Wafti ka socda Denmark oo Garowe yimid
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Wafti ka socda Denmark oo Garowe yimid
Waxaa maanta 12 June,2009 duhurkii safar howleed ku yimid magaalada madaxda Puntland ee Garoowe wafdi ka socdo boqortooyada Denmark.
Wafdigaan ayaa wuxuu ka koobnaa Saalax Siciid Diiriye madaxa ururweynaha Puntland Aid service (PAS) oo xaruntiisu tahay Denmark iyo Allan Vokstrup oo ah madaxa mashaatriicda ee heyada Dansih People Aid (DPA).
Xubnahaan ayaa waxaa gagida dayuurada Garoowe kusoo dhaweeyay xubno ka socdo wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga, xubno ka socdo bulshada rayidka ee reer Puntland, madax ka socoto heyada wadaniga ee KAALO iyo xubno ka tirsan jamacada Puntland State University oo xarunteedu tahay Garoowe.
Wafdiga waxaa loo galbiyay xarumihii loogu talagalay ineey dagaan. Waxaana la filayaa ineey howlohooda shaqo maalinka bari u guda galaan. Waa markii ugu horeysay oo wafdi reer Denmark safar ku yimaadaan magaalada Garoowe si gaar ahaaneed, iyo dhamaan degaamada Puntland si guud ahaaneed.
Safar howleedka shaqo ee wafdiga waxaa lagu micneeyay xog arurin la xiriirto suurtagalnimada in la hirgaliyo mashaariic hormarineed iyo xoojinta xiriirka Puntland iyo Denmark. Sida ilo xogogaal ah nagu wargaliyeen waxaa la filayaa inuu wafdigu kusoo gabagabeeyo howlohooda shaqo mudo todobaad ah markaa ey dib ugu noqdaan magaalada Nairobi oo markii hore ka yimaadeen.
Waxaa la filayaa in wafdigu la kulmi doono xubno ka tirsan bulshada rayid, maamulka Puntland, waxgaradka iyo qeybaha kal duwan ee bulsho weynte Puntland.
Ururweynaha PAS waxaa u sanadihii danbe aad ugu howlahanaa dib u dhiska iyo hormarka deegamada Puntand. Waxaana uu marwalba ururku u heelan yahay qor u qaadida heerka nololeed ee reer Puntland.
Ururku wuxuu dhawaan degamaada Puntland ka hirgalindonaa mashaariic hormarnied oo kor loogu qaadayo heerka nololed ee danyarta isla markaana shaqo loogu abuurayo. Waxaa kale oo uu ururku umadda usoo bandhigaa kulamo wacyi galin oo looga gol leeyahay sare u qaadida tayada ardayda iyo shaqaalaha heyadaha kal duwan ee dowlada Puntland.
Wixii soo kordho oo la xiriiro safarka wafdiga dibaan idinkasoo gudbindoonaa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 301 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 287 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 306 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 0 Replies
- 402 Views
-
Last post by DarthSomali
-
- 5 Replies
- 609 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 3 Replies
- 1492 Views
-
Last post by CrooKed-I
-
- 0 Replies
- 334 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 305 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 426 Views
-
Last post by FBISOMALIA