Berbera Dhagax Dambe ma Qaadi Karto!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Berbera Dhagax Dambe ma Qaadi Karto!

Post by Adan_1 »

Waxa aan halkan ka salaamayaa dhammaan ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaanan si gaar ah u salaamayaa reer Saaxil.

Waxa aan waxoogaa ka yara odhan lahaa socdaallada madaxda dalku ku tagaan magaalo-xeebeedka Berbera, halkaas oo ay u soo jimicsi doontaan. Xaqiiqda marka laga hadlayo Berbera waa isha dhaqaalaha waddanka Somaliland, waana aabbaha xaadaradda dalka.

Waxa kale oo aan wada ogsoonay intii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin xilka hayeye in uu reer Saaxil, khaastan reer Berbera ballanqaadayo madhalays ah uu u qaaday, taasina waa wax lagala xisaabtami doono if iyo aakhiroba, ballantuna waa wax layna faray in aynu oofino, haddii kale in aynaan qaadin balan si aynaan ugu dhicin dembi iyo Alle ka fogaansho.

Sidaan ka wada warqabno madaxwayne iyo ku-xigeenkiisuba waxay dhawr jeer oo ay yimaaddeen magaalo-xeebeedda Berbera dhagxaan dhigeel meelo ay ku sheegeen in warshado iyo goobo ganacsi laga dhigayo, laakiin taasi ma noqotay mid rumowda? Idinkaa ka jawaabi.

Haddaba, gunaanadkii waxaan leeyey Berbera ma qaadi karto dhagax dambe oo lagu soo kordhiyo, waayo kuwii hore ayaa tuulan weli oo aan waxba laga qaban. Waxaan leeyahay dhagaxa waxaad ugu beddeshaan bulshada reer Berbera ee intooda badan camal-la’aanta la fadhiyaan waxqabad iyo waxtar aad ku soo kordhisaan gobolka iyo caasimaddiisa, kuna soo celiya abaalka ay idiin galeen wakhtigii doorashooyinka.

Suldaan Cali Jaamac, Berbera, Somaliland.

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”