Mujahid Indhacadde xafiduhullah did great jihad today

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Mujahid Indhacadde xafiduhullah did great jihad today

Post by AhlulbaytSoldier »

Yuusuf Indha Cadde iyo Goobaanle oo gacan weyn ku lahaa dagaalkii galabta ee rogaal celiska.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo xoogan oo ahaa kuwo rogaal celis ay qaaday Dowladda KMG, kadib markii lagala wareegay fariisimo muhiim ah oo ku yaal Degmada Yaaqshiid oo muddo afar maalmood ay dagaalo adag kula galeysay Xoogaga Mucaaradka.

Dagaaladii maanta ayaa mar kaliya is bedelay markii Xoogaga Hubeysan ay la soo wareegeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid, kuna soo fideen xaafadaha dhanka waqooyi ee Muqdisho, taasoo dagaalka sii xoogeysiisay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidamo ay wateen Yuusuf Indha Cadde oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Xisbul islaam ee Dowladda ku biiray iyo Ciidamo uu horkacayay Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle oo watay Ciidamada Maxkamadaha ee hoos taga Wasiirka Arrimaha Gudaha ay dagaalka ku biireen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ay si toos ugu biiraan Ciidamada Maxkamadaha ee Dowladda taabacsan iyo kuwa Xisbul Islaam ee dhowaan ku biiray Dowladda, taasoo wax iska badashay qaabkii dagaalada ku socdeen gelinkii hore ee dagaalka.

Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamka ee Dowladda raacsan oo la yiraahdo Qeylow ayaa xaqiijiyay in Maxkamadaha ay dagaalka qeyb weyn ka qaateen iyo kuwa Indha Cadde, kadib markii ay dib u caabiyeen Xoogaga Mucaaradka is baheysanaya.

Ciidamada Dowladda oo dagaalka saaka keli ku ahaa ayaa gacan ka helayay kuwii ay horay isaga soo horjeedeen, ee Maxkamadaha iyo Xisbul Islaam garabka Indha Cadde si dad ban u horboodo, waxaana dagaalka oo ahaa mid ballaaran oo rogaal celis ah ay Dowladda mar kale kula wareegtay goobihii laga qabsaday.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dagaalkii maanta ka dhacay Degmada Yaaqshiid ay horkacayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo la arkayay iyagoo howl gelinaya Ciidamada, waxaase markii dambe Xildhibaanada Ciidamadii ay howl gelinayeen weerar ballaaran lagu soo jabiyay, kaasoo dhowr jiho ay kaga soo qaadeen Xoogaga Mucaaradka.

Dagaalkii galabta oo ahaa mid faraha looga gubtay, isla markaana ahaa kii ugu kululaa ee ka dhaca Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ku dhaawacmay Saraakiil caan ah oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka iyo Maleeshiyaad taabacsan Yuusuf Indha Cadde.

Ma cada sida uu xaalka ku dambeyn doono, iyadoona caawa dhaq dhaqaaqyo iyo xiisado laga dareemayo xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo la sheegayo inay wali dhinacyada dagaalamaya ay wadaan guluf dagaal.


Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: Mujahid Indhacadde xafiduhullah did great jihad today

Post by galia »

Mashallah :rose: 8-) :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”