Xuquuqda d’a yarta iyo Al-Shabaab

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Xuquuqda d’a yarta iyo Al-Shabaab

Post by Adan_1 »

Image
Sawirkani waa marxuum Burhaan Hassan



Waxaa dadka qurbo joogta ah ee Soomaaliyeed fajiciso ku noqotay kadib markii wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah caruurta lagala soo cararay xasuuqa arxan daro , dagaalada aan dhamaadka lahay iyo mustaqbalka mugdiga ah ee Soomaaliya maanta ka jirto, in uu ka mid ahaa amase loo isticmaalay ismiidaamintii lagu qaaday labada magaalo ee Boosaaso iyo Hargeisa.



Dhacdadaasi si gaar ahaaneed ayay ii taabatay kadib aniga, kadib markaan ogaaday in wiilkaasi ahaa inankii ay dhashay Inaadeertay, ilayn geeridu geeljire iyo nimaadan aqoon ayay ku fiican tahaye.



Dhacdadaasi waxay murugadii qurba joogta , iyo tiiraanyadii Eheladii marxuumkaasi ku sii kordhisay dhibaato cusub oo soo wajahday dhalinta Soomaaliyeed ee Qurbaha ku noolayd, waxaa ciidamada amniga iyo sirdoonka ee wadamada US, UK, Sweden iyo Canada bilaabeen inay ilgaar ah ku fiiriyaan dhaqdhaqaaqa dhalinta Soomaaliyeed ee qurba joogta, iyo u kuurgalka barnaamijta masaajida iyo dhaqdhaqaaqa dadka diinta fidiyaba. Arintaasi waxay sababtay in daruur tuhmo ay hareeraysay dhalin iyo culimo badan oo aan waxba galabsan, mujrimiintii arintaasi abaabulay, taakuleeyay iskuna duba riday jariimadaasi ay wali dhuumanayaan oo aan gacanta lagu dhigin.



Waxaan qofkasta oo dariimlihi inuu iswaydiito oo jawaab waafi ah u helo mudan su’aalaha ay ka mid yihiin:



1. Yaa Dhalintaan ka dhaadhiciyay inay naftooda halaagaan oo burbur iyo geeri aalad loo isticmaalo noqdaan?



2. Yaa mukhalas iyo dulaal ka ahaa ama hagay oo hogaamiyay dhalintaasi (min Minneapolis ilaa Muqdisho?



Waxaa xaqiiqo markhaanti ma doonta ah in dad qaabilsan soo dabista, maxkas ka maydhista, taskiyada , ama fududaynta saadka iyo sahayda safar ay jireen welina jiraan. Waxaa kaloo hubaal ah in dadkale oo isku xidhka dhalintaasi iyo Al-Shabaab ay jiraan kuwaas oo qaar ka mid ahi ay ku sugayeen hadba dariiqa ay sii mareen (sida Nairobi ama Dubai) ilay waa mustaxiil in ilmo aan Soomaaliyaba ku dhalan ama isagoo caruur ah ka soo tagay uu maro dariiqaas dheer , kuna biiro urur ama koox sir ah oo ahdaaftooda, madaxdooda iyo xarumahoodaba aan la garanayn.



Habada akhristow anigoo wali la hardamaya helista jawaab ku aadan su’aalahaasi, sidoo kale filayay in sirdoonka wadamada qurba joogu ay faalo ka bixin doonaan afraada ama kooxda caruurtaan ka daabulaysay aqalkii waalidkood una horseeday geeri iyo halaag gacantana u geliyay arxan laawayaal adeegsada dhalaan iyo dhalin aan wali curan ama qaanba gaarin, ayaa waxaan email ka helay shakhsi aan asxaab nahayn, emailkaasu wuxuu xambaarsanaa sawiro maalmo ka hor laga soo qabtay safka hore ee dagaalka muqdisho.



Sawiradaasi waxay daliil markhaanti ma doonta ah u noqon karaan in Ururka Al-Shabaab uu adeegsado, soo afduubo , dagaal geliyona caruur aan awood tacliineed, garaad, iyo xoogba lahayn.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”