Waan iska daba riday, Jacayl indho la'aan ah ayaana u qaaday kaddib markii aan isku baranay qadka Internet-ka ee Paltoga wada-sheekeysiga, waxaana ka codsaday in sawirkeeda ay ii soo dirto, si deg deg ah ayayna iigu soo dirtay muuqaal sawir aad u qurxoon oo run ahaantii qalbigeyga aad u dhalaaliyay, iguna abuuray Jacayl daaro ka dhistay laabteyda.
Laakiin marar badan ayaan ka codsaday in Web-camera ay soo fariisato si aan muuqaalkeeda uga bogto, waxayse ii sheegtay in inta badan meesha ay Internet-ka ka isticmaasho aanu web-camera lahayn, anigase waan iska qancay, walow aan rabay muuqaalkeeda oo iga hor muuqda inaan mar walba arko, maadaama aan ku kala suganahay laba dal oo kala fog Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Muddo markii aanu is naqaanay, ereyada Jacayl ee ay ii soo gudbinaysayna ay lafaha iyo dhuuxa iga kadeedeen ayaa waxay bilowday inay I weydiisato qarash si ay shoping ugu samaysato, deyman badan oo lagu leeyahayna isaga guddo, run ahaantii in muddo ah ayaan u waday qarashkaas oo aan u soo diri jiray, laakiin waxaa la yiri "Sir ma qabe Alle ayaa u sahan ah".
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday in qadkii ay igala sheekeysan jirtay isagiyoo furan ay ka istaagto, markaasoo uu wiil kale soo fariistay, anigana waxaan iska sii watay la hadalkeeda balse wiilkii soo fariistay markaan ayaa ereyo la yaab leh ii soo qoray, wuxuuna igu yiri "Waloolow Meesha hadda aniga ayaa soo fariistay, wiil ayaa mar dhow ka kacay isagiyoo qadka u furan yahay, adigana gacaliso ayaad ku haysaa si adigoo qof dumar ah la hadlayee sidee bay wax u jiraan.....".
Dhidid buur buuran ayaa markiiba iga soo yaacay, naxdin ayaan la qalali gaaray "Yaah...ma dhab baa in wiil uu meesha ka kacay...." ayaan si naxdin leh u weydiiyay, wuxuuna dhaar iigu maray inuu meesha wiil ka kacay balse magac gabdheed E-mail ka samaysan uu ku qoran yahay....
Arrinkaas wiilku ii sheegay shaki badan ayuu I geliyay markaan ayaan weydiiyay in meesha web-camera ku rakiban tahay iyo in kale, wuxuuna igu yiri "Ilaa saddex ayaa ku rakiban" , si aan u xaqiiqsado ayaan ka codsaday bal inuu fariisto, wuuna iga yeelay, sababta ay iigaga diidi jjirtay ayaan ogaaday in aysanba gabar ahayn oo wiil yahay waxa gabar isaga key dhigi jirtay ee Jacayl igu beeray, anigoo markaasi wax waliba oo la iga codsado u huri jiray si dadaal dheeraad ah.
Wiilkii ayaan saaxiib ka dhigtay kaddibna si naxariis leh uga codsaday inuu sirtaas ii soo baaro, wuxuuna ii soo xaqiijiyay jiritaanka arrinkaas iyo wiil magac gabdheer E-mail ka samaystay oo sidaas been ugu shukaansada ragna uu yahay, wiilal badan ayuuna sidaas jacayl ugu riday, qarash badanna uga gurtay, balse dadow ka digtoonaada.
Waxaa Qorey: Yaxye Aadan -
abdiqadir
yax-ye@hotmail.com
_______________________________________________________________________________
maxa kala haysta somali netka ku jirtaa.
walee ninba helay lacag dadaysana gurtay.

