Eed Hooyo Laga Galay

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Cawaandi_91
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 285
Joined: Wed Apr 08, 2009 7:05 pm
Location: Dhuumoodka Sibidhlay iyo kuraha dhayda leh,

Eed Hooyo Laga Galay

Post by Cawaandi_91 »

Waa hees magaceeda ka wadata riwaayad la yidhaahdo "Eed Hooyo Laga Galay" oo aan qorey nayntiin ow owgii. Riwaayaddaasu waxay ku socotay inan yar oo da'deedu tahay 18 sano.Waa inan sabool ah oo aad u qurux badan.Islaan aan ubad kale lahayn ayaa ku indha-kuulata.Waxa xiloodinaya boqolaal doob oo guur iyo gaabsiba ka raba.Hebel bay diidaysaa;oo hebel kale ayey diidaysaa.... marka dambe ayey mid u soo joogsanaysaa ay is-leedahay malaha kanaa ah kii aad ku degi lahayd.Wuxuu been ku maaweeliyaba,aakhirka ayuu lingaxa ka goynayaa oo ay uuraysanaysaa.Waxay dabeed ka codsanaysaa inuu asturo.Isna wuu ku gacan- saydhayaa.Markaasay ereyada soo socda ku calaacalaysaa:






Obocdayda wadhaneey!
Adhaxdayda liicdaay!
Arrinkayga laalmoow!
Taladaan il-duufaay!

Axdigaan rumaystiyo
Ma arraday jacaylkii?
Ma engegay darkiisii?
Ma af-beelay xiisii?
Ma ajowday laagtii?
Ma abaaday geedkaan
Ubaxiisa guran laa?


Afar-qaadki socodkiyo
Ma eersaday wareeggii?


Orgigii la naaxshee
Adhi-raacda dhaqataa
Ku asqaysay heestee,
Naxariis ujeeddo leh
Aaminee run moodee,


Ayaantii la gawracay
Is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
Iniintiisi biqishoo,

Ayax beri i soo maray
Eel uu ka tegey baa
Uurkayga jiifoo;

Aramaa i huruddoo;
Anigoo arkaayaan
Axankayga daaqoo;


Macaan-jeceshi oon sun ah
Loo ursiiyey malabkee
Ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.

Caku inan-rageedaw!
Waxa igadh ka beermaa
Aarankiisa weeyee,
Ooryihiini kici laa
Aarankaad ku dubateen.
Urugada i haysiyo

Agoonkaa sidkii go'ay
Aanadiina weeyaan.
Ab-tirsiimadiisuna
Utun gaaxsan weeyoo,

Uurkaygu waa godob
Eed hooyo laga galay.
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Eed Hooyo Laga Galay

Post by Babygirl- »

a link ma heysa? saa uu dhagesano.
Cawaandi_91
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 285
Joined: Wed Apr 08, 2009 7:05 pm
Location: Dhuumoodka Sibidhlay iyo kuraha dhayda leh,

Re: Eed Hooyo Laga Galay

Post by Cawaandi_91 »

Link noocma ah!........ :cool:
Walaalo link uma baahna try and read it, adigaa fahmi markaa.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”