Wuxuuna yiri” waan ogahay inaad dadaal badan tihiin balse waa inaad sii laba jibaartaan.Kadib waxaa loo-guda galay Xafladii.Dhawr wadan ayaa waxay soo bandhigeen Hidaha iyo Dhaqanka ka jira dalka waliba. Balse arinta layaabka laheyd ayaa waxay noqotay kadib markii ay Soo bandhigeen dhawr arday oo Soomaali ah Heesta Calanka Soomaaliya iyo Hidaha iyo Dhaqanka ay Soomaalidu leedahay.
Ardayda Soomaalida ayaa waxay isku qeybiyeen laba qeybood. Kuwaasow la- kala baxay laba magac oo kala ah.Kooxda Anteeno iyo Kooxda Mukhtaar.Kooxda Anteeno waxay ka koobneed ilaa iyo 7 dhalinyaro oo ku labisnaa Dharka loo-yaqaano Suut-ka oo uu hor kacaayey Gudoomiyaha cusub ee Ardayda Soomaaliyadeed ee Jaamacadda Kuis Anteeno.
Waxay soo bandhigeyn heesta Calanka Soomaaliya. Dadkii xaflada ka soo wada qeyb galay oo ahaa Boqolaal Qofood ayaa waxay ka wada kaceen fadhigii ay fadhiyeen. Kadib markii heesta Calanka Soomaaliya ay soo bandhigeyn Kooxda Anteeno. Dadkii Xafladda ka soo qeyb galay ayaa aad ugu mahad celiyey Ardayda Soomaaliyadeed. Waayo waxay garteen iney soo bandhigaan heesta Calankooda . Halka Ardayda kale ay garan waayeen iney soo bandhigaan heesaha calamadooda.
Kadib waxa ku xigsaday kooxda Mukhtaar oo ka koobnaa ila iyo 4 dhalinyaro oo ku labisan hidaha iyo dhaqanka ay Soomaalidu leedahay.Durbadiiba waxay bilaabeen iney soo bandhigaan dhawr Cayaar, Oo ay kamid aheyd cayaarta ay Soomaalidu u taqaano Dhaantada. arintaan ayaa waxay sababtay in laga wada daawada Shaashadaha dalka Malaysia,
Kadib markii ay soo qeyb galeyn Saxaafadda ka jirta Dalka Malaysia. Ardayda Soomaaliyadeed Guusha ay keyneen waxaa u sabab ahaa, Gudoomiye ku xigeynka Ardayda Soomaaliyadeed ee Jaamacadda Kuis oo lagu magacaabo Yaasiin Axmed Sheekh (Yaasiin Baari). Wadamada soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka ayaa waxaa kala ahaayeen” Malaysia, Singapore, Indonesia, Thailand, China, Somalia, Nageria, Chad.




