Puntland "says no to foreign troops

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Puntland "says no to foreign troops

Post by sheekh-Farax-zero »

--------------------------------------------------------------------------------
Garowe: " Marna raali kama nihin in Ciidamado Shisheeye la keeno Soomaaliya" Bayaan ka soo baxay Siyaasiin, Aqoonyahano, Saraakiil ciidan iyo Ganacsatada Puntland.
21. juni 2009

APL

Garowe(AllPuntland)- Qoraal looga hadlayay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho oo ay soo saareen Siyaasiin, Aqoonyahano, Saraakiil ciidan iyo Ganacsatada ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka soo baxay magaalo Madaxda dowladda Puntland.

Dadka soo saaray bayaankan ayaa gaaraya 12 qof oo iskugu jira dhinacyada kala duwan ee Bulshada Puntland, ayagoo mid mid usoo qaaday xaaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha caasumada Soomaaliya.

Axmed Siciid Aw-Nuur oo ahaa wasiirkii hore ee Waxbarashada ee Puntland ayaa wariyaasha usheegay in ay ujeedadoodu tahay sidii ay baaq ugu jeedin lahaayeen dhinacyada kudagaalamaya magaalada Muqdisho, oo uu sheegay in ay deg deg ku joojiyaan dirirta ay markan abaabulayaan.

" Marnaba raali kama nihin dagaal dhaca, waxaana leenahay hadii aan wax laga qaban dagaalada hada socdaa, waxa ay galaafan doonaan dad badan noloshooda, isla markaasna waxa ay hor seedayaan in dalka Soomaaliya oo dhan uu burburo oo gacanta loogaliyo Dowlado Shisheeye" ayaa lugu yiri baaqan ka soo baxay Dhinacyada kala duwan.

Wasiirkii hore ee Macdanta Puntland Xasan Cismaan Alloore ayaa usheegay AllPuntland in aysan ujeedadoodu aheyn in ay lakala safan yihiin dhinacyada kudagaalamaya caasumada Soomaaliya, balse wuxuu tilmaamay in ay ka talinayaan aayaha dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu waajib ka saaran yahay.

Mr. Alloore ayaa wax laga xumaado ku sheegay in aysan marnaba yeeli doonin in ay ciidamado Shisheeye yimaadaan dalka Soomaaliya, kuwasoo uu sheegay in ay dhibaato ba'an ku hayaan dalka Soomaaliya, wuxuuna diiday haba yaraatee in wax ciidan ah Ajnabi ah oo hor leh la keeno dalka Soomaaliya.

" Marnaba mayeelayno in ciidan Shisheeye la keeno Soomaaliya, waayo waxa ay dhibaato xun ku tahay jiritaanka iyo qaranimada dalka Soomaaliya, waxaana filayaa in aan waxba faa'iido laga helayn oo ay waajib tahay in ay dhinacyadu iskaga tanaasulaan arimahaasi" Ayuu yiri Xasan Cismaan Alloore.

Bayaanka ayaa ugu baaqaya dhinacyada dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalada ayna raacaan wadiiqo kasta oo wax looga qaban karo xaalka Soomaaliya, waxaana loogu baaqay wada hadal aysan joogin wax aan Soomaali aheyn oo lugu qaban doono meel ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana qoraalka lugu qoray in meel ka baxsan Soomaaliya aan la ogolaan karin in lugu qabto shir dambe oo ay Soomaali leedahay/

Dadka soo saaray bayaanka waxaa ku jira Aqoonyahano, Siyaasiin ay ka mid yihiin Xasan Cismaan Alloore, Axmed Siciid Aw-Nuur, Cabdi-nuur Cilmi Biindho, Cali Cabdi Awaare, Aqooyahano, Saraakiil ciidan iyo ganacsato oo dhamaantood saxiixay sida ku cad waraaqo lasiiyey Warbaahinta baaqan.

F. C. Geylan
AllPuntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”