The battle of Hagoogane 1921

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

XKeyse_
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 889
Joined: Wed Jan 28, 2009 12:20 pm

The battle of Hagoogane 1921

Post by XKeyse_ »

Image

1919tii sanadkay somalidu u taqaan sanadkii Dayuuradaa ayaa Dooxatadii Qudaac Al Duruq ahaa
laga saaray gaboodkoodii Taleex. Nimankii maalintaas ku dhintay Taleex ee jilibaa aastay waxa ka mid
ahaa Xaaji Suudi Shabeel oo ahaa Abaadnulaa Ciidamada Dooxatada iyo Ibraahim Buqul , ninka wadaad-isku sheeg ah
ee Duuflaal Maxamed Cabdulle Xasan maalintaas faraskisii Dhibic ayuu fuulay oo cagaa wax ka dayay isagoon xabadna
ridin isaga iyo seedigii Abshir Dhoore oo isaguna ku baxsaday faraskiisii la odhan jiray "Shaluu-Maray". Wax ka yar
shan qof baa maalintaas ku dhintay Taleex marka layska reebo buun buunintii Dawladii Kacaanka ee Daaroodsimka ahayd.
Sidu qirtayba ninka afhayeenka u ahaa taariikhda Kacaanku doonayay sida Aw Jaamac Cumar Ciise, oo isaguba qirtay arinkaas.
2 Gu ka dib dooxatadii waxay dageen geyiga Qorraxay oo halkaas reerii daganaa dhibaato hor le ula galeen oo halkaas sal-dhig
ka dhigteen ayagoo marba reer ku duulaya.

Inkastoo dagaalada Daraawiish iyo reerka Isaaq ba iska yaraayeen oo reerka dhibta ku hayeen ahaa isla reerkiisa Duuflaalku
Hadana tiro dhowr geel-qaad iyo dagaalo baa dhex maray reero ka mid ah isaaqa iyo Dooxatada tusaale ahaan geelii Dayax Weerer 1901dii
iyo Geelii Daboolane oo Dooxatadu reero iska dagan mirtay, dhanka kale na tiro ilaa 5 Goobood oo Isaaq kaga guulaystay xoolana ka qaaday
Dooxatada ay ka mid ahaayeen goobtii Caado, Ilko-Cad , Gebagabo iyo Kal-Xoor uguna danbeeyey dagaalkii Hagoogane duulkaas ayaa ugu danbeeyay.
Duulkaans waxay taariikhdu xustaa in markii la soo jabiyay colkii 10ka kun ahaa ee Daraawiish xoolii ugu badnaa taariikhda somalina la soo qaaday
ayaa raggi guulaystay kibir la hagoogteen iyo faan , marna sababta waxa lagu tilmaamaa inay markii 2da col fooda is dareen si labada col ee tirada
badan loo kala garto ayay Hagoogteen ciidankii Xaaji Waraabe.

Image

1921tii ayaa Risaaladr Xaaji Muuse Faarax oo haystay ciidanka Ilaalada aaga daroor ilaa Buhoodle ilaa 500 oo qori u gacan galiyay col
duuulaan ku ahaa Dooxatada Qoraxay gabood ka dhigatay, waxa ciidanka loo abaanduuleeyey Xaaji Warsame Bulaale kuna magac dheer Xaaji Waraabe
ciidankaas tiradiiisa rasmi ahaan wuxu ahaa ilaa 3000 siday taariikhdu warisay, ciidankaasi wuxu ka koobnaa Garxajis, Habar Jeclo iyo Habar Awal.
Xaaji Waraabe wuxu ciidanka isugu keenay Buhoodle waxanu ku daray ilaa 200 oo Dhulbahnate ah una badnaa Faarax Garaadka siiba Cali Geri ga oo ayagu
mudo dheer Duuflaalka u ahaa gadh-wadeen halka Dhulbahnataa kale diidanaa Dooxatadaas kana soo hor jeeday. Ciidankaas waxa ka mid ahaa 12 gabayaa iyo 20 faaliye, habeen ba nin ayuu Xaaji waraabe odhan jiray gabay habeena nin baa faalin jiray. Ciidankaas oo dhex ku soo jira oo ka soo kicitimay Buhoodle
ayaa dhanka kale na waxa ka socotay qiso la yaable.

