Somali White House: C/Qaasim is wrong

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Somali White House: C/Qaasim is wrong

Post by AhlulbaytSoldier »

Madaxtooyada Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay Hadalkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim

Warsaxaafadeed:

Muqdisho- Somalia

Jawaab ka Bixin Hadalkii Madaxweynihii hore C.qaasim salaad Xasan

Dowlada Soomaaliya waxay ku timid dadaal nabadeed oo dheer, iyadoo markii ay dalka ku soo laabatayba, golaha Wasiirada, iyo Baarlamaanku ay ansixiyeen in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka, iyadoo ugu danbeyna Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu soo saaray Dikreeto ah in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka, taasoo ay Culimada Soomaaliya oo shir yeeshay ay ka soo saareen go’aan ah in dowladaan ay tahay dowlad Islaami ah ayna xaaraan tahay in laga horyimaado oo lala dagaalo.

Hadaba waxaa nasiib daro ah iyadoo dowladu gacan nabadeed fidisay ay taa badalkeed kooxo aan dooneyn nabad, dowladnimo, iyo in dadkeenii la gaarsiiyo horumar, ay dulaan gardaro ah ku soo qaadeen xukuumadii, taasoo sharciga islaamka sida uu qabo culimo waaweyn oo Soomaali ah ay fatwoodeen in ay yihiin kuwa dagaalka wadaa “Buqaat” ay banaantahay in dadka iyo dalkaba laga qabto.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay aad uga xumaatay erayada ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C.qaasim Salaad Xasan ee uu ku tilmaamayay Ciidmada ku dhimanaya Difaacada dowlada Sharciga ah, oo sharcigii eebbe qaadatay iney yihiin “Ahlunaar”, arintaas oo meel ka dhac weyn ku ah Ciidamada Qaranka.

Waxaa dowlada Soomaaliya mar walba ay ka shaqeyn sidii dalka Soomaaliya ay dib ugu soo celin lahayd nabadii, sharcigii , iyo kala danbeyntii si loo gaaro horumar dhan walba ah.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa dhamaan Shacabka soomaaliyeed, Culimada Soomaaliya, Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Warfaafinta Soomaaliya, iyo dhamaan qeybaha Bulshada kale oo muujiyay Dowlad Jaceyl. Dowlada Soomaaliyana waxay u balan qaadaysaa in guushu soo dhawdahay dalkunu uu noqon doono nabad, Shacabkeenuna uu harsan doono horumar.

C/qaadir Maxamed Cusmaan
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Hooyga wararka Somaliyed
http://www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com



If we take that hadith literally as it says then we can conclude that Ammar ibn Yasir r.a is in hellfire, Zubayr in hellfire , Ali and Muawiya are all in hellfire because they fought each others.
But its not that easy to interpret the hadith as abdiqasim did so.
If a evil muslim group rejects peace and continues fitnah they should be fought until they accept peace and return back to the jamah,this is exacly what quran says.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”