Jeneral Barre Hiiraale oo ka mida golaha baarlamaanka,kana mida hogaamiyeyaasha ugu caansan Somalia ayaa markii ugu horeysay baaq gaara u dira Shacabka ku nool goboladda Jubooyinka iyo Gedo
Barre Hiiraale oo telefoon kula soo xiriiray Waagacusub Media wuxuu shacabka ku guubaabiyay inay gacan ka geeystaan hoowlgal guud oo la doonayo in Jubooyinka iyo Gedo looga sifeeyo kooxaha uu ku sheegay Canaasiirta Islaam la dirirka ee Shabaab la baxay.
"Waxaan doonayaa inaan baaq guud u diro dhamaan shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad mid gaara degaanada aan ku socda ee Jubooyinka iyo Gedo,baaqeeyguna wuxuu yahay inay halganka gobanimadoonka ee aan wadno isgarab taagaan oo kooxaha Canaasiirta Khawaarijta qabqabashadooda naga gacan siiyaan"ayuu yiri Barre Hiiraale.
Jeneral Barre Hiiraale wuxuu tibaaxay in amniga guud ee Jubooyinka iyo Gedo kula wareegayaan todobaadkaan gudahiisa,loona baahan yahay in dadweynaha kala shaqeeyaan sidii hubka iyo saraakiisha Khawaarijta loo qaban lahaa si aysan u baxsan oo fidno dambe u soo abaabulin.
" Dowladda Federalka mudo ayey abaabul ku jirtay,waxay ila tahay in la joogo saacadii kala baxa,waxaana shacabka guud ahaan ka codsaneynaa inay halganka kaalintooda ka ciyaaraan"ayuu Jeneral Hiiraale ugu dambeyntii ku dardaarmay.
Hiiraale iyo saraakiishii maamulkiisii la wiiqay waxaa la sheegay inay ku socdaan Magaalo xeebeedka Kismayo,wuxuuna duulaankoodu yahay mid ku beegmayo xilli shacabka degaanadaas qaati ka joogaan tacadiyo baahsan oo ay kula kacayaan maleeshiyadda Xasan Turki ee sedexda magac ku hoowlgala.
Kismayo waxaa lagu goowracay,daldalay,gacma gooyay Waxgarad iyo Caruur Soomaaliyeed oo laga xusi karo gabadhii yareed ee Caasha Ibrahim iyo siyaasigii weynaa ee Cabdi Raxmaan Waldiiro,allaha u wada naxariistee,kuwaas oo dhamaantood loo dilay si ka baxsan shareecadda Islaamka,Somalinimada iyo Bini-aadamnimada.
Jeneral Barre Hiiraale oo baaq u diray shacabka Jubaland
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Re: Jeneral Barre Hiiraale oo baaq u diray shacabka Jubaland
Is about time this guys are cleaned from the country.
They should be attacked from every side.
They have no clear agenda nor do they have
a clear vission for the country.
Is time they are taken out for good
and eradicated from the country at once.
They should be attacked from every side.
They have no clear agenda nor do they have
a clear vission for the country.
Is time they are taken out for good
and eradicated from the country at once.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 26 Replies
- 1757 Views
-
Last post by zingii
-
- 21 Replies
- 155 Views
-
Last post by Captain24
-
- 2 Replies
- 806 Views
-
Last post by Substance
-
- 18 Replies
- 1596 Views
-
Last post by Meyle
-
- 1 Replies
- 365 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 2 Replies
- 317 Views
-
Last post by maryandagan
-
- 0 Replies
- 786 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 26 Replies
- 1870 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 0 Replies
- 4505 Views
-
Last post by mashallahbro