



























next year Afmadow's gonna be Marehan town
Xiisad ka Jirta Gobalada Jubooyinka.
Waxaa gobolada Jubooyinka kajira Xiisad taas oo laga yaabo in ay keento colaad u dhexaysa dad daga Gobolada Jubooyinka iyo Gado.
Xiisadan ayaa kadanbaysay kadib markii ay beelka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga Koonfurta Soomaali ay damacday in ay ceelka qodoto dhu ay leedahay beesha kale ee ay Dariska yihiin
Beesha Mareexaan ayaa ah beesha uu damaacigu kagalay in ay ceel kaqodato Orgiyow oo koonfurta kaga beegan dagmada Afmadow deegaan ahaana u’dhexaysa Qooqaani iyo Janay-Cabdale waana badhtama dhulka ay dagto beesha Absame
Ma aha markii ugu horaysay ee uu damaaci kagalo in ay ceelal iyo waro kaqodo beesha Mareexaan dhulka uudago Absamuhu bilihii tagay uunbay ahayd markii loo diiday war ay doonayeen in ay ka qodaan duleedka magaalada Diif oo kutaala Woqooyiga magaalada Dhoblay taasoo ay beesha Mareexaan doonaysay in ay deegaankaas waro kaqodato kuna yeelato deegaan lagama guuraan ah
Sikastaba ha ahaatee xiisadan hada taagan ayaan la ogayn meesha ay kudhamaan doonto iyada oo ay beeshan ceelka qodan rabta ku doodayso in dhulka hada uu ka jiro xukun islaami ah Islaamkuna uusan kala lahayn dhulka oo inba meesha uu dago uuleehay Beesha kalna ay kudoodayso dadka waa Islaam dhulkana wuu kala leehay deegaanada aad leedihiina cidna oo ma ogolidin ee waxaad doonaysaan dhul balaadhsi
Hadaba daraad oo ay taariikh ku kubeegnayd 03/06/2009 ayay odayaal kabexeen dagmada Afmadow iyaga oo u siijeeda deegaanka ceelka laga qodayo odayaashan oo ahaa odayaal hubaysan ayaa ahaa odayaal aad ay cadho ooga muuqatay iyaga oo aaminsan in maamulka wadanka kajira uu la ogyahay beesha ceelka deegaan kooda kaqodaysa iyada oo uu maamulku marwalba sheego in Islaamku uusan dhulka kala lahayn
Odayaasha ayaan latagin wax ciidan ah oo dhalin yaro ah ayaa waxay ku celcelinayaan dhulkaanagii gacanta ayuu kabaxayaa waxaana gacanta kabixinaya da’yarta hada joogta iyo siyaasiyiinta jubooyinka udhashay oo ay odayaashu sheegaan in ay gateen Dhulka
Odayaasha oo qaar marka ay kuutaariikaynayaan aad indhahooda ilin ku arkayso ayaa waxay kuu sheegayaan dhulka ay iyagu dagi jireen mardhaw oo ayna hadana hal qof ah oo beeshooda ah aan eega lagu arkaynin
Waxaa iyaguna ciil bakhtiisan ragii kasoo qaybgalay dagaalkii sukeeye ee iyagu qaarbadan oo kamid ah uu dhintay qaarbadana uu laxaadkiisii kuwaayay oo hada arka dhulkii saas ahaa oo ku jira gacan kale dhalin yaradii SPM iyo guwii maleeshiyada oo ah kuwo hada iska howlgabay loona ogolayn in ay siyaasada kaqayb galaan ayaa waxay kuushaagayaan in uusan aduunba jirin xagooda
Waxayna kusheegayaan in aytalada wadanka hayaan dhalinyaro iyo siyaasiyiin kuxidhan xoogag shisheeye waxayna kuusheegayaan awoodoodii qabiil iyo awoodoodii siyaasinimaba in ay wiiqeen dhalin yarada u’dhalatay jubooyinka ee kuxidhan xoogaga shisheeye
Waxay sooqaadanayaan in magaalada dhoblay ay gubeen dad soomaaliyeed oo taageero kahelaya dad deegaanka udhashay
Waxay carabka kudhufanayaan odayaasha deegaanka iyo siyaasiyiintii horaba iyo waliba maleeshiyadii hore in xiligan xaadirka ah ay magaalada kismaayo ku jirto gacan shisheeye oo ku gabanaya diinta islaamka iyada oo aan lasocono ayay leehiin deegaanada kale ee ay haystaan islaamiyiintu in ay kataliyaan dadkii udhashay deegaanadaas oodhan mana jiro ayay leehiin meel aan kismaayo ahayn oo uu xukumo nin aan udhalanin
Sikastaba ha ahaatee xiisadan ugu danbaysa ayaa umuuqata mid siikululaanaysa iyada oo ay beesha ceelka qodanayso hogaaminayaan siyaasiyiin kujira maamulka wadaadaha oo uu kamid yahay shinbir
Wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa
Kismaayo oo weerar bambaano lala beegsaday masuul ka tirsan Al shabaab.
Dhanka kale waxaa weerar bambaano lala beegsaday mid kamid ah xubnaha shabaabka kuwa ugu sareeya gurigaas oo kuyaala magaalada kismaayo weerarkan oo aan la ogayn cidka danbeeyay ayaa waxaa jira tuhumo kala duwan oo soo baxaya
Nin kan la weeraray ayaa lagu maga caabaa ciise maxamad alaaki waxaana la ogyahay in ay jiraan kala shaki badan oo kukala dhex jira labada urur ee kismaayo wada jooga ee allshabaab iyo xisbul islaam
Sikastaba ha ahaatee weerarkan oo aan gaysanin wax khasaara ah ayaan rasmi loo ogayn cida ka danbaysay
Hadaba su’aasha meesha taala ayaa ah siyaasiyiintakale waxay dhul iyo hormar uraadiyaan beeshooda ee maxay siyaasiyiinta absame ubur buriyaan beeshooda.
Horusocod
Kismaayo
http://www.horusocod.com/print.php?type=N&item_id=389