
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaha weyn ee naxariista, Rasuulkeena suuban SCW waa run sheegay markii uu yiri: “Waqti waliba kan ka danbeeya ayaa ka shar badan” micnaha xadiiskani si baraatiko ama camali ah ayuu inoogu dhacay, laba bilood kadib markii la riday Maxamed Siyaad Barre iyo dowladiisii ayay dadku u shalaayeen oo la wada qiray inuu Duqu ka roonaa kuwii ka danbeeyay ee qabqableyaasha ahaa “duqa hala doono ducana haloogu daro” waa tii lagu maansooday.
Waxba waxbaa ka darane qabqableyaashii Ceydiid iyo Cali Mahdi markii ay meesha ka baxeen waxaa soo bedelay labaatameeyo qabqable oo kaba sii daray qeyb qeybna u goostay goobihii ay kala heysteen labadii qabqable ee hore, Waa sheekadii Yaxaas arbacow iyo Timir siib oo Tiin tallaal..!! Dad talo xun mar uun tuugo way u talisaaye siduu abwaan hore u saadaaliyay xaaladda Soomaaliya, waxay arrintii noqotay in markii xaalad xun laga baxba mid ka darran la galo, micnuhu maaha in xaaladda lagu jiray ilaa dowladii Maxamed Siyaad Barre ay ahaayeen xaalado fiican ama bani’aadam dunidan ku nooli raali ka noqon karo, laakiin waxaa lagu micneyn karaa Markaad furuq aragto ayuu Waraabow fara-ka-leef noqdaa.
Qabqableyaashii Muqdisho iyo goboladda Koonfureed la degay ee wixii dhibaato ah ee la soo maray sababta u ahaa waxay dhaleen xaaladda aan ka hadalka lahayn ee aanu maanta ku jirno, mashruucii argagixiso la dirirka ee Mareykanka ay ka qaateena wuxuu isu bedelay inay noloshooda siyaasadeed ku waayaan umadii Muqdisho deganeydna ay la safto Wadaadadii isku jirka ahaa ee Maxkamadaha la baxay.
Isbedelkii dalka ka dhacay horaantii 2006-da ee awooda ay kula wareegeen maxkamahada iskama iman ee wuxuu ahaa cajaaib iyo calaamad muujineysa awoodda alle oo aanay cidina saadaalin karin, waa marka horee culimadii la iib geyn jiray ee naftooda la baqayay kuma talo gelin wax ka badan inay is difaacaan Allase wuxuu u gacan geliyay awoodii oo dhan, laakiin imtixaankaasi kuma guuleysan durba awood ayay is bideen waxayna gaareen guulo is daba joog ah oo ay kula wareegeen inta badan Koonfurta Soomaaliya marka laga reebo Gobolada Bay iyo Bakool oo dowladii KMG ahayd ay ku sugneyd.
Waxay awoodda saareen inay ka takhalusaan dowladii tacbaanka ahayd ee Baydhaba ku soo koobantay, xikmad la’aan, qorshe la’aan iyo is cajabin dhinaca awoodda ah oo ay wehliso qeybo kala manhaj diineed ah oo maxkamadaha kuwada hoos jiray ayaa sababay xaaladaasi oo dhashay in hoggaankii sare ee maxkamadaha oo diidan dagaalkaasi uu dhaco kadibna laga dhaxlo jabkii weynaa ee 24 saac ay ku kala firxadeen ciidamadii maxkamahada oo dhan, Itoobiyana ay dalkii ku qabsatay.
Markii jihaadku fardu-ceyn ahaa (waxaa isku raacay dhammaan culimada Soomaali iyo caalamka islaamkaba) oo Itoobiya dalka qabsatay waxaa la yaab noqotay in culimadii waaweyneyd, hogaankii Maxkamadaha oo dhan, taliyeyaashii ay dhammaan firxadeen dhabarkana jeediyeen…!!! Sow lama yaabin in culimadaas qaarkood ay dalka ku laabteen kadib markii Itoobiya ka baxday dalka ayna u bir tumeen oo ay hoggaaminayaan dagaalka hadda socda oo shaki weyn ku jiro sharcinimadiisa ayna culimadii waaweyn ku tilmaameen dagaal fitno.!!!!!!!!.
Maxkamadihii islaamiga ahaa ee dadku taageereen meesha waa ka baxeen 6-dii bilood ayaana ugu danbeysay nolol, waana iska caadi in nidaam kasta oo burbura aanu dib u soo noolaan, laakiin waxaa ka soo hoos baxay:
1. Alshabaab
2. Xisbul Islaam
3. Maxkamadaha garabka ku biiray dowladda
Saddexdan kooxood oo hadda xaaladda dalka isku haya dhinacyo kala duwana kaashanaya ayaan faaqidi doonnaa halka ay dalkeenii Soomaaliya u wadaan iyo rabitaanka kooxda waliba leedahay si aan u ogaano inay isu imaan karaan iyo in kale, waxna uga iftiimino xaaladda cakiran ee dalkii Soomaaliya galay haddiiba xal loo heli karo.
