Maamulka Kismaayo oo ku goodiyay qaraxyo uu ku sameeyo gudaha Kenya.
Kismaayo, Axad, June 21, 2009 Xogta Online
Sheekh Xasan Yacquub
Afhayeenka maamulka Islaamiga magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub oo Idaacada Xogta & Saxaafada qeybaheeda kala duwan wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay ayaa ka hadlay ciidamada Kenya ee lasoo dhoobay xadka labada dal.
Sheekh Xasan Yacquub waxuu sheegay inay iyaga diyaar u yihiin dagaal kasta oo ay la galaan ciidamada Kenya, isla markaana maamulkooda Kismaayo iyo Jubbooyinka loo xilsaaray la dagaalanka ciidamada Kenya ee dhawaan la filayo inay gudaha Somalia soo galaan.
Sheekh Xasan Yacquub waxuu yiri “Watangula warkooda ma dooneyn inaan ka hadalno, waxaan u diyaar garoobeynaa dagaal, hadii aad soo gashaan Kenya saro dhaadheer oo sida Town-ka Kenya kuma yaalaan”.
Afhayeenka waxa uu yiri “Hadii aad Muqdisho soo gashaan ogaada inaan Town-ka Kenya iyo Qaraxii Cumar Xaashi ku dhacay oo kale inaan gudaha dalkiina ka fulin doono”.
Sheekh Xasan Yacquub waxa uu Dowlada Kenya u faray inay wareysato Ethiopia kana wareysato waxii kasoo raacay galisteeda gudaha dalka Somalia , isla markaana waxuu sheegay inay iyaga mar walba diyaar u yihiin dagaal kasta oo lagu soo qaado.
DHAGEYSO WAREYSIGA AFHAYEENKA MAAMULKA ISLAAMIGA KISMAAYO
Afhayeenka waxuu sheegay inay ciidamo aad u tira badan diyaarsaneen isla markaana dhaqaalo badan xiligaan heystaa.
“Kenya waxaan u fasaxeynaa dad Mujaahidiin ah oo xiligaan ku sugan gudaha dalkeena Somalia oo u dhashay dalka Kenya , cid Soomaali uma adeegsaneyno kuwa Kenyaanka nala jooga ayaan u adeegsaneynaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.
Afhayeenka waxuu sidoo kale u digay maamuladii Dowlada KMG ah ee gobolada Bay, Jubbooyinka, Gedo waxuuna sheegay inay diyaar u yihiin dagaal ay kuwaasi la gaalaan.
Sheekha oo Idaacada Xogta wax ka weydiisay sida ay u arkaan codsiga Barlamaanka Somalia u jeediyay dalaka dariska ah ee ahaa inay ciidamo si deg deg usoo galiyaan ayaa yiri “Hadii ciidamo la keeno waxba taasi kama tareyso Jihaadkeena, sida Afghanistan dagaalka ilaa xiligaan ugu socda ayaan qorsheynay inaan Somalia waligeed ka wadno”.
Mar la weydiiyay kalimada Jihaad-ka inay jiraan dad si qaldan u turjumay sida uu arko “Cid Alla cidii jihaadka ka naxeyso haka naxdo, waxey hoos galayaan Alle qowlkiisa, Jihaadka waxaan ku Argagaxisan doonaa gaalada & kuwa kasoo sokeeye ee xaga Nasabka nala dhashay balse xaga diinta walaalo kuma nihin, cidii Jihaadka kasoo horjeeda xabad ayaan ku qancineynaa”.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Maamulka Islaamiga ee magaalada Kismaayo ayaa imaanaya xili ciidamada Kenya lasoo tubay xadka ay Somalia la wadaagaan kuwaasoo la rajeynaya in saacadaha soo socda gudaha usoo galaan dalka Somalia.
Al Qacida of Kismayo Vow to Attack Kenya
Moderator: Moderators
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 11 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 16 Replies
- 2149 Views
-
Last post by gurey25
-
- 8 Replies
- 1944 Views
-
Last post by BeyondQabil
-
- 0 Replies
- 1204 Views
-
Last post by Even123
-
- 1 Replies
- 1507 Views
-
Last post by PrinceDaadi
-
- 0 Replies
- 226 Views
-
Last post by Nacaas77
-
- 5 Replies
- 337 Views
-
Last post by Ureysoo
-
- 10 Replies
- 1978 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 23 Replies
- 1769 Views
-
Last post by Abdi999