Sharif Forces Fighting Each Other.....
Posted: Sun Jun 14, 2009 1:23 pm
Dagaalo u dhaxeeya Ciidamo ka wada Tirsan dowladda KMG ayaa waxaa uu ka socda Agagaarka EX Contarol Afgooye ee Duleedka Muqdisho halkaasi oo ciidamada dowladdu ay dadka iyo gaadiidka lacago ugu qaadaan.
Dagaalkani oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan islamarkaana u dhaxeeya Ciidamo ka wada tiresan dowladda KMG Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta ka qarxay jagboontiga Ex Control Afgooye,waxaan dagaalkaasi uu bilowday kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ku sugnaa Contaroolkaasi iyo Ciidamo La sheegay in ay galbinayeen Raashin gar gaar ah oo Wadadasi marayay.
Dagaalka oo aan la ogeyn qasaraaha dhabta ah ee uu geystay ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 3-askari halka dhaawacu uu intaasi ka badanyahay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday Magaciisa ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in ay maqleen Dhawaqa Rasaas culus oo is weydaarsanayaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya,waxa uuna tilmaamay in dagaalku uu samayn ku yeeshay dadka deegaanka iyo isku socodka gaadiidka ee wadadaasi,isagoona intaasi raaciyay in deegaanadaasi laga dareemayo saan san colaadeed.
Afhayeenka Ciidanka Boliiska dowladda KMG G/sare C/laahi Xasan Bariise oo ay shabelle qadka taleefanka kula xariirtay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo dagaalkaasi manaa jiraan cid ka tiorsan dowladda KMG oo ka hadashay dagaalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee Waa markii ugu horeeysay oo ciidamo kawada tirsan dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif uu dagaal culus oo naacani ah uu ku dhexmaro Isgoyska Ex Contarol Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho.