
Musharaxa Madaxtinimada GalMudug Axmed Shariif Cali Hilawle oo soo bandhigay Taariikh Nolaleedkiisa oo Kooban iyo Wax qabadkiisa Hadii uu Guulaysto
Taariikh Nololeedka Murashaxa Madaxtinimada Galmudug State Mudane Axmed-Shariif Cali Hilowle. Wuxuu ku dhashay Kudhashay Mgaalada Galkacyo, 22/October/1960
Wuxuu Waxbarashadiisii diiniga ahayd iyo tii maadiga ahayd kusoo qaatay isla magaalda Gaalkacyo
Kabacdi u’wareegay magaalda Muqdisha, 1981, halkaas oo waxbarashadii uu kasii waday, 1983 wuxuu ganacsi kabilaabay isla magaalada Muqdisha ilaa iyo hadana waa ganacsade layaqaan.
Wuxuu nasiib u’yeeshay inuu xaga cilmiga xadiiska iyo kan tafsiirka Qu’aanka kariimka ah, uu kaqaatay Culumada waaweyn ee Somalia, sida: 1-Sh Max’ed Nuur Qawi, oo cilmiga Xadiiska, gaar ahaan kutubta “Bukhaariga, Muslimka, Iyo Tirmidiga uu ka’akhristay. 2-Sh Max’ed Macalin oo Cilmiga Tafsiirka Qu’aanka si weyn uga faa’idaystay.
Sanadihii 1984-1990, wuxuu kamid ahaa ragii cilmiga diinta ka’akhrin jiray magaalda Muqdisha masaajideeda qaar kamid ah, sida: masaajidka Muuse Boqor, masaajidka Hotel Lafweyn u’dhaw, iyo kuwo kale oo dhawr ah.
Sanadii 1999-2000 wuxuu kaqalin jabiyay machad lagu barto luqada English, oo kuyaala magaalda Nairobi
Sanadihii 2000-2005 wuxuu kaqalin jabiyay jaamicad kutaala dalka Yemen, والتكنلوجيا العلوم جامعة
Kuliyada Taarikhda Islaamka & Luqada Carabiga.
Sanadihii 2005-2006 wuxuu kaqalin jabiyay National Institute oo kuyaala Muqdisha wuxuuna kabartay Accounting & Management.
Sanadii 2008, wuxuu Gudoomiye ka’ahaa “Golaha Nabada & Horumarinta” oo xaruntiisu ahayd magaalada Gaalkacyo, Golahaas oo kashaqeeyay nabadaynta Beelaha sacad & Saleebaan, iyo nabad kusoo dabaalida deeganada labada Beelood u’dhexeeya,.
Golahaas oo taageero dhaqaale iyo maskaxeedba kahelayay Qurbo joogta Sacad ee kunool Dibada, gaar ahaan Jaaliyada North America, sidoo kale taageerada ugu weyn kaheli jiray Gudoomiyaha Golaha Dib u’xoraynta Somalia, hadana ah Madaxweynaha Somalia, Sh Shariif Sheekh Axmed., waxaa hawshaas saldhig u’ahaa dadka kunool gudaha.
Golaha nabadu wuxuu Gogol nabadeed u fidiyay Beelaha Sacad & Saleebaan, gogoshaasi waxay kadheceen deeganada kala ah: Qaydaro, Baxdo Gaabo, & Galinsoor.
Golaha Nabadu wuxuu mudo 8-bilood ah uu’ilaalinayay nabada & wada noolashaha laba Beelood, golahu isaga oo adeegsanayay ciidan ka kooban labada beelood.
Deegaanda Qaydaro & Baxdo Gaaabo, iyo inta u’dhexaysa oo markaas kahor ahaa meel laga kala qaxay, ayaa hada ah kuwo ladegenyahay, dhamaan dadkii ku noolaana ay dib ugu laabteen.
