Madaxweyne Rayaale Muxuu Kala Kulmay Socdaalkiisii Duruqsi Ilaa Harada-gubataxil?+
June 6th, 2009
Burco(Somaliland.org)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin oo baryahanba booqasho ku maraayay deegaano ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa maanta si rasmi ah u booqday qaar ka mid ah Tuulooyinka,Waraabeeye,Harada-gubataxil, Bisiq, Yucub-yabooh, Riyo-Xido, Duruqsi, Iyo Xaaji Saalax.
Madaxweyne Rayaale ayaa Deegaanadaasi ka sokow Soodhawayn diiran oo uu kala kulmay , waxa uu sidoo kale deegaanadaasi uu kala kulmay Cabashooyin daryeel la,aaneed, Iyo Dacwado ka dhan ah qaar ka mid ah Wassaaradaha Xukuumadiisa oo ay qaar ka mid ah goobjoog ahaayeen Wassiiradoodi.
“Madaxweyne ku soo dhawoow Degmada Waraabeeye oo ah degmo markii u Horeysay Taariikhdeeda intay Jirtay uu Soo booqday Madaxweyne Somaliland ahi” Sidaasi waxa yidhi Maxamuud Diiriye Xayd oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Dgemada Burco, oo weftiga Madaxweynaha Ku Soo dhaweeyay Magaalada Waraabeeye.
Waxa kale oo arimaha ay dadku Madaxweynaha ka dalbanaayeen ka mid ahaa, in la helo Goobo adeegyo Caafimaad,Macalimiin Wax ka dhigta Dugsiyada ay halkaasi ka dhiseen haayaduhu, Iyo Arimo kale.
Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa isagu dhiniciisa u muuqday mid Wassaaradiisa ka Dufaacaaya Dacwadaha Dadban ee ay Dadweynuhu la Maragsanayaan Madaxweynaha.
Madaxweynaha Somaliland Dhamaanba Tuulooyinkaasi uu Booqashada ku tegay ayuu kala kulmay Soo dhaweyn Diiran, iyaga oo Tuulooyinku u Muuqday kuwo ku tar-tamaaya Soo dhaweynta Madaxweynaha.
Hasayeeshee may jirin Madal Qudha oo lagaga wada hadlay Arimaha Siyaasada Iyo Doorashooyinka Soo Socda Toona, Kaliya waxay u muuqdeen uun Cabashooyin, Iyo Balan-qaadyo.
Weftiga Madaxweynaha ayaa waxa Caawa uu ku Hoyda Magaalada Oodweyne, halkaasi oo ay ugu Casho sameeyeen Masuuliyiinta Iyo Bulshada Deegaankaasi, waxana la filayaa in uu u dhaafo Dhinaca Caasimada Hargeysa.
Togdheernews.com
Dahiir Rayalle Visits HY Degmos in Togdheer
Moderator: Moderators
-
- SomaliNetizen
- Posts: 338
- Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
- Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......
-
- SomaliNetizen
- Posts: 338
- Joined: Fri Apr 10, 2009 3:14 am
- Location: nin sahan tagay oo u dhexeeya Gaashamo, Danood iyo Wardheer.......
Re: Dahiir Rayalle Visits HY Degmos in Togdheer
My home towns Jameecada Caynaashe, Waraabeeye,Harada-gubataxil, Bisiq,Duruqsi, Xiirsi Cisman all the way baby
Togdheer
Home the brave



Home the brave


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 20 Replies
- 1060 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 2 Replies
- 351 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 19 Replies
- 2434 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 26 Replies
- 10524 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 4 Replies
- 386 Views
-
Last post by Warsame101
-
- 1 Replies
- 469 Views
-
Last post by siren