Wasaarada Qorshaynta Puntland oo tababar aqooneed u furtay Agaasimayaasha wasaaradaha & hay'adaha dawliga ah.
Garowe, May 27 | Tababar aqooneed oo socon doona 2 maalmood ayaa maanta u furmay Agaasimayaasha wasaaradaha iyo hay'adaha dawliga ah ee dawlada Puntland.
Tababarka aqooneed oo looga gol-leeyahay tayaynta iyo sare u qaadida xirfadeed iyo aqooneed ee Agaasimayaasha ayaa ka duulaya ahmiyada ay leedahay in xirfada iyo farsamada aqooneed ee Agaasmayaashu ay tahay mid tayo leh, sidaa darteedna laga kaalmeeyo Agaasimayaasha wasaaradaha sidii ay u gudan lahaayeen xilalkooda, una hirgalin lahaayeen qorshaha dawladeed ee wasaarad kasta iyo hay'ada kasta.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland Mawro Saynab Ugaaso Yaasiin oo furitaankii tababarka la hadashay Agaasimayaasha ayaa xustay baahida wasaaradaha iyo hay'adaha dawliga ahi ay u qabaan in sare loo qaado tayada, kartida, xirfada iyo aqoonta Agaasimayaasha.
Marwo Saybab Ugaas waxaa ay xustay in badi wasiirada dawladu aaany ahayn kuwa xirfad iyo aqoon dheer u leh wasaaradaha ay madaxda ka yihiin, sidaa darteedna ay lama huraan tahay in Agaasimayaashu ay kaabaan baahida muuqata, lana yimaadaan dadaal dheeraad ah.
Marwo Saybab Ugaas waxaa ay kula dardaarantay Agaasimayaashu in ay ka faa'iidaystaan tababarka, ugana faa'iideeyaan ummadda aqoonta iyo xirfada ay fursada u heleen, muujiyaana karti iyo dadaal shakhsiyadeed ee sare u qaadida xirfadooda iyo aqoontooda la xiriirta shaqada ay ummada u hayaan.
Tababarka ayaa waxaa iska kaashaday wasaarada Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, iyo hay'ada UNDP ee QM u qaabilsan qorshaynta & hirgalinta mashaariicda horumarineed.
Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.