Jubaland !!!!
Posted: Thu Jun 25, 2009 10:47 am
After Somaliland and Puntland we have the new kid Jubland !!!!!
Dhismaha maamul goboleed Jubbaland ay yeelato ma fudud yahay mise waa culus yahay? wadadeesa ugu fudud…?
Iyada oo dowladda federaalka ku meel gaarka ah ee dhowaan lagu soo unkay duleedka magaalada Nayroobi ee xerada Imbegathi ayaa waxaa gobollada dalka loogu talo galay in sida ay isu leeyihiin la isu raaciyo, si qayb walba ismaamul ay u sameysato dowladduna federaal ay ku maamusho.
Ismaamul goboleedka Jubbaland waa mid ka mid ah maamullada la doonayo in la yagleelo si dowladdu ay hawsheeda ugu sahlanaato, su'aasha la is weydiin kara ayaa markaas waxa ay noqonaysaa meeqa gobol ayaa Jubbaland State la isku yiraahdaa? Ugu horeyntii aan idin siiyo warbixin kooban oo ku saabsan inta gobol ee Jubbaland la isku yiraahdo iyo degmooyinkooda.
Gobalada Jubbaland la isku yiraahdo waxay kala yihiin.
1. Gedo
2. Jubba Dhexe
3. Jubba Hoose
Goboladaan degmooyinkooda waxay kala yihiin.
A. Gedo.
1.Garbahaarey, Luuq, B/xaawo, C/waaq, Doolow, B/dheer, B/dhuubo
B. Jubbada Dhexe
1. Bu'aale, Jilib, Saakow, Xagar.,
C. Jubbada Hoose
1. Kismaayo, Jamaame, Afmadow, Badhaadhe
Gobolada Jubbaland Qabaa,Ilka Dega
1. Daarood
2. Digil iyo Mirifle
3. Others
4. Dir
5. Hawiye
Sida loo kala degan yahay
Gedo
1. 75%Daarood
2. 10% Digil iyo Mirifle
3. 7% Others
4. 9% dir
Jubbada Dhexe
1.65%Daarood
2. 20%digil iyo Mirifle
3. 10% Others
4. 5% Hawiye
Jubbada Hoose
1. 68%Daarood
2. 13% Others
3. 10% Dir
4. 4%Hawiye
5. 5% saransoor
Dhowaanahan ayaa waxaa socday dadaal ay maamullada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollada ku ab tirsada Jubbaland ay dadaal ugu jireen sidii loo sameyn lahaa maamulka dowlad goboleedka Jubbaland, waxana si hordhac ah loo diyaariyay qorshe ku aaddan sameynta maamulkaas oo baarlamaankiisu noqon doono 64 kursi, isla markaasna yeelan doona madaxweyne iyo laba madaxweyne ku xigeen.
Haddaba, dhismo ay yeelato gobolada Jubbaland la isku yiraahdo ma fududo marka loo eego qabaa,ilka dega iyo khilaafkii gaamuray ee ka dhex jiray waayo waxaa ka dhacay dagaaladii ugu badnaa ee ka dhaca guud ahaa Soomaaliya hasa yeeshee waxaa la oran karaa waa lagu guulaysan karaa hadii la maro marinada soo socda.
1. hadii la sameeyo dib u heshiisiin dhexmarta Beesha Daarood maadaamaa ay tahay hogaankii Goboladaan, heshiiskaas oo laga soo bilaabayo Beel Hoosaad, waayo waxay isu haystaan beel hoosaadyo ka ka dibna loo yeero qabaa'ilka talada la wadaago lana sameeyo shir dib u heshiisiin Guud oo Goboladaan ah.
2. in marka hore la dhiso Maamul ku meel gaar ah kaas oo ka yimaada dhismihiisa Dowlada Dhexe loona qabto waqti mucayin ah isla markaasina ay iska dhex arkaan dhamaan qabaa,ilka Dega Goboladaan.
Gebagebadii waxaan maqaalkaygan aan kaga hadlay maamul goboleedka Jubbaland ku soo afmeerayaa in dadka reer Jubbaland ay taladu iyaga u taallo, isla markaasna ay aaraa'dooda iyo fikradahoodaba ila wadaagaan si aannu u mideyno aragtida iyo aqoonta aannu la kala joogno daafaha dunida, sidoo kalena aan ula talinno siyaasiyiinta Jubbaland State iyo madax dhaqameedyadaba si loo unko dowlad goboleed aan liiqliiqannin.
Horseed News