Page 1 of 1

Tixaha Gabayga Beesha Habaryoonis

Posted: Sun Jun 07, 2009 8:56 am
by yawle
Qoladayda ninkii doonayow, qaali baan ahaye
Qardhaasa cadde Sacad Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye
Qacda waaga nimankii Berbera, qoomay baan ahaye

Ingiriiska nimankii qabtey, ee qaawiyaan ahaye
Qasnadiha iyo rakuubkii raggii, qaybsadaan ahaye
Hadaannu isu soo qaadanona, naguma qaybaanee
Qadaad tiirintooda ha arkinee qaado hadalkayga.

Waa Macalinkii weynaa Abwaan Saalax Lay-Diray

Re: Tixaha Gabayga Beesha Habaryoonis

Posted: Sun Jun 07, 2009 8:59 am
by yawle
Hal nin qalanayaa kuma degdego halaca jiilale
Haldhablaha ma jaro jeeruu haan u dhaansado'e

Hubka waxan la rabey reer Hartaan la igu hiifeene
Hindisahase qaabkiyo haddii hadal la deyn waayey
Halka aannu hootada ku ridi waw hubsanaynaaye

Herer inaanu iman waan hubaa waana lays heliye
Annaga iyo Hadhuudhluhu mar ways horoi doonnaaye
habeen qudha ma naga jiifsataa hiilna hay tarine

Waa Aftahankii ilaahay ku Manaystay curinta Gabayada tisqaadka leh Abwaan Yawle.

Re: Tixaha Gabayga Beesha Habaryoonis

Posted: Sun Jun 07, 2009 9:11 am
by yawle
Waxa baanisaa iigu wacan, waanan baqanayne
Badrad iyo isyeelyeelba, waa ii bannaan yahaye
Isaxaaqan badanee arliga, gees walba u baahay
Ee badiba Soomalilayn, baawarka u haysta
Waa been badbay soo galeen, bixina maayaane
Habar Yoonis oon bari ka iman, buuradkiyo xoogga
Anigoo Banyare jooga, baan kaa biyey jiraye
Ma ninkaagan bahardaadsadaa belo samaynaaya

Waa Xaajigii tufta lahaa ee Isaxaaq asal Hargeisa

Re: Tixaha Gabayga Beesha Habaryoonis

Posted: Sun Jun 07, 2009 9:14 am
by Gaashaanle_87
Ingiriiska nimankii qabtee, Qaawiyaan ahaye, :lol: :lol:

Re: Tixaha Gabayga Beesha Habaryoonis

Posted: Sun Jun 07, 2009 9:21 am
by yawle
Waa lagu dhintaa Geelayaga sida dhunkaaleeda
Ma dhaqaaqdo qoladii fardaa dhuuban gelisaaye
Ma dhadhamin wadaadkii Hartiga dhoon ka buuxsadaye
Haddii dheegga Haaneedka sumad dheeri kaga taallo
Dhurwaaguba ma cuno Tuugga aan dhaqanse mooyaane

Waa the 20 year old warior Ina Dube ninkii Cali Dhuux u diiday inu hashiisa ka waraabiyo Ceelkii Doollo ee Ogadenka laga xoogay

Re: Tixaha Gabayga Beesha Habaryoonis

Posted: Sun Jun 07, 2009 9:28 am
by yawle
Huwiyaagle maantuu Buntuqu hirirglaynaayey
Hebellayga diiday hadaan ku hinjo maadhiinka
Haadkaan diyaafadin lahaa waana la hubaaye
Habar yoonis mooyee isaaq wada hunbaalleeye

Nikaasi waa Abwaan Dhunkaal oo soo ciyaar guday