Shir dhowr casho socday oo ka dhacay magaalada Garoowe arrimo door ahna looga wadahadlay, ayna isku arkeen culimo ka kala timid magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, & Laascaanood, oo wadatashiyadiisii maanta soo gabagaboobeen 08/06/2009, loogana arrinsaday xaaladda qallafsan ee dalku marayo, ayaa falanqeyn ku saabsan marxallada lagu jiro & saadaalin ku aaddan khataraha waaweyn ee dalka ku soo fool leh kadib, waxaa ka soo baxay bayaankan:-
Dagaalka ka socda gobollada koofureed ee sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur dhaqaale, sumcad xumana usoo hoyiyay dadka Muslimiinta ah, waxaan garabyada isaga soo horjeeda dirirtaas ugu baaqeynaa in ay is-maan-dhaafkooda ku xalliyaan wada hadal & in ay si deg-deg ah u joojiyaan dhiigga xurmada leh ee ay daadinayaan, annagoo Alle ku dhaarineyna xasuusineyna mas’uuliyadda adduun iyo tan aakhiro, waana in la ogaadaa mas’uuliyadda dhibaatada arrintaa ka dhalata inay ku gaar tahay dadka faraha kula jira oo kali ah. Mar kale waxaan si adag ugu baaqaynaa in la joojiyo dirirta lana wada hadlo si dagaalkan uusan sabab ugu noqon in ciidamada shisheeye ee dalka jooga ay marmarsiinyo ugu helaan joogitaankooda ciidda soomaaliyeed iyo in lagu soo kordhiyo kuwo hor leh oo lagu xoojiyo kuwa jooga iyo tiyaaraad munxarif ah inay soo noolaadaan.
Dagaalkaas ka socda gobollada koofureed waa dagaal u dhexeeya dad muslimiin ah, sheegashooyinka & waxyaabaha la isku hayana is dhex galeen, dagaalka noocan ah ee dhex mara dadka muslimiinta ah, waxa ka dhalan karana la saadaalin karo, xagna ujeedadiisunaysan caddeyn waa dagaal fitno ah, taageeriddiisa iyo ka qeybgalkiisuna ay xaaraam tahay.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan ummadda Islaamka in ay si hagar la’aan ah ugu gurmadaan dhaawaca walaalahooda Soomaaliyeed ee isbitaallada buux-dhaafiyay iyo kuwa ka barakacay dagaallada ka socda gobollada koofureed ee dibad-yaalka u noqday roobka, milicda iyo dhaxanta, iyadoo ay u weheliyaan gaajo, harraad iyo cudurro ka dhashay duruufta adag ee ay ku jiraan.
Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG wuxuu abuuray jahawareer, shaki iyo kalsooni darro, iyadoo dad bandanna ay tibaaxayaan heshiiskaasi uu yahay mid khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed; waxaan ku baaqeynaa in heshiiskaas loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG, haddii laga maarmi waayana la soo hordhigo shacbiga Soomaaliyeed si go’aan mideysan oo calool fiyoobi iyo hufnaan leh looga qaato. Waxaanan ku baaqeynaa in xilligan uu dalku ku jiro xaaladaha aan caadiga aheyn ee aysan dowladdu laheyn awood fulineed in DFKMG ay ka baaqsato inay gasho heshiis saameyn ku yeelanaya masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Saxiixayaasha bayaanka
Sh. C/Qaadir Nuur Faarax
Dr. Axmed X. C/Raxmaan Maxamed
Sh. Daahir Aw-Cabdi
Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen
Sh. C/Naasir Xaaji Axmed
Dr. C/Qaadir Maxamed Cabdalla
Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf
Sh. Axmed C/Samad Cabdille
Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xassaan)
Sh. C/Qani Qorane Maxamed
Sh. Yaasiin C/laahi Cali
La xiriir: Sh. C/Qani Qorane | Email: abdiqanim@hotmail.com
Baaq ka soo Baxay Culimada Gobollada W/bari Soomaaliya (Punt
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 392 Views
-
Last post by Individual
-
- 21 Replies
- 1321 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 21 Replies
- 1915 Views
-
Last post by zingii
-
- 8 Replies
- 808 Views
-
Last post by dhuudhuu
-
- 1 Replies
- 1068 Views
-
Last post by kkk47
-
- 0 Replies
- 206 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 427 Views
-
Last post by FBISOMALIA