Maryan Mursal built school !!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Harti55
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 660
Joined: Thu May 21, 2009 4:25 am

Maryan Mursal built school !!!!!

Post by Harti55 »

mj. marwo maryan mursal oo dhagax dhigtay dugsigii ay ka dhisayso hargeysa.
------------------------------------------------------------------------------

Fanaanadda caanka ah ee Mj. Marwo Maryan Mursal Ciise Xaaji Bootaan ayaa saaka arooryadii hore dhigtay dhagaxii dhisme dugsi ay hore u shaacisay inay ka dhisayso Xaafadda Daami/Hargeysa/JSL.

Munaasibad ballaadhan oo ay Fanaanadda iyo Dadweyne kale ka soo qayb galeen oo lagu dhagax dhigayayy Dhismaha Dugsigan ayaa lagu qabtay Goobta loogu talo galay oo isla markaaba laga bilaabay binaha dugsigan.

waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka,Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, qurba -joog ay horkacaysay Maryan Mursal oo ay ka mid ahaayeen fanaaniin waaweyn sida Cabdi Nuur Allaale iyo dadweynaha xaafada Daami

Xafladan loo sameeyay dugsiga cusub ee ay maryan Mursal ka dhisayso xaafada Daami ee magaaladda Hargeysa oo loogu magac daray Abwaanka weyn ee Max'd Ibraahim Warsame Hadraawi waxa ka hadashay Maryan Mursal oo sheegtay ujeedada ay u dhisaysaa inay tahay sidii ay u Gacan qaban lahayd dadka maatada ah ee aan haysan waxbarashada sidii ay u taakulayn lahayd isla markaana mustaqbalka waxbarashadooda u dhisi lahayd

Maryan Mursal waxa ay maamulka Somaliland uga mahadnaqday sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay ugu fududeeyeen bixinta dhulka laga dhisayo iskuulka iyadoo sheegtay waxqabadka maamulka Somaliland sameeyeen inuu yahay mid aanay cidi dafiri Karin in Somali ku dayataana muhiim tahay


Fanaanada Maryan Mursal waxa ay sheegtay talaabada xigta ee ay dalka ku aragtay ee wax ka qabashada u baahani inay tahay xal u helida dhibaatada haysata fanaaniinta reer Somaliland waxaanay ku baaqday in la is garab istaago fanaaniinta oo waxqabad dhab ah loo muujiyo iyadoo balan qaaday inay hormood u noqon doonto


Maayar xigeenka caasimada hargeysa, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Wasiirku xigeenka Caafimaadka iyo Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka hadashay xafladii dhagax dhiga iskuulka ay Maryan Mursal ugu magac dartay Abwaan Hadraawi waxa ay si weyn ugu mahad naqeen fanaanada waxaanay ku hambalyeeyeen Heestii wanaagsanayd ee ay u qaaday 18 bisha may ee sanadkan oo lagu xusayay madax banaanida Somaliland iyo booqashada ay Somaliland ku timidba iyagoo ugu baaqay in lagu daydo niyad samida ay ummada reer Somliland u hayso


Waxaanay fanaaniintii iyo dadweynihii xafladaa ka hadlayba si weyn ugu mahad naqeen Maryan Mursal
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”