Ahlu Sade Wal Jama army in Balambal Galgadud

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Ahlu Sade Wal Jama army in Balambal Galgadud

Post by CoolPoisons »

Xaflad Lagu Qabtay Deg Balanbale Oo Amniga Degmadaasi Loogu Wareejiyay Ehlusunna Waljameeca

Balanbale- Munaasabad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen dadweyne aad u farabadan oo isugu jiray masuuliyiin,odayaal iyo dhamaan qeybaha bulshaada degmada balanbale ayaa waxaa amniga degmadaasi lagu wareejiyay ciidamo taabacsan Ehlusunna Waljameeca kuwaasoo si buuxda gacan uga gaysan doono howlaha amniga lagu sugayo ee Deg Balanbale.

Munaasabada oo ay hadalo ka jeediyeen qaar kamid ah marti sharftii halkaasi yimid ayaa waxaa laga jeediyay bogaadin iyo ducooyin ,taasoo dadku ay eebe ka baryayeen in uu amniga la garabgalo si looga gudbo dhibaato kastaa oo degaankaasi ku timaada.

Odayaaasha ayaa markaasi kadib waxa ay ku wargeliyeen saraakiil kasocotay Ehlusunna Waljameeca in ay gacanta ku dhigaan amniga degmada Balanbale si buuxda.waxaana ay saraakiishii goobtaasi ka hadashay ay tibaaxeen in ay kaalin mugleh ka gaysan doonaan sugida amniga deg Balanbale.

Kasokow amniga waxaan ilaa iyo haatan wax faragelin ah lagu sameeynin maamulkii degmadaasi balanbale oo uu guddoomiye ka ahaa Hareeri Xasan Barre

Horay ayaa waxaa amniga magaalada Caabudwaaq ay ula wareegeen ciidamo taabacsan Ehlusunna Waljameeca,kuwaasoo haatan gacanta ku haya intabadan Degmooyinka Gobolka Galgaduud.

C/Kariin Axmed Bulxan

Caabudwaaq-Somalia

Gedoonlinenews@gmail.com

http://www.gedoonline.com/?p=2355
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”