Amir al mumineen swears to continue Jihad until last man!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Amir al mumineen swears to continue Jihad until last man!

Post by AhlulbaytSoldier »

ALLAHU AKBAR ALLAHU AKBAR, amir al mumineen Madaxweyne Shariif "Ilaa kan noogu dambeeyo inta uu ka dhimanyo waa la dagaalameynaa"

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u weeraray siyaasada Kooxaha Islaamiyiinta ee Dowladdiisa sida weyn uga soo horjeeda, isagoona sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladdiisa ay u dagaallamayaan wax aanan aheyn Diinta Islaamka.

Isagoo ka hadlayay kulan uu maanta Aqalka Madaxtooyada kula qaatay Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay saraakiisha horkaceysa Kooxaha ka soo horjeeda Dowladdiisa, isagoona ku tilmaamay kuwo aan ku jirin nin Kitaab kala fura oo ka soo bixi kara sida loo gaba gabeysto marka la waayo biyo lagu weysa qaato la waayo.

"Idinkaa ah Culumadii, ma Diin baa lagu socdaa, xataa waxaa jira koox yar oo iyagu isu heysta inay Diin ku dhaqmayaan , kuwa kalena ay gaalo u yihiin, wax walba oo ay sameeyaan waa kuwo ka soo horjeeda Diinta Islaamka, Diinta Islaamka ma waxay qabtaa in qof muslim ah dhiiggiisa la daadiyo, shalay ayaa ugu dambeysay wiil xaafidul-qur’aan ah oo hurdo ka soo kacay ayay qabteen, markaas ayay inta qowraceen oo ay basiin ku shubeen meydkiisa ayay gubeen, billaahi caleykum ma waxaas ayaa Diin Islaam qabtaa"ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa cadeeyay in Kooxaha Dowladdiisa ka soo horjeeda ay yihiin kuwo ku soo tababartay Eritrea, isla markaana aanay aheyn dal Muslim ah, waxaana uu ku eedeeyay inay ku dhaqmayaan wax kasta oo Diinta Islaamka xarimeyso.

"Aqoon fiican ayaan isu leenahay Ragga naga soo horjeeda, 95% kuma jiro Nin intuu Kitaab kala furo kala soo bixi kara sida loo gaba gabeyso marka la waayo biyo lagu weysa qaato waxayna ku leeyihiin Diin Islaam ayaan dooneynaa in aan wax ku xukunno, Diinta Islaamka marka aad wax ku xukumeysid waxaad u baahan tahay in aad taqaano"ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaa ku daray in Saraakiisha qaar ee horboodeysa dagaalada Dowladdiisa lagala soo horjeedo aanay xataa soo daliishan karin mas'alo diimeed marka la isku qabto Diinta Islaamka.

Isagoo la sii hadlayay Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa waxaa uu u sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladdiisa lagu soo tababaro Eritrea, ujeeddooyin gaar ahna ay ka fulinayaan Soomaaliya,, isagoona u cadeeyay in dadka ka soo horjeeda Dowladda ay ka yimaadeen Afganistaan iyo Pakistan, waxayna leeyihiin buu yiri Soomaaliya ayaa janno u soo doonanay, waxaana uu Madaxweynuhu Culumaa'udiinka dhex dhigay calaamad su'aal.

Waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Dowladda la difaaco, isagoo tibaaxay in Dowladda ay tahay Dowlad Muslim ah, isla markaana ay waajib tahay in Qof walba oo Muslim ah la difaaco sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Shariif oo muddo ku dhow Saacad la hadlayay Culumaa'udiinka ayaa sheegay inay la dagaalamayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladdiisa ilaa kan ugu dambeeyay uu ka dhimanayo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Culumaa'udiinkii ka qeyb galay Kulanka ee Ahlu Sunah Waljamaacah oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Muxidiin iyo Sheekh Cali Xaaji Yuusuf ayaa cadeeyay in ay taageerayaan Dowladda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay difaacaan, iyagoo u riyaaqay Madaxweynaha talooyin dhowr ahna siiyay

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo aadaya iyadoo dagaalo qaraar ay ka holcayaan Magaalada Muqdisho, isla markaana dagaaladan ay sababeen dhimasho iyo dhaawac dad ka badan 500 oo ruux, iyadoona ay ku barakaceen dad 100,000 oo ruux gaaraya, kuwaasi oo bil gudaheed ka barakacay degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho.

C/casiis Golf
googooye16@hotmail.com
jowharnews@gmail.com

Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”