Booliiska Puntland oo ka waramay Hawlgalada Aminga

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Booliiska Puntland oo ka waramay Hawlgalada Aminga

Post by sheekh-Farax-zero »

prez faroole is doing good job so far

Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Col.Muuse Axmed, ayaa Horseed Media wareysi khaas ah oo uu siiyey uga waramay hawlgalo balaaran oo ka socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Taliyaha ciidamada ayaa ka hadlay hawlgalo balaaran oo ay ciidamada amniga ka wadaan magaalooyinka, Bosaso, Qardho, Garowe Gaalkacyo iyo waliba gobalada Cayn, Sool iyo Sanaag.

Taliyaha ayaa sheegay in ay dagaal xoogan kula jireen dadka hub wata iyo kuwa kale oo uu sheegay inay xeebaha u hawlo tagaan.

Wuxuu sheegay Col.Muuse Axmed in ciidamada ay hawlahan guulo kasoo hooyeen magaalooyinka, Bosaso, Garowe iyo Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay Taliyaha in sidoo kale Gaadiid badan la qabtay oo ay ciidamada gacanta ku hayaan, ayadoo lala sii dagaalami doono ayuu yiri wax walba oo amniga wax u dhimi kara.

Taliyaha ayaa sheegay in ay amniga dhawrayaan isla markaana iska fogeeyey cabashooyinka dadka shacabka oo qaarkood sheegay in ay ciidamada hakiyaan xiliyada ay hawlaha wadaan.

Taliyaha oo aanu wax ka weydiinay in baaritaanadan ay wax xariir ah la leeyihiin baqdin ka jirta dhinaca amniga oo Puntland kusoo foolleh, ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya dagaalo ka socdaan, asagoo intaasi raaciyey in Puntland ay ka gaashaamaneyso in amni xumada kusoo fido dhulkooda.

Wakhtiga ay hawlgaladan socon doonaa ayuu Taliyuhu sheegay in Ciidanka Booliiska wakhti gaar ah uusan shaqeyn, balse waxqabadkiisa uu yahay mid joogto ah, hase yeeshee baaritaanadan dheeraad ka ah markii u cadaato in aan baahi loo qabin ay shaacin doonaan.

Taliyaha Booliiska Col.Muuse oo ka hadlay in dagaalada Koonfurta Soomaaliya ka socda ay saameyn ku yeelan karaan Puntland ayaa yiri;

“…..Puntland waa dal nabadeed dadka ku dhaqana waa dad nabad jecel oo aan dooneyn tashwiish lagu abuuro,balse way dhici kartaa dad yar oo dhib wada, kuwaasna waanu ka taxadareynaa…” ayuu yiri Taliyaha oo markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyey hawlgalada balaaran ee lagu sugayo Amniga Puntland.

Wuxuu sidoo kale Taliyuhu oo shacabka la hadlaya yiri: ‘”….Waxaan shacabka u dirayaa Baaq in nabada la xoojiyo iyo is xushmo ah lagu noolaado, dadka ka yimaada gobalada kale ee dalka lasoo dhaaweeyo, oo nabad lagu wada noolaado, wixii dhib wada oo ay arkaana shacabka iska qabtaan….”
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”