maalintiisii labaad galay.
Columbus, Ohio - Maalintii shalay aheyd ayaa waxaa magaalada Columbus, Ohio si rasmi ah uga furmay shirweynihii 1aad ee Qurbajoogta beesha Sade. Wufuuddii shalay shirka kasoo qeyb gashay oo oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 300 oo qof.
Agendaha looga hadlayay shirkii shalay ayaa u badnaa soo dhaweyn, is barasho, ka hadal mowduucyo gaar ahaa oo ku jiray agendihii degsanaa ee horay loo soo diyaariyay.
Dhamaan dadkii shalay meeshaas ka hadlay ayaa waxay isugu jireen dad horay loo sii diyaariyay in ay shirka ka hadlaan (Geuest speakers) iyo qaar ka mid ahaa wufuuddii ka kala timid Africa, Asia, Europe, iyo North America.
Maanta oo ah maalintii labaad ee shirka ayaa waxaa hoolka Hilton Hotel ee uu shirka ka socdo soo camiray wufuud badan si ay uga qeyb qaataan shirka.
Markii lasoo aruuriyo qaabkii uu shalay shirku u dhacay ayaa waxaa la oran karaa waxuu ahaa mid ay ku dheehneyd fariin xambaarsaneyd iscafin, isu soo dhawaasho iyo is afgarad.
Dhanka kale, agendooyinka intooda badan maanta shirka looga hadli doona ayaa waxuu u badnaan doonaa feker dhiibasho la xariira talada ugu haboon ee ay beeshu ka yeelan karto sidii ay qurbajooga beesha Sade u yeelan lahaayeen gole ay ku mideysan yihiin.
Wixii akhbaar ah ee ku saabsan shirkan kala soco shebekadaha: Gedonet, Gedoweb iyo Allgedo.
Shirweynihii Qurbajoogta beesha Sade ee Columbus, Ohio oo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Garbo_Gedo
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1138
- Joined: Sun Mar 29, 2009 10:42 am
- Location: Gedo, Baladki Amiirada
Re: Shirweynihii Qurbajoogta beesha Sade ee Columbus, Ohio oo
What a wonderful event indeed, may Allah make it a very effective and successful one where all parties take the oath to move forward and make long lasting positive changes. Amiin. With that outstanding effort, Allah will not forsaken us inshallah.
"Guul iyo Gobonnimo" as always.
Ka naxoow, nafta waa.
"Guul iyo Gobonnimo" as always.
Ka naxoow, nafta waa.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 473 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 437 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 5 Replies
- 857 Views
-
Last post by zingii
-
- 21 Replies
- 1957 Views
-
Last post by precious_dyme
-
- 7 Replies
- 1177 Views
-
Last post by Shankaroon_614
-
- 10 Replies
- 1278 Views
-
Last post by Executive
-
- 0 Replies
- 856 Views
-
Last post by AbduQadir
-
- 9 Replies
- 1188 Views
-
Last post by Maxamad87