{Laascaanood} 26-5-09"Ciidamo ka tirsan Maamulka la baxay Somaliland ayaa loo xidhxidhay dhageysiga Idaacad madax bannaan oo aan hoos tegin maamulka Somaliland. ...................... Idaacaddaas ayaa sida warka aan ku heleyno maamulka Somaliland raali ka ahayn dhageysigeeda, waxaana sababtaas darteed loo xidhay Lix askari oo ka mid ah ciidamadda Milateriga ee maamulka Somaliland, kuwaasoo lagu xidhay xabsi ku yaala degaanka la yidhaahdo Oog ee gobolka Sool. ...............................................
Ciidamo ka tirsan Maamulka la baxay Somaliland ayaa loo xidhxidhay dhageysiga Idaacad madax bannaan oo aan hoos tegin maamulka Somaliland.
Idaacaddaas ayaa sida warka aan ku heleyno maamulka Somaliland raali ka ahayn dhageysigeeda, waxaana sababtaas darteed loo xidhay Lix askari oo ka mid ah ciidamadda Milateriga ee maamulka Somaliland, kuwaasoo lagu xidhay xabsi ku yaala degaanka la yidhaahdo Oog ee gobolka Sool.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka labaxay Somaliland oo saxaafadda u xaqiijiyey arrinkan ayaa xadhigga askartani waxay ka dambeysay markii ay ka dhago adeygeen amar uu taliska guud ee ciidanka lamagac baxay Somaliland ku siiyay ciidamadu in aanay dhageysan Idaacadda Codka Shacabka Somaliland ee la yidhaahdo Radio Horyaal, taasoo Talisku sheegay inay fitno abuur tahay.
Taliska guud ee ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inuu mar hore amarro ugu soo rogay ciidamada in aysan dhageysan Idaacadda madaxa bannaan ee Radio Horyaal, balse amaradaasi ma noqon kuwo shaqeeya oo ciidamadu waxay bilaabeen in ay ogaadaan waxa keenay in loo diido dhagaysiga Idaacaddaas kadibna ay bilaabeen inay mar waliba dhagaystaan oo la socdaan waxa ka baxaya.
Widhwidh Online News Desk...Media Center.....
makes me proud mar mar reading this