Colkii "Daraawiishta" oo ayagana imitaankoodii Qoraxay ku beegnaa colka Buhoodle ka soo duulay, ayaa waxay la soo dageen beeshii gabayaagii Qamaan Bulxan
Qamaan Bulaxan iyo reerkiisuba la col bay ahaayeen Dooxatada oo sanadkii Dayuuradaa waakii Qamaan Bulxan iyo Xarbi Dheere Ba dhaantada u ciraayaeen
sarkaalkii Ingiriisiga Qamaan maalintaas wuxu ku heesay:

Raggi Qoraxay iyo Qalaafoo jiroo
Qamaan u hormood-yaahan nahaye
Daraawiish raggii ka diiday colkoo
Dagaal ka horjeediyaan nahaye
Ragaan ka baqayn balaayada oo
Badheedh u beer dhigaan nahaye.

Sidii ololka iftiin badanow
Caarshow wiil amiiraad tahaye

Sidii onkodkii arkaa baxayaa
Dhaandhaamo afkoodii weeyaan
Daraawiish raggii ku duuli jiroo
Deldeler doorarkoodii baanu nahay
Taleex ninka degay ku deyn meynee
Annana waan ku daafacaynaa
Inu Xarbi xoolo gabay cuno
Xalaalnimo kuma istaahilo
Ninkii cududlaa ciyaari karee
Caleen iyo ubax carfoon badanbaa
Caarshoo mudan caawa loo sidaye
Ninkii calan le baa caweyn karayee
Ingiriis cududiisu weynaa.

Habeen ayaa ayadoo ardaaga lagu cawaynaayo oo il yartu is hayso ayaa Duufalaal Maxamed yidhi
"waar anaku hadaanu nahay reer Taleex weys naago-niqiine qoladiinan reer Qorraxay dumarkiina tee u qurux-badan"
Duufaaflka oo ku caan baxay inu reerkiisa hadba gabadhu damco ninkeeda ka qaada oo markaas ilaa 32 dumar ah wuxu furay iyo wax u qabayba lagu ogaa
ayaa marku hadlakaas yidhi qoladii Ogaadeen yara aamustay, nin isla beesha dagaanka ah baa ugu jawaabay "saydidii" naag waxa noogu qurux badnayd Naado Buraale, dee Naadana adaaba qaba" Duuflaalkii baa yidhi " waar Naado waa laydin ogyahaee yaa kale" nin la odhan jiray Gaashaan baa markaas yidhi "sayidii" laguu sheeg:

Gaashaan wuxu yidhi:

Qoraxay badhtankeeda iyo
Billaadkan naagaha jooga
Bilcaan reero qabaan iyo
Carmal waa hore la buubshiyo
Inan feedha baarkiyo
Boojaal weyn iyo dhoocil
Isu soo bixiyo
Barni sheekh Cabdillaa
Bilaadkan u qurxoon
Cadaanta wa bil Iftiinta
Guduudka waa Barni luula
Dhararka iyo baaxda joogta
Geri weeye bidhaanto
Timuhu waa bulay-cad
Cirridku waa bad madow
Laxaadkeeda balaadhan
Marka ay babacdee
Bidixda laafiyo qurxoon
Baxaaligeeda hanaanka
Dabciga loo boholoyoobo
Marka aad barato
Biligeeda hufnaanta
Edebtaa lagu beeray
Aduunku waa wax balaadhane
Hadii aad dhex butaacdo
Il iyo baal kama qaadid
Barni sheekh maqalkeeda
Barigee kuugu horreysay

Markuu Gaashaan tixida dhameeyay baa Duuflaalkii yidhi Barni Sheekh yey u dhaxday , marku yiqiinsaday inay u dhaxday Qamaan buu hadana yidhi isagoo Qamaan la hadlaya " Adigu Qamaanow gaal baad tahay oo meher kuuma qabtee maad naagta ii keentid" Qamaan baa intu naxay yidhi " sayidii hada Muslin Daraawiish ah baan ahay" Duuflaalkii baa yidhi " bal aan naagta kuu daayee horta i tus" Qamaan oo tolo ku ciirtay baa qiil wuxu ka dhigtay cudur isagoo geeraaraya


Qamaaan Bulxan wuxu yidhi

Saydidii cudur seexshaa
dadka oo soconaayiyo
fantaa saabatay reerkee
Beriga uu safku dhaafee
Caafimaad nala siiyaan
Taa ku soo tusayaaye
Ha ahaato sidaase
Sayidii ma sugnaa?

