Somaliland:Bilawga Xagaaga iyo Mashquulka Madaarka Hargeysa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Somaliland:Bilawga Xagaaga iyo Mashquulka Madaarka Hargeysa

Post by Adan_1 »

Image

Image

Image

Hargeysa (Somalilandpress)- Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ayaa maanta la kowsaday bilawga dadka dibadaha ka soo xagaa-baxaya ee dib ugu soo laabanaya caasimada Somaliland.
Maanta ay ahayd Khamiis ayaa waxa wadanka ku soo laabtay dad gaadhaya ilaa 300 oo qof, waxaana garoonka soo fadhiistay diyaarado gaadhaya 6 diyaaradood, qaar kalena la sugayay.

Madaarka Hargeysa ayaa gebi ahaanba u muuqday mid aad u mashquulsan iyada oo ay hawl-wadeenaduna ku mashquulsanaayeen sidii ay u soo dhawayn lahaayeen dadka ku soo guryo-noqonaya wadankooda hooyo.
Sida caadada ah sanad kasta xilligan oo kale waxa wadanka ku soo guryo-noqda kumaanaan qof oo ka mid ah dadka u dhashay wadanka Somaliland eek u kala baahsan daafaha dunida, waxase iyaguna aan ka maqnayn oo aan ka madhnayn dal-xiisayaal ajaanib ah oo in badan aad moodo inuu sanadkani kaga duwan yahay sanadihii hore.
Gudaha Madaarka Hargeysa oo aad ugu mashquulsan adeega dadka soo Guryonoqday

Si kastaba ha ahaatee, sanadkan waxa la filayaa inuu noqdo sanadkii ugu dadka badnaa ee ay ugu camirnayd caasimada Hargeysa, marka loo eego hadal-haynta dadka ku soo laabanaya guud ahaan Somaliland oo la sugayo, dadkan imanayaana waxay isugu jiraan dad aan iyagu hore u arag wadanka muddo dheer, kuwa aan arag abidkood iyo kuwo ka raagay oo u soo hiloobay ka dib markii ay ka maqnaayeen sanaddo dhowr ah.

Axmed-diyaar waxa uu ka mid ahaa fanaaniintii kooxdii Waaberi, waxaana lagu xusuustaa riwaayadihii ay ka midka ahaayeen Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna Way Matalayaan oo ka mid ahaa Fanaaniintii hagaysay Riwaayada, hadaba isaga oo aanu kula kulanay Madaarka Hargeysa oo ay ka soo degaysay Fanaanada Maryan Mursal ayaa waxa uu noo sheegay inuu laba maalmood ka hor wadanka yimi. Waxaana uu noo sheegay inuu wadanka ka maqnaa muddo gaadhaysa 20 sano ku dhawaad, oo uu aad ugu hiloobay wadankiisa hooyo, waxaanu intaa ku daray inuu hees cusub oo uu midhaheeda iyo laxankeedaba leeyahay ugu soo hibeeyay magaalada Hargeysa. “inkasta oo aan ka maqnaa fanka in muddo ah, hadana waxa maanta imaatinka Hargeysi igu dhaliyay inaan dib ugu soo noqdo Masraxii aan wakhti badan kala raagnay, waxaanad iga gaadhsiisaan dadka reer Hargeysa inaan u soo bandhigi doono Bandhig-faneed Aniga iyo Maryan Mursal iyo fanaaniinta kale ee reer Somaliland. Mihiimada ugu waynina ay tahay heestaa u gaarka ah Hargeysa ee aan u sameeyay, heesta waxaan ku qabtay London.”

Ka sokow fanaankaa caanka ah waxa kale oo aanu la kulanay oo dareenkeeda ku wajahan imaatinka Xagaagan ee wadanka iyana wax ka waydiinay Suxufiyad ka hawl-gali jirtay TV-ga Caalamiga ah ee Raad oo la yidhaahdo Bushaaro, waxaanay noo sheegtay; “Ma Qiyaasi karo dareenka iyo heerka ay gaadhsiisan tahay farxadaydu, inkasta oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee aan imi oo ku beegnayd 2003-dii, hadana maanta aad iyo aad ayay iiga duwan tahay imaatinkaygii hore ee halkan ku imi, farxad daraadeed ayaan ilmaynayaa iminka oo waad arkaysaa in aanaan war badan idinsiin karayn.”

Akhriste eegnaa, oo u joognaa insha alaah todobaadyada dambe iyo qoraalo aanu idiinka diyaarinayno sida ay dalka ugu qulqulayaan dadka reer Somaliland ee qurbaha ku nool iyo ajaanibka dalxiisayaasha ahiba.

Cabdiqani Xuseen Baynax

Hargeysa/Somalilandpress
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”