KOOXDA ALSHABAAB
Kooxdani weligeed waxay ahayd mid gaar u taagan xitaa xilligii maxkamadaha oo howsheeda wadata waana kooxda kaliya ee aan isbedelin min manhaj ilaa mowqif, nidaamka ay ku shaqeyso waa Jihaad, manhajkeedu waa salafiya jihaadiya dooneysa in dunida oo dhan khilaafa islaamiya lagu soo celiyo, kadib markii Afghanistan culeys noqotayna in arrintani laga bilaabo Soomaaliya ay hadda ula muuqato goobta ugu dhow ee dunida oo dhan laga xoreyn karo laguna soo celin karo dowlad islaami ah oo dunidoo dhan xukunta xiligii ay doonto ha qaadatee.
Alshabaab waxay isku manhaj yihiin Alqaacida mana qariyaan inay ka talo qaataan kuna taxan yihiin Usaama Bin Laaden, ninka ugu dhow ee arrimaha Soomaaliya tacliimaadka ugu badan ka bixiya marka laga soo tago Usaama Bin Laaden iyo Ayman Aldawaahiri waa Abuu Yaxya Al-liibi, nidaamkoodu waa mid sir ku shaqeeya oo lama yaqaan sida ay u dhisan yihiin hogaankooda sida uu u kala danbeeyo waana sida caadiga ee ururada islaamiga uga hoos shaqeeyaan xukuumadaha jaa’irka ah.
Qorshahooda siyaasadeed waa mid aad uga fog inta qof Soomaali oo caadi ah maleyn karo waxayna tiigsanayaan dunidoo dhan inay ku fidiyaan islaamka. Qorshahooda dhowse waa noqon karaa Bariga Afrika iwm. Taageeradooda ugu badani waxay ka helaan dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana jira dhalinyaro, saraakiil, khubaro ka kala timid dunidoo dhan oo jihaadka Soomaaliya ka socda qeybta ugu weyn ku leh, hogaanka sare lama yaqaan warar badan ayaase la sheegaa oo ay ka mid tahay inay hoggaamiyaan rag sare oo Alqaacidaka mida Mareykankuna baadi goobayo.
Afhayeeno Soomaali ah oo marba la bedelo ayaa saxaafadda Soomaalida iyo kuwa dibadda la hadla, laakiin odayaasha Soomaalida ee xitaa Shabaabka saaxiibka la ahaa waxay ii sheegeen inay waayeen qaab ay ula kulmaan hogaankooda oo ay ula hadlaan, marka laga reebo telefoono ay ku wada xiriiraan, qofkii ka mid noqda waa inuu ka dhex baxaa bii’ada ku xeeran kana xoraabaa qabiilka iyo waxa loo yaqaan gobol iyo dal ama wadani, micnaha waxay dhaqan geliyeen waa islaami iyo jihaad lagu gaaro kaliya.
Haddaba haddii aad Alshabaab dhaqankooda iyo yoolkooda aad aragtay akhristow sow rag mowqif leh maaha oo ugu yaraan la aamini karo qabyaalada Soomaalida dilootayna xal u noqon karta?, waa arrin laga doodi karo, laakiin haddii aan qiyaasno sida dunidu maanta u socoto iyo qaabka dalalku u wada nool yihiin waxay Alshabaab Soomaaliya u wadaa inay ka dhigto Afghanistan labaad.
Haddii aad u aragto in Afghanistan halaag ka jiro ogow qaar baa la’ meel ay u maraan si ay jihaadka halkaasi uga socda uga qeyb qaataan kana soo tegay adduunyada halka ugu nolosha wanaagsan!!!!!. Soomaalinimo haddii aan u hadalno waxaad oran kartaa: Dalkeena burburay iyo dadkeena dhibaateysan Alshabaab waa in laga qabtaa wax aan dhibaato ahayn uma soo wadaan umadii waa dhammaatay 20 sano ayaan dagaal ku jirnaa, maxaa Soomaaliya ku waajibiyay inay hoy u noqoto ajaanib mise Soomaaliya ayaa laga xoreynayaa Alaska(Mareykanka) iyo Qudus (Falatiinta Yuhuudu heysato)?? Waa inaan la dagaalannaa Alshababaa iyagaa nooga daran wax waliba ma inagaa dunida la dagaalami karna?.
Dhibaatada ugu weyni waxay ka taagan tahay waxa loogu yeero Beesha caalamka oo aan ogoleyn nidaamka islaamiga ah ee Alshabaab maagan tahay kuna bixinaya wax waliba inay ka hor tagaan, waxaase wax weyni iska bedeleen taageeradii dadka Soomaalida ee kooxaha islaamiga ah, waxayna arrintu gaartay heer dad badani afka ku hayaan kuna faraxsan yihiin inay dalka mar kale soo fara geliso Itoobiya si Shabaab looga takhaluso.
