Ethiopia and Sool & Sanaag
Posted: Tue Jun 16, 2009 3:03 am
Dawlada Itoobiya Siday U Aragtaa Khilaafka Sool Iyo Sanaag-Bari Ee Somaliland iyo Puntland
Wasiir ka tirsan Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Wefti ka socda Dawladda Puntland oo socdaal ku tegay Magaalada Addis-Ababa ay dawladda Itoobiya ka wada hadleen arrimo la xidhiidha khilaafka xuduudeed ee Somaliland iyo Puntland u dhaxeeya.
Wasiirka Qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Maamul-gobolleedka Puntland Mr. Faarax Aadan Dhalac oo ka mid ahaa Wefti uu hoggaaminayay Madaxweyne-xigeenka Maamul-gobolleedkaas Cabdisamad Cali Shire, kuwaas oo booqasho ku tegay Magaalo-madaxda Itoobiya ee Addis-Ababa, ayaa sheegay in arrimo kala duwan oo ay ka wada hadleen Weftigooda iyo Dawladda Itoobiya ay ka mid tahay muranka xuduudeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.
Wasiirkan oo khadka Telefoonka ugu waramay Idaacadda Radio Garowe, ayaa wuxuu sheegay in Weftigoodu ay u bandhigeen Dawladda Itoobiya qorshe cusub oo Maamulka Puntland ku doonayo in uu dib ugu hanto gacan-ku-haynta Magaalada Laascaanood.
“Safarkayagani wuxuu daba socday booqasho uu bishii March Madaxweynaha Puntland ku tegay Itooobiya.” Ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Puntland, waxaanu sheegay in ay dawladda Itoobiya ka wada hadleen sidii Itooobiya Xafiis Ganacsi uga furan lahayd Puntland, isla markaana ay Duulimaadyada Diyaaradda Itoobiya toos ugu tegi lahayd Boosaaso.
“Waxaanu Itoobiya u bandhignay oo aanu u sharaxnay Siyaasadda Puntland ee dib-ula-soo-noqoshad a Laascaanood, waxaanay Saraakiisha Dawladda itoobiya noo sheegeen(lol@noo sheegen ) in ay doonayaan in Puntland iyo Somaliland ay ku wada noolaadaan nabad.” Ayuu yidhi Wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland. Waxaanu sheegay inay sidoo kale la kulmeen Safiiro ka kala socday dalal kala duwan oo kuwa Caalamka ah.