Qamaan habeenkaas wuxu ku talo goostay inu geeliisa iyo xaaskiisba la goosto oo ciidanka Daraawiishta ee hadheeyey ina Cabdulle Xasana dul dhigay reerka
dhinacuun u dhaafo oo si uun uga baxsado. Ilaahay amarkii dhanka kale colkii Hagoogane ayaa Qoraxay soo dul fadhiistay, Xaaji Waraabe oo ilaaladiisii
ilaalinayso ayaa raggi gabayaa ahaa isugu wada yeedhay iyo raggi faalin jirayba wuxu xaaji Waraabe yidhi " raggi gabyi jirow caawaa gabayga idinku danbaysa
caawa bahalkaa sumad ku dhig , raggi faalin jirowna bahalkaaga sumad ku dhig , maxaa yeelay bari waxaynu is galaynnaa Huwan iyo Daraawiish caawa nin walawba waxba hala hadhin" nin baa kacay la odhan jiray Dhaban Leexshe wuxu yidhi " caawaan sheegayaa ninkii i watay, halkay nimankaasi wax dhigeena eri dhigi maayo, murankaanu diidayaayoo cidlaan u kacayaa muran l'a ah"

1- aroorta markaynu dareerno ee dhabadaa marayno garanuugta lamaan ee dhasha wadata ee xagaafka ordaysa ee guutada meel ay ka dhaafto weyday
sii daaya hayna dhaaftee

2- midna waa muran l'a , markaynu taas dhaafno ee xarunta in yar u jirno qaalinta madow ee dhagaa go'an ee abeerka ah ee geela xarunta
fadhiiya ka soo fool dhacday, hashaasna sii daaya hayna dhaaftee

3-midna muran la weeye, markaynu xarunta galo dameerka madow ee marku in arko danaaniyi doona ee xarunta kicin doona nin boqor ah oo madax ah
oo madi ah ayuu durayaa, xabada ugu horaysa Xaaji Waraabow dhafoorka kaga dhufo. Gabayagaai


Gamuute wuxu yidhi habeenkaas:

Ilaahii i abuurayee
Illaliinka ahaa iyo
Udgoonoow Nebigii
afartii amaranaa
awowgay sheekh Isxaaqow
arrinkaan la tiraabo
Aqbalkiisa i sii
Eeraaney ku kaxaynay
Asluubey ku xabbaadhnay
Arbow Xaaji Waraabe
haddaan geela Awaadho
Haddaan Oohow idhaahdo
Illintuu ka gelaayo
Haddaan Oodda ka jiido
Haddii Eebbe ku siiyo
Markaas aad aragtaan
Hashaan geela ka aawo
In lay (iiri) doono
Axdigeeda i sii
Ugub weeye guduudanoo
Aydhin weeye maqaarloo
Ayaamii Toddobkiibay
Awr madow ka qaleenoo
Afarteeda Iboodna
Sidii Laas la af gooyey
uun dhabay harqisaa.

Image

3dexdii arimood ee faalayaa markii la arkay ee labadii col is galeen , ayaa sidii caadada u ahayd ina Cabdulle Xasan firdhaday isagoo dhaawac ah
oo dhaawax halkaas naaska dabaddii ka gaadhay, colkiisiina kala yaacay, gidii maalintii wuxu maadhiinku qalceeyaba Qamaan col soo duulay ayuu ku badbaaday
Barni intu gacanta qabsaday isagoon xoolana haleelin isna cararay. Markii xaruuntii la qabsaday Daraawiish ku sheegiina laga dhigay waxa dhintay iyo wax
carary ayaa Gamuute ku soo laabtay Xaaji Waraabe isagoo baadi goobaya hashii Gabayaaga oo ka luntay kana raacday xoogaagii Dhulbahnate ee ku jiray guutada Hagoogane,Gamuutaa yidhi " inadeerow Xaaji Waraabe , aduun waa yaabe , hashii aad ogayd waxay iga raacday colkii Dhulbahnate bay iga raacday, inadeer hadii la guuro ka xulan kari maayee, Col igu dar aan kala dhex baxee". Xaaji Waraabe ayaa intu 2 nin amray yidhi "Ismaaciil Faarax Waab iyo Xaaji Khalaf waxad tidhaahdaan , bari nin guuraa ma jiro ninkaas 100 nin oo dab le ha raacaan ,ardaa wal oo dhulbahnate ah halaga baadho," markii hashii la helay ayaa isagoo qoslaya Xaaji Waraabe ku yidhi Gamuute "abaahaa la janeeye hada maxaad odhan lahayd adaa hashii lumiyee" markaasuu Gamuute yidhi:

Gaanniga Waraabe iyo hashaan guuriska u soocnay
Raggii wada gammuurraa hashuu golongolee dhuubtay
Gaadiidka xoogga leh hashii garabku iimoobey

Gurguurtaaga awrka ah hashii (Galawga) loo taabtay
Gahaydhkii Dannood iyo hashaan gudurigaw ruugey
Gaaliyo hashaan ula col baxay gaasamo is raacay

Wixii gacal cid ii xigey hashaan goonni uga duuley
Nin xigaaladii gaanji tahay geel ma saanyado'e
Solamadow hashaan ula gedbaxay Gulufki reer Daahir

Guutada faraa badan hashii goob isugu keentay
Galaayuuska subaxdii hashuu Galawgu dhiillaabay
Feedhaha hashaan uga guntaday gocor ma yeeleene

Gurraati iyo haddaan Hara-Digeed Gocay horuu dhaafshey
Geyigiiba waxa iiga hadhay galab carrawtiine
Anigoo gacmaa laabtayoo gibil madow yeeshay

Mar haddii raggaa ila ged ihi geeyo halihiisa
Gadhcaddihii adoogay ahaa way garnaqayaaye
Markaan gurigi geeyana Libaax geesta haw rido e
Guullow Allahayoow hashaa galabta hay seejin

Guutadii Hagoogane waxay soo dhiciyeen xoolii Daraawiish somali ka dhacayeen 20ka sanadood eey lahaayeen Gaalaanu la dagaalamaynay oo dhamayd 50,000 oo neef iskugana jirta geel, lo' iyo fardaba. Ina Cabdalle Xasan wuxu u cararay xagaa iyo Iimey oo ka dib gabadh 14 jir ah ku guursaday qabayna ilaa 6 bilood dhawaacii Hagoogane uga dhintay (gabadhu waxay 2005kii ku noolayd Beledweyn ayadoo d'a ah sheegtayna inu dhaawacaas u dhintay mar laga waraystay internet ka " Jamaad Cabdule Xasan oo ina Cabdulle Xasan walaashii ah iyo Naado Buraaladii ugu qurux badnayd xaasaskiisa marku ka carary waxa qasab ku guursaday sultaankii Oromada oo waatu Xuseen Dhiqle ka tirinayo gabayga "Qeyb Libaax" ee calaacalka ah, Xuseen markii Jaamaad iyo Naado oo ahayd xaaskii ina Cabdule Xasan midna walaashii ahayd ka cararay ayuu Xuseen Dhiqle oo jeclaa Jamaad la baxsaday oo magan u noqddeen Oromda Caruusiga ah, maalintii danbe ayaa loo soo geed fadhiistay labadii naagood , Xuseen ooy ogyiin Oromadu inaanu ninka u magan ka ah naagaa u diidi karin baa gabayga Qeyb Libaax ku calaacalay markay kaxayatseen labadi naagood Caruusuu, Xuseen wuxu yidhi:

Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore
Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye
Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye
Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye
Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye
Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye
Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede
Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye
Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga
Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho
Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska
Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado
Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye
Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare
Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?
Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay
Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare
Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye
Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye
Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye
Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey
War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?
Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane
Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo
Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene
Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey
Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka
Tii quruxda roonayd hadday Cali, la qooqayso
Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile
Tana qaata Naadaba ragbay, qaac u shidataaye



end. dhamaad.
User avatar
Xaaji_Xundjuf
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1790
Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
Location: Desert Nomadic

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by Xaaji_Xundjuf »

