
Gabadh soomaaliyeed oo isku gubtay Nayroobi,maxaa sababay?
Written by Qarannews
Jun 18, 2009 at 03:45 AM
(Qarannews)-Qiso la yaab leh oo jeceyl ah ayaa waxa ey ka dhacday xaafadda loo yaqaa Eastlee ee magaalada Nairobi, taasoo u dhexeysay labo gabdhood iyo hal wiil, gaba-gabadiina ku dhamaatay qaab qaracan leh.
Qisada ayaa u bilaabatay sida tan:
Axmed waa wiil somaliyeed, waxa uu daganyahay xaafadda Eastlee ee magaalada Nairobi, waxuuna ka shaqeyay suuqyada xaafadaasi isagoona markaasi lahaa xaas la yiraahdo Xaliimo, waxeyna ku jirtay leyn Mareykan ah (isboonsar ayey sugeysay).
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa u soo baxay Xaliimo leynkii ay sugeysay oo loo soo dhajiyay, hadaba waxa ay goosatay maadaama ay caruur leedahay in ay yeedhato qof ilmaha usii haya inta ay Mareykanka ku maqantahay ayna u dacwooneyso ilmaheeda iyo ninka, waxay u yaadhatay gabar ay yihiin ilmo abti i oo joogtay somaliya laguna magacaabay "Sacdiyo".
Hadaba marki ay timid Sacdiya ayaa waxaa laba maalmood kadib Mareykanka u dhooftay Xaliimo, Waxyar kadib sacdiyo (Gabadhi looga tagay ilmaha) ayaa waxey jaceyl u qaaday Axmed (Xaliimo ninkeedii) oo dumashigeed ahaa, Axmedna kama uusan diidin jeceylkaasi maadaama ay ilmaha u heyso waa uu ka aqbalay.
Axmed iyo Sacdiyo ayaa aroos waxa ay ku galeen gurigii Xaliimo, hadaba Xaliima oo aan wax ogeyn ayaa waxa ay soo wacdaa habeen kasta ninkeeda Axmed iyadoo leh macaane, my heart waan kuu xiisay iyo waan kuu dacwoonayaa hadaladaas waxaa habeen kasta saqda dhexe u dulqaadan waayay Sacdiya oo xaaskii labaad ah.
Sacdiya waxay ka codsatay ninkeeda cusub ee Axmed in uu furo naagtan Xaliimo ee habeen walba ku haysa "Macaane", laakiin Axmed waa uu ka diiday Sacdiyo fikirkaas ey soo jeedisay ee ah in Xaliimo uu furo.
Maalim maalmaha ka mid ah ayaa markii uu waaga baryay inta ay basiin soo gadatay Sacdiyo madaxa iskaga bilawday kadibna kabriit is qabadsiisay dariska ayaa ku soo cararay kadibna waxaa loola cararay Kenyata hospital nasiib darro si xun ayey u gubatay waana la bad baadin kari waayay halkaasina ayey sacdiyo ku naf-waysay
Haajir
dubbda9@hotmail.com