Mujahid Kaliil speaks

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Mujahid Kaliil speaks

Post by CoolPoisons »

Mas uul ka tirsan Maamulkii hore Dowlada KMG Gobolka Gedo oo ku goodiyey in ay dhawaan dib u wiiqi doonaan
Soomaalinews.com 12 Jun 09, 10:50

Masuul ka tirsan Maamulkii hore Dowlada KMG ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu ku goodiyey in ay dhawaan dib u wiiqi doonaan Awooda xoogaga Islaamiga haatan ka arrimiya gobolkaasi.


Maxamad Cabdi Kaliil oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulkii hore ee laga cirdeeyey gobolkaasi oo Saxaafada la hadlay ayaa ku goodiyey in ay dhawaan dib u wiiqi doonaan awooda xoogaga Islaamiyiinta haatan gacanta ku hayaan Gobolkaasi.


Maxamad Cabdi Kaliil waxa uu ku eedeyey xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG in aysan ahayn dad ka amar qaata mas’uuliyiin Soomaali ah, balse ay yihiin kooxo laga xukumo meel aan soomaaliya ahayn, sida uu hadalka u dhigay.


Sidoo kale waxa uu ku eedeeyey maamulka islaamiga ka soo horjeeda dowlada KMG in ay si gardaro ah ku bur buriyeen qabuurayaal badan oo ku aasan dad culumo ah, isagoo tibaaxay in lafaha qabuurayaashi aan la ogayn meesha ay geeyaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Qabuuro maxaa loo faagayaa oo qof waa hore dhintay lafahiisa loo soo fagayaa, meeda kale dadkaasi ma ahan dad ay xukumaan soomaali ee waxaa laga xukumaa dal dibada ah, in la iska difaaco mooyee hadalka kale ma jirto” ayuu yiri Maxamad Cabdi Kaliil oo xalay saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Degmada Dooloow.


Kaliil waxa uu intaasi ku daray in weerarka ay ku soo qaadi doonaan Gobolka Gedo uu yahay weerar ay og yihiin Mas’uuliyiinta Dowlada KMG ee Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho, laakiin ma uusan carbaabin xiliga ay weerarka ku soo yihiin.


Dhanka kale dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ayaa laga soo sheegayaa in ay wadaan ciidamada maamulka Islaamiga Gobolka Gedo, kaasoo ka dhan ah sidii ay uga hortagi lahaayeen Ciidamada Maamulkii hore Dowlada KMG oo muddooyinkan isku aruursanayeen Degmada Dooloow.

Haddalkan ka soo yeeray Maxamad Cabdi Kaliil ayaa ku soo beegmaya xili maamulka Islaamiga Gobolka Gedo ay uga digeen maamulkii hore Dowlada KMG Gobolkaasi in aysan ku soo hungoobin weerar ay ku soo qaadaan Gobolkaasi.

http://soomaalinews.com/view_contents.p ... leid=13218
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”