Taleex. Nimankii maalintaas ku dhintay Taleex ee jilibaa aastay waxa ka mid
ahaa Xaaji Suudi Shabeel oo ahaa Abaadnulaa Ciidamada Dooxatada iyo Ibraahim Buqul , ninka wadaad-isku sheeg ah
ee Duuflaal Maxamed Cabdulle Xasan maalintaas faraskisii Dhibic ayuu fuulay oo cagaa wax ka dayay isagoon xabadna
ridin isaga iyo seedigii Abshir Dhoore oo isaguna ku baxsaday faraskiisii la odhan jiray "Shaluu-Maray". Wax ka yar
shan qof baa maalintaas ku dhintay Taleex marka layska reebo buun buunintii Dawladii Kacaanka ee Daaroodsimka ahayd.
Sidu qirtayba ninka afhayeenka u ahaa taariikhda Kacaanku doonayay sida Aw Jaamac Cumar Ciise, oo isaguba qirtay arinkaas.
2 Gu ka dib dooxatadii waxay dageen geyiga Qorraxay oo halkaas reerii daganaa dhibaato hor le ula galeen oo halkaas sal-dhig
ka dhigteen ayagoo marba reer ku duulaya.

Describing reer sheikh isxaaq as ingrees followers and describing jeberti as mujaheedins and fake statues the made in mogadisho. When the truth is the mad mullah fled , and niman isaaqa ku dhintay meehsas.

thats true xadiis dawladii faqashta ayaa buun buunisay

war duuflaakku waba a ey wamaxay ii tus gabadhahadu wa jebertigu dhaqan xumma. :lol: :lol:
XKeyse_
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 889
Joined: Wed Jan 28, 2009 12:20 pm

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by XKeyse_ »

Wadaadkii cadceed iyo cadceed laga cabsonaayay
Isagoo cartiisii qaba cidina taataaban
Qabiil kale ciyaar uma dhaceen culus hashiisiiye
Guutada camuudka ah markii caashir loo galiyay
Waakii Caruusaa u galay caydhii barigiiye
Nimankii calqadaa ka riday ma cid kalaad mooday.

Xasan Tarbbi, this is what he meant.
User avatar
Xaaji_Xundjuf
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1790
Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
Location: Desert Nomadic

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by Xaaji_Xundjuf »

XKeyse_ wrote:Wadaadkii cadceed iyo cadceed laga cabsonaayay
Isagoo cartiisii qaba cidina taataaban
Qabiil kale ciyaar uma dhaceen culus hashiisiiye
Guutada camuudka ah markii caashir loo galiyay :lol:
Waakii Caruusaa u galay caydhii barigiiyeNimankii calqadaa ka riday ma cid kalaad mooday.

Xasan Tarbbi, this is what he meant.


ileen oday weyno darodii ma xishoodo

:lol: :lol:
XKeyse_
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 889
Joined: Wed Jan 28, 2009 12:20 pm

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by XKeyse_ »

fulayga xaarka weyn xaskiisii quruxda badnayd ee Dhulos Naado Buraale iyo walaashii Jamaad Cabdale Xasan ba wuxu uga cararay colkii ka dib kii Xuseen Niiqle baa la baxsaday naagii oo ula galay Caruusa , markay arkeen quruxda Naado iyo Jamaad bay Caruusii kala qeybsadeen labadii naagood , Xuseen Niiqlana iska dhigay dacawadii libaaxu yidhi naa Deeyey qeybi raqada ee wada siisay baqdin awgeed. loool
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by Rightwing »

X.playa
Rageedii dheh. sxb. Dagaalkii hagoogane wuxuu ahaa taariikh lama ilaawaan ah. "kaa hortiina lagu maalaya waa kii hagoogane, dambarkiisu weydiin uraa waana dabataane" :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by Rightwing »

XKeyse_ wrote:fulayga xaarka weyn xaskiisii quruxda badnayd ee Dhulos Naado Buraale iyo walaashii Jamaad Cabdale Xasan ba wuxu uga cararay colkii ka dib kii Xuseen Niiqle baa la baxsaday naagii oo ula galay Caruusa , markay arkeen quruxda Naado iyo Jamaad bay Caruusii kala qeybsadeen labadii naagood , Xuseen Niiqlana iska dhigay dacawadii libaaxu yidhi naa Deeyey qeybi raqada ee wada siisay baqdin awgeed. loool



