Hay'adda UNDP oo Gudoonsiisey Gawaari Taliyasha Booliska ee

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Ahmed-Gurey
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 862
Joined: Tue Jan 23, 2007 9:08 pm
Location: RED SEA

Hay'adda UNDP oo Gudoonsiisey Gawaari Taliyasha Booliska ee

Post by Ahmed-Gurey »

Hay'adda UNDP oo Gudoonsiisey Gawaari Taliyasha Booliska ee Gobolka Sanaag iyo Bari

Bosaaso:-Hay'adda UNDP ayaa Gudoonsiisey Taliyasha Booliska Gobolada Sanaag iyo Bari Gawaadhi ah Nooca Booliska, waxaana Maanta lugu qabtay Xaflad Lugu Gudoonsiinayo Taliska Booliska Sanaag iyo Bari Gudaha Dekeda Magaalada Bosaso Ee Xarunta Gobolka Bari, xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Sarkiisha Sar Sare ee Hay'adda UNDP iyo Maamulka PL oo ay ka Jogeen Wasiirka Dekedaha iyo Wasiirka Amniga Maamul goboledka Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa ka Hadlay Xafladaasi lugu Gudoonsinayey Gawaadhida Gobolada Sanaag iyo Bari waxaana uu sheegay inay Talaabadani Mahad celinteda si wayn U Mudantahay Hay'adda UNDP oo si wayn ula shaqaynasa Gacansiinta dhinaca Gadiidka Booliska.

Masuuliyiinta Hay'adda UNDP ayaa sheegtay inay siii wadayaan dedaalada Dheraadka ah ee ay Dowlada Puntland Gacanta kaga siinayaan Ciidamada si ay waxbadan oo La Xiriira Amaanka ugu Fududaan ,Taliyaha Booliska Sanaag G/Sare Dabaq ayaa La Gudoonsiiyey 4 Gaari Xaajiyado 2 shirle ah oo ah Nooca qaaliga ah kaasi oo uu sheegay inuu waajibaadkiisa ku gudan doono isla markaasina waxbadan ay ciidamada Amaanku ku Fududaysanayaan Danohooda kaga aadan kaalinta Bulshada.

Maxamed Axmed CiisRadio Dhahar
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”