Sidoo kale golaha nabaddu waxuu ciidan nabadda ilaaliya geeyay deegaan Hobyo, cidankaas oo shaqadiisu ahayd sugidda amniga, ka hortaga colaadaha labada beelood Sacad iyo Saleebaan iyo Ladagaalanka Burcad badeeda.
Dhamaan hoolaha Golaha Nabaddu uu qabtay waxay ahaayeen kuwo hoos tagayay Maamulka Galmudug State, Sida Gudoomiyaha Gobolka Mudug Md. Xasan Faarax Barre iyo Guddomoiaha Gobolka Hobyo Md: Maxamed Axmed Caalin.
Golahu Marna ku mashaqeyn magic aan Galm udug ahayn.
Sidoo kale Goluhu wuxuu ka qeyb qaatay hoolihii Samafalka ee labadii Xilli Abaareed ee la soo dhaafay, haddana wuxuu ku hoolan yahay nabad ku soo dabaalidda deegaanada Afbarwaaqo, budbud iyo deegaanada Sacad iyo Dir isku dagaaleen, iyada oo hooshaas si gaar ah uga dhex muuqdo Md: C/shakuu Cali Cumar oo ahaa xoghayihii amniga ee Golaha Nabadda iyo Hormarinta.
Waxaa kaloo ka mid ah waxqabadka golaha Nabdda in golaha nbadda iyo hormarintu uu ka furay degmada Qeydaro Xarun lagu dhaqan celiyo dhalinyarada maleeshiyaadka ahaa, xaruntaas oo furneed muddo sadex bilood ah, waxaana xaruntaas ka faa’idaystay dhalinyaro tiradoodu gaarayso 69 qof, Maamulha xaruntaas muddadii ay furneed wuxuu ahaa Dr: Cumar Cali Waheliye, hoo shaas oo aad muhiim u ahayd in Golaghu uu sii wado waxaa ka hor istaagay daruufo dhaqaale.
Sanadii 2008, wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gudiga Dhaqaalaha ee Maamulka Galmudug State.
2009, wuxuu noqday wasiir katirsan isla maamulka Galmudug State , walina waa yahay wasiirkaas.
Hada waa murahsax u’taagan madaxweyna-nimada Galmudug.
Wax qabadka laga filayo murashaxa, hadii uu kuguulaysto xilka Madaxweyne-nimada
1- Kusoo dabaalida nabada guud ahaaan deegaanka Galmudug State
2-Nabadeynta beelaha wada daga deegaanka Galmudug & kuwa dariska la’ah.
3-Is fahamsiinta & kala shaki saarida dadka fikirka ku kala gadisan, gaar ahaa xaga diinta.
4-Abuuris ilo dhaqaale oo Galmudug yeelato, sida: furida & kashaqaysiinta dekada Hobyo ee Dabiiciga ah. Diyaarinta iyo hawl gelinta Hobyo Airport.
5-Dhaqan celinta malyshiyada & kafaa’idaysiga muruqooda Iyo maskaxddoda dhinaca horumarinta deegaanka.
6-Baahinta tacliinta, oo ah baahida ugu balaaran ee kajirta deegaanka, marka amniga laga reebo.
7-Hawl gelinta iyo kashaqaysiinta hay’adaha maamulka Galmudug State, oo hada wixii kahoreeyay ahaa magac kaliya, laakiin aan lahayn xaafisyo iyo xarumo shaqeeya toona.
8-Balaarinta maamulka Galmudug State, ilaa iyo intii suurto gal ah, ayada oo duruufta jirta marna aan ladhaafi Karin.
9-Xoojinta xiriirka u’dhexeeya maamulka Galmudug State & Dawlada dhexe ee Somalia.
10- Horumarinta garaadka & wacyiga Odayaasha dhaqanka, oo ah tiirka koobaad ee Galmudug State.
11- Horumarinta Haweenka dhan walba oo nolosha aduun & tan aakhiraba taabanaya
12-Ugu dambayntii halkudhaga murashaxaan waa: HADAL YAR & HAWL BADAN
Ahmed Cali Hilowle