Galkacyo's Safety is Secured
Posted: Sun May 31, 2009 8:37 am
http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=5316&z=2
Gaalkacyo: Amaanka Gaalkacyo oo soo hagaagaya.
31. maj 2009
Gaalkacyo(AllPuntland)- Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa soo hagaagaya maalmihii ugu dambeeyey, markii ay bilowgii bishan ay magaalada ka dhaceen falal amaan daro, waxaana magaalada hada jooga ciidan fara badan oo ka tagay caasumada Puntland.
Ciidamada Bol-Bir ama Birmadka oo jooga magaaladaasi ayaa qaaday talaabooyin badan oo ay wax kaga qabanayeen xaalka magaalada Gaalkacyo, waxa ayna soo qabteen dad kala duwan oo dhamaantood sharciga la mariyey, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska ee magaaladaasi.
Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda amaanka magaalada Gaalkacyo oo ku sugan gudaha magaalada Gaalkacyo, doonayana in aysan magaaladu dagin oo ay wadaan abaabulida falal amaan daro, balse ay soo qaban doonaan oo ay sharciga horkeeni doonaan.
Madaxda amaanka ee Magaalada Gaalkacyo ayaa rajo wanaagsan ka qaba in ay wax ka qabtaan amaan-xumadii ay ka cabanayeen Shacabka magaaladaasi oo ay bilihii ugu dambeeyey dhagahooda ku soo badanayeen wararka ku aadan qaraxyada iyo dilalaka qorsheysan oo aan la xaqiiqsan cida geystay ilaa hada oo la joogo intooda badan, waxaana lugu eedaynayaa Booliska laftigoodu in aysan si wanaagsan uga shaqeyn amaanka.
Booliska Puntland oo idil ayaa marar badan loo jeediyaa dhaliilo ku aadan in aysan waxba ka qaban amaan la'aanta deegaanada Puntland, inkastoo ay Saraakiisha sare ee booliska is-difaacaan kuna sheegeen eedayntaasi mid aysan waxba ka jirin oo aysan waxba ka jirin ayna la dagaalamayaan falalka amaan daro.
F. C. Geylan
AllPuntland