Somaliland Refuses to Attend Washington Meeting
Posted: Tue Jun 23, 2009 2:05 pm
Washington:- Dowlada Somaliland oo Cadaysay in aanay ka qayb galaynin Meel looga yedhay Kooxaha isku haya Kursiga Somalia.
--------------------------------------------------------------------------------
(Washington:- Dowlada Somaliland oo Cadaysay in aanay ka qayb galaynin Meel looga yedhay Kooxaha isku haya Kursiga Somalia.)
hadhwanaag 2009-06-23 (Hadhwanaagnews) Washington-(HWN)-Labada gole ee ugu awoodda badan dalka maraykanka ee loo yaqaano Congress-ka waa Senateka iyo golaha Congresska ayaa ku martiqaaday dood ka dhici doonta xarunta golaha congresska ee dalka maraykanka magaalada Washington inay kasoo qayb galaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Wasiirka gaashandhiga ee dalka Yugandha Dr. Crispus Kiyonga, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda ku meel gaadhka ah Maxamed Cabdilaahi Oomar.
Warbixintani markii ay soo baxday ayaa Dowlada Somaliland Jawaab ka bixisey arintasi taaso ay dowlada Somaliland ay ka cudur daratay inaanay kulankaasi kazoo qaybgali doonin lagu marti qaaday Kooxaha kataliya Somalia sida Maamul Goboleedka Puntland iyo Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Soomaaliya.
Dowlada Somaliland ayaa waxaa ay intaa raacisey in aynaan sinaba ula kulmi doonin Kooxaha isku haya Hagaaminta somaliya intay kala Tafaraaruqsan yihiin iyo inta laga helayo Dowlad dhaxe oo loo midaysan yahay oo ay shicibka somaliya soo doorteyn.
Warku waxa uu intaas kudarayaa iney Somaliland ka codsatay Dowlada Maraykanka inay sigaara ula kulanto wasiirka Arimaha Dibadda ee J.Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo kusoo wajahan Washington DC. ,USA Waxaa kaloo ay Somaliland cadaysay hadii Dowlada Maraykanka ahi ay Somaliland uga baahantahay wada shaqayn xaga arimaha Argagixisada, Budhcadbadeeda iyo waxkastoo ah danaha Geeska Africa inay Somaliland diyar u tahay inay kala shaqayso sigaara dowlada Maraykanka.
Arintaasina waxaa ay Dowlada Somaliland ku gudbisay iyadoo Qoraal ah meeshii ay kasoo baxday warqadii hore iyo Dowlada Maraykanka ahba sidaasna waxaa Hadhwanaagnews Media u Xaqiijiyay ilo dibloomaasiyadeed oo kunool Washington ee dalka Maraykanka.
Washington DC
Hadhwanaagnews Media
http://hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=21699