Wararka ayaa sheegaya in caruurtan oo saarnaa Gaari lagu qabtay Ex Ctrl Afgooye, iyadoona ninkii waday ay dileen Ciidamada Dowladda ee ku sugan halkaas.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Qeybdiid oo Saxaafada ugu soo bandhigay caruurtaan Comando Polizio ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay xad gudubyada dhinaca bani'aadanimada ee ay wadaan Kooxda Alshabaab
Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in caruurtan oo aan qaar gaar aheyn laga soo qabtay Gobolka Shabellaha Hoose, isla markaana la doonayay in la soo geliyo Magaalada Muqdisho, si askar looga dhigo.
"Caruurtan waxaa la doonayay in askar laga dhigo, sidaad arkeysaa waa 11 caruur ah oo ay ka soo afduubteen Alshabaab Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose"ayuu yiri Gen. Cabdi Qeybdiid
General Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay Alshabaab in dhalinyaradani ay soo afduubeen xilli guryahooda ay joogeen sida uu sheegay.
Mid ka mid caruurtii ay soo bandhigeen Taliska Booliska oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cismaan ayaa ka hadlay goorta la soo qabtay, isagoona cadeeyay in 4-maalmood ka hor laga soo qabtay Garoon ay ku ciyaarayeen, sidaasna ay ku soo qafaasheen.
Waxaa uu sheegay in dhowr jeer oo la isku dayay in ay waalidiintooda la soo xiriiraan loo diidi jiray, isla markaana loo diiday, laguna xareeyay goob gaar ah sida uu yiri wiilkan magaciisa ku soo gaabiyay Maxamed Cismaan.Sidoo kale Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Shaaweeye oo hadal ka jeediyay fagaarihii lagu soo bandhigay caruurtan ayaa sheegay in waalidiinta dhalay ay kala soo xiriiri karaan Dowladda KMG, isagoona tilmaamay inay gacanta ku hayaan oo ay xanaaneyn doonaan.
Ma jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay Ururka Alshabaab oo ku aadan eedeynta ay u jeediyeen Dowladda KMG oo ku aadan inay soo afduubteen caruur ay askar ka dhigi rabeen, waxaana horay dhinacyada iska soo horjeeda Soomaaliya lagu eedeeyaa in caruurta aan qaan gaarka aheyn inay u adeegsadaan Askarnimo
http://www.shabelle.net/