Xuseen dhiqle, markuu arkay inaanu choice lahayn dumarkaasna caruusada gacanta u gashay ayuu yidhi

Qaafadii Dumarka Tii Quruxda roonayd [Naado], hadday Cali la Qooqayso
Qudhoo kaliyaa nagu hadhoo, Qalabku noo yiile
Tanna Qaata [Jamaad], Naadaba Ragbay Qaac u shidataaye


:lol: :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by Rightwing »

Naadaba Ragbay Qaac u shidataaye


Miskiin..Ma ishaad wax kaga jari :lol: :lol: :lol: :lol:
XKeyse_
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 889
Joined: Wed Jan 28, 2009 12:20 pm

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by XKeyse_ »

Waa casharkii ugu danbeeyay een u dhigayo Idoor ka murqaansan ee marba u guulwadeeye inan yar oo shisheeya ah taariikhda awowyaashoodna aqoon sida wiilka Yawle ee udubaysan iyo 4ta nacas ee Cawil iyo Siciid sulub beenta u sheegaan ee halganka Isaaqismka ah ka sinaysta.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by Rightwing »

X.keyse
true Isaaqs are proud of the ancestors' history, Kuwa udub sida indho la'aanta u taagera, iyo kulmiyeba taariikh xun ayay dhigeen.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by Somalistan »

Xkeyse thanks macalinka for that history lesson. And thanks for pointing out those shameless isaaqs who prostitute to the faqash party(udub party). It's unfortunate that mothers of snm heroes starve on the streets of Hargeisa while faqashes like riyaale, cawil and their ilk sleep confortably and milk the sacrafices of the snm. Indeed it's sad.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by LiQaaye_TDH »

Somalistan wrote:Xkeyse thanks macalinka for that history lesson. And thanks for pointing out those shameless isaaqs who prostitute to the faqash party(udub party). It's unfortunate that mothers of snm heroes starve on the streets of Hargeisa while faqashes like riyaale, cawil and their ilk sleep confortably and milk the sacrafices of the snm. Indeed it's sad.
You was no Diffrent to Yawle not so long ago, what happened? Or was it the report from oodweyne, that changed your mind about Riyaale's and his thiefs? :lol:
Burao_Media
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 338
Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by Burao_Media »

LiQaaye_TDH wrote:
Somalistan wrote:Xkeyse thanks macalinka for that history lesson. And thanks for pointing out those shameless isaaqs who prostitute to the faqash party(udub party). It's unfortunate that mothers of snm heroes starve on the streets of Hargeisa while faqashes like riyaale, cawil and their ilk sleep confortably and milk the sacrafices of the snm. Indeed it's sad.
You was no Diffrent to Yawle not so long ago, what happened? Or was it the report from oodweyne, that changed your mind about Riyaale's and his thiefs? :lol:
MR. Cuqdad 10 years later, you hav'nt changed! suxanallah

I pray for you,

i thought you be married, busy, busy with the Issaq hate website Burao.tk or Habar Jeclo.tk, but you still here :roll:
XKeyse_
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 889
Joined: Wed Jan 28, 2009 12:20 pm

Re: The battle of Hagoogane 1921

Post by XKeyse_ »

Idoor kids you have no idea how this is important, first of all the common myth is that the Dervish were deafted by the British air raids , this myth was promoted by the British goverment to advertise the power of Air Planes a new weapon then in 1919, so always the British goverment claimed that the Mullah died few months later when the bombardment of Taleex ended which was non sense since the Devrish survived the raid along with most of their looted herds and fled south to Ethopia and stayed there raiding tribes some 2 years after the supposed anihilation. But the British admitted however that the raid of Hagoogane once and for all ended the Mullah's regin of terror.

The Faqash Daaroodist goverment clang to that myth to promote the power and bravery of the "Daroodizied" Dervish and to deny the Isaaq their historical victory, despite the fact of Faarax Idaajaa and Aw Jaamac Cumar Ciise's refernce to the famouse Hagoogane raid , the issue was reduced into historical footenotes.


Now , that it was brought back to life... few Idoor even noticed how important this issue was.. how sad.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”