iyo lacagta hore waxaanu ka damacnay, hadii uu Ibraahin ciid dhowaan dhinaca Nayroobi u soo ambabaxo soo dhoweeya way coloobeen Cigaal iyo maamulkiisa, waana mucaarad is-nacay, Cigaal waa kii furay gabadhii Ciid adeerka u ahaa ee guursaday gabadh reerahooda ah, wax qabad iyo jawaab degdeg ah”ayaa lagu soo xidhay qoraalkan, welina Xaabsade qoraalkan oo toddobaado ku jiray shabakaha wararka wax jawaab ah kama bixin.

http://www.somaliland.org/2009/05/21/wa ... ee-rayale/
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”