Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxa uu manta dhagax dhigey dhisme cusub oo lagu ballaarinayo qeybta haweeenka iyo carruurta ee cusbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo dib u habeyn ballaarin ah lagu sameynayo.
Dhismaha cusub ee lagu kordhinayo cusbitaalka guud ee Boosaaso waxaa gacan ka geystey shirkadaha ganacsiga eek ala ah Barwaqqo iyo Golis oo ku deeqay lacagta ku baxaysa ballaarinta qeybtan cusbitaalka ka mid ah, waxaa sidoo kale ka qeybqaadanaya dhismahan ganacsatada gobolka qaarkood, iyadoo horeyna dib u habeyn loogu sameeyey dhismaha cusbitaalka guud ee Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada dhagax dhiga cusbitaalka ayaa waxa uu ku booriyey hawlwadeenada caafimaadka ee cusbitaalka inay sii wadaan adeega ay hayaan isagoo ka codsadey in la laba laabo shaqada caafimaad oo ay bulshada u hayaan.
Waxaana uu madaxweynuhu ballanqaadey in maamulkiisu uu muhimada siinayo adeegyada bulshada oo caafimaadka ugu horeeyo.
Waxaa munaasabada sidoo kale ka hadlay agaasimaha guud ee cusbitaalka Boosaaso Dr. C/laahi Siciid Aw Muuse oo isaguna amaan u jeediyey shirkadaha ka qeybqaadanaya dhismahan la ballaarinayo e cusbitaalka.
Cusbitaalka guud ee Boosaaso o dhismihiisu yahay mid qadiim ah, waxaa horey dayactir loogu sameeyey qeybo ka mid ah cusbitaalka iyadoo qeybo hor lehna lagu kordhiyey
Faroole oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Cusbitaalaka Boos
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 682 Views
-
Last post by quark
-
- 0 Replies
- 424 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 496 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 760 Views
-
Last post by DamallaXagare
-
- 0 Replies
- 512 Views
-
Last post by Kees70
-
- 9 Replies
- 1037 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 1026 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 1 Replies
- 533 Views
-
Last post by abdikarim86