REER HAGAR/DHULBAHANTE IYO M/CARE HABAR YONIS OO HESHEEYEY
HESHIIS DHEXMARY REER HAGAR IYO MUSE CARRE
Laba beelood oo ka tirsan degaanada waqooyinga somalia ayaa heshiis nabadeed ka gaadhay colaad u dhaxaysay 66 sano ,taasoo sababtay dhimasho badan ,iyo deganasha laan, shirkan nabadeed ee dhaxmaray labadaas beelood ayaa todabaadkii tegay lagu soo gabagabeeyay tuulada BOODA DHEERE , OO KA TIRSAN DEGAANKA TOGDHR.waxaana shirkan isugu madaxdhaqameedyada ,culama udiin ,iyo waxagarka beelahaasi. labadan oo kala beesha Muusa Care(Hyoonis) iyo beesha reer Hagar ( Dhulbahante ) ayaa waxa laysla go'aano ay ku heshiiyeen labada dhinac , hadaba ,goaankii heshiiskaas oo uu na soo gaadhsiiyay AXMED XUSEEN SOODAANI,oo xoghayaha shirkaasi ahaa ,waxa uu dhignaa sidan.
Boodadheere, TOGHEER
Shirweyne ay isugu yimadeen tuulada la yidhaahdo Boodadheere, Beesha Muuse Carre iyo Beesha reer Hagar tariikhdu markay ahayd 10/06/05, waxay dhexdhexaadin ka galeen laba ardaa oo ka kala tirsan labadooda ardaa oo kala ah Reer Jibriil Adan oo beesha Muse Carre ah iyo Reer Maxamed Cigaal oo ah beesha Reer Hagar.
Waxa dhexmartay labadaa ardaa colaad soo jireen ah oo ka bilaabantay 1939-2005. waxa coladaa ku naf waayay, colaadaa dheer ee ku sugneyd 66 sano dad badan, duunyo badanina way ku luntay. Waxay kaloo sababtay in ay kala go,aan dad ehel ah oo aan kala maarmin.
Waxa laga abuuray shirweynaha guddi ka kooban 18 xubnood oo lafagura wixii khilaaf ah ee u dhwxeeya labadda ardaa. Markii ay gaar u wadahadleen labada ardaa waxa soo baxay in laba nin oo qiraal ah oo midba dhinac yahay aan wax mag ah laga qaadan amba cidkale lagu gudbin. Labada nin mid magtiisu waxay noqotay hadal la,aan, midna hadal ayay gashay magtiisu.
Hadaba, si loo soo afjaro colaada dheer, waxay beesha Muuse Carre go,aansatay in ay labadda magoodba masuulayooda ay la wareegto. Sidaa awgeed waxa lagu heshiiyay in beesha Muse Carre ay siiso ardaaga Maxamed Cigaal mag dhan boqol halaad oo hashiiba lagu qiimeeyay So.sh. 1,500,000, laguna bixiyo muddo dhan afar bilood oo ka bilaamanta 15/06/05.
Gebegebo:
Guddiga dhexe ee labada belood Muse Carre iyo Reer Hagar waxay go,aansadeen :-
In lagu dhaariyo 18 xubnood oo sagaalba dhinac tahay Nabadda. Waxaana laga dhaariyay in waxyeelo loo geystaa Nafta, Maalaka iyo Maganta ardaa leeyahay ay ka xaaransantahy ka kale.
In lays dhaafsado hablo soo celiya xidhiidhkii iyo xididtinimadii. Soomalidu waxay ku maahmaahdaa (meeshii xinjir lagu burburiyo xabbaa lagu burburiyaa.)
In beesha Habaryoonis iyo Dhulbahante yeeshaan shirar joogto ah si loo xalilo haddba wixii soo kordha.
In ay ardaayada kale ee ka tirsan beelaha Dhulbahante iyo H/yoonis ay kaga daydaan reer Hagar Iyo Muuse Carre xalinta wixii dhib ah ee dhexdooda yaal.
Gudidii labada ardaa ee la dhaariyay:-
ODAYAASHA REER HAGAR:- ODAYAASHS MUSE CARRE
1. Cismaan Baxnaan Cabdille 1. Saciid Jamac Xaash
2. Axmeddeeq Faarax Siiarag 2. Yussuf Jaama Ileeye
3. Maxamuud Axmed Cige 3. Axmed Maxamed Muuse
4. Ismaciil Cabdi Nuur 4. Axmed Xaaji Cawad
5. Ibrahim Barkhadle Culujoog 5. Cabdiraxman Xaaji Axmed
6. Ismaciil Xassan Siciid 6. Muse Axmed Khalaf
7. Maxamed Bayr Cali 7. Cismaan Saleban Bile
8. Cali Jaamac Xiroobe 8. Cabdillahi Caraale Cawshaan
9. Cabdillahi Ismaciil Dhinbiil 9. Nasir Axmed Cabdidheeg
Shirgudoonka
Awil Yussuf Dhiif (guddoomiye)
Mohamoud Haji Omer Amay(kuxigen)
Axmed Xuseen Jaama (Xoghayn)
Cabdisamed Cali Xassan(“ )
Osman Adan Qalabjaan
Husseen Ismaciil Nuur
Aar Saxardiid Ismaciil
Xirsi Deria Mohamooud
Saed Cabdillahi Talyani
Cabdillahi Maxamed Dirir
Haybe Xaaji Jaamac
Sheikh Ismaciil Mire
Baashe Cabdillahi Ibraahim
Cali Cabdillahi Axmed
Cabdi Yussuf Xassan
Ismaciil Cali Ibraahim
Cawil Bacaluul
Maxamed Dhuxul
Awil Yussuf Dhiif (gud) Maxamuud X. Cumar (kuxig)
Kayse Digaale
Qarannews
Burco
Somaliland
http://www.buhodlenews.com
REER HAGAR-DHULBAHANTE IYO M/CARE HABAR YONIS OO HESHEEYEY
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
- The Magnificent
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2463
- Joined: Wed Oct 25, 2006 7:29 pm
- Location: Chillin' and Drinking 2 cubs of Arabian Tea With General Mohamed Said Hirsi 'Morgan' !!!!!!
Re: REER HAGAR-DHULBAHANTE IYO M/CARE HABAR YONIS OO HESHEEYEY
Habarqabe_87 is posting this, because they know the thread Hagar Adan is to the entire Sii Baakhtis that settle in Togdheer region.. This post is not going to let the DHULBAHANTE clan forget and forgive what the Sii Baakhti did to them ever since the fall of the Darawiish movement and beyond.




Re: REER HAGAR-DHULBAHANTE IYO M/CARE HABAR YONIS OO HESHEEYEY
MAG SI BAKHTI MY ASS! NO ONE CAN DO SHIT TO DHULBAHANTE! AFKA PLZ NAGALA BAAX! 

- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: REER HAGAR-DHULBAHANTE IYO M/CARE HABAR YONIS OO HESHEEYEY

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 31 Replies
- 4540 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 1 Replies
- 391 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 16 Replies
- 8496 Views
-
Last post by Burco Boss
-
- 114 Replies
- 974 Views
-
Last post by Complicated19
-
- 125 Replies
- 20726 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 36 Replies
- 3438 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 48 Replies
- 3560 Views
-
Last post by dhulka-raga-hantaday
-
- 4 Replies
- 1065 Views
-
Last post by Bandit
-
- 31 Replies
- 3013 Views
-
Last post by BABYGIRL123