Page 1 of 1

Kismayo islamic admin finishes $250,000 Road project

Posted: Tue Jun 09, 2009 2:56 pm
by hanqadh
always good to welcome development. :up: :up:

Talaado, June 09, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Gobolka J/hoose ayaa Maanta soo gabagabeeyay dhameystirka waddadii laamiga ahayd ee dhismaheedu ka soconayay gudaha Magaalada 3dii bilood ee laga soo gudbay.

Dhismaha Wadadaan oo soconayay in muddo ah ayaa lagu guuleystay in la dhameystiro iyadoo aysan jirin wax Hay’ad ama Maamul dowladeed oo gacan ka geysanayay waxqabadkii lagu dhisay.

Islamarkaasina waxaa suurtogashay in maanta la dhameystiro dhismaha waddada oo ay iska kaashanayeen Maamulka Islaamiga ah ee gacan ku heyta Magaalada Kismaayo la wareegay sanadkii tagay iyo Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda J/hoose.

Waddadaan ayaa ahaan jirtay mid lagu arki jiray burbur aad u xooggan iyo dayac faro badan oo soo gaaray intii ay dhacday dowladdii waddanka Soomaaliya mana jirin cid isku dayday in ay wax ka qabato burburka waddadaasi.

Dhismaha waddadaan oo ay ku baxday lacag gaareysa $250,000 (laba boqol iyo konton kun oo doollar) ayaa u muuqaneysa in looga baxayo baahidii waddo la’aaneed ee ka jirtay Magaalada Kismaayo.

Hiiraan Online
Kismaayo, Soomaaliya

Re: Kismayo islamic admin finishes $250,000 Road project

Posted: Tue Jun 09, 2009 2:59 pm
by Somalian_Boqor
always good to welcome development.
Sure is lakiin where are the pictures? Or is taking picture forbiden? :lol:

Re: Kismayo islamic admin finishes $250,000 Road project

Posted: Tue Jun 09, 2009 3:00 pm
by hanqadh
Somalian_Boqor wrote:
always good to welcome development.
Sure is lakiin where are the pictures? Or is taking picture forbiden? :lol:
man i dont know....they had pictures of its construction, it was posted a while back but their should be pictures soon am guessing.