Mid kaloo aan ku dar lahaa haddii aan ku kabo ogaada Shabaab shir caalami ah imaan meyso, shir beeleed warkiisa daa, shir waanwaan lagu raadiyana qorshaheedu kuma jiro, sidaasi darteed ama waa nasri iyo inay dalka qabsadaan kuna wadaan ama waa shuhado, falalka is qarxinta sidii kii ka dhacay Beledweyne ee lagu khaarijiyay Cumar Xaashi iyo Ina Faarax Laqanyo iwm waa mid ka mida qaababka dagaalka hana la yaabin haddii aad aragto qof caadi u laafyoonaya isagoo keligii ah oo dad isku dhex qarxiya.
KOOXDA XISBUL ISLAAM
Taariikhda ururkani ma foga wuxuuna la dhashay shirkii Jabuuti iyo doorashadii Shariifka laakiin waxaa isku biirsaday kooxihii islaamiga ahaa gaar ahaan Al-ictisaam (Ex-Alitixaad) kuwaasoo ujeedkoodu weyn ahaa inay ka hor yimaadaan dowladda Shariifka madaxda looga dhigay una arkaayay inuu Shariif Sheekh Axmed ka dhigtay jaranjaro uu talada ku gaaro.
Ururkani qaabka loo dhisay wuxuu ahaa qarsoodi, waxaana markii ugu horeysay hogaankeeda taageero ka helay dowladda yar ee Qadar; waxaana dadka ugu waaweyn ee uu kulmiyay kamid ahaa Sheekh Xasan Turki, Cumar Iimaan, Yuusuf Indhacadde iyo rag kale oo Ictisaamka ka mida, waxaa meesha khalad iyo lambar dhib badan ku ahaa Indhacadde oo markii danbe ka baxay.
Ururkan ragga ugu waaweyn waxay xiriir hoose la leeyihiin Shabaabka laakiin ayaase ku jirta, saldhig ayayna u ahaayeen aasaaskoodii isla dhalintoodii ayaana dhinaca kale ka soo jeesata markii waxoogaa yar la tashkiiliyo, guddoomiyihii ugu horeeyay ee Xizbul islaam Dr. Cumar Iimaan intii aan ururkaba dhismihiisa la dhameystirin ayuu Muqdisho degdeg ku soo galay si uu ula loolamo madaxweyne Shariif oo markaas Muqdisho imaanayay markii ugu horeysay isagoo xilkaas huwan.
Xaaladii Muqdisho ka jirtay, Odayaashii Hawiye ee dagaal danbe diidka ahaa iyo Xisbul islaamka dhaladka ahaa ee aan socodka baran waxay Dr. Cumar Iimaan u diideen inuu tallaabo qaado oo xitaa maareyn waayo dhalintii xisbigiisa ku abtirsaneysay ee Raas-kaambooni iyo Caanoole Xamar ka joogtay, waxaana afkiisu juuqdu gabay markii odayaashii dhaqanka Hawiye saxaafadda ka weerareen si fool ka fool ahna ugu tageen.
Xasan Daahir Aweys oo Asmara ku noqday Qori tubaal ka haray ayaa isku daygii ugu dambeeyay oo dowladda Suudaan ku dooneysay inay waanwaan uga dhex furto isaga iyo Shariifka madaxweynaha noqday uu fashilmay, wuxuuna ku soo laabtay Muqdisho iyadoo saaxiibkii Cumar Iimaan talo ku ciirsan tahay.
Xasan Daahir laba sano iyo bar kadib ayuu dib ula midoobay kooxdiisii Ictisaam wuxuuna soo maray halgan adag oo uu markii ugu horeysay hogaan ugu noqday kooxo aanay isku dhaqan iyo fikrad ahayn oo isugu jira cilmaaniyiin, qurbo joog, iyo xitaa qaar fartu ku godan tahay oo reer galbeedka u shaqeeya, waxaa caddaatay inuusan Sheekh Xasan Daahir ku shaqeyn Karin nidaamka ururada siyaasadeed ee caadiga ah.
Isagoo xubin ah ayuu la wareegay guddoonkii Golaha dib u xoreynta garabkii Asmara markii uu Shariifka ku eedeeyay inuu manhajkii ka baxay?!!. Waxaana markaas garab u ahaa oo Asmara la joogay Sakariye Maxamud Xaaji, Xuseen Ceydiid, Jaamac Cali Jaamac, Jaamac Maxamed Qaalib iyo kuwo kale, laakiin ma cadda xilligan halka uu uga soo tegay iyo xitaa inuu jiro ururkii dib u xoreynta Asmara kadib markii uu Sheekh Xasan guddoomiyenimadii Xizbul islaam kala wareegay Dr. Cumar Iimaan, waxayna caddeyn u tahay khaladka ay markii horeba raggani galeen ugana mid noqdeen Isbaheysiga dib u xoreynta ee Asmara lagu dhisay.
Imaanshihii Xasan Daahir ee Muqdisho iyo qorshihii dagaalka Shabaab ee dowladda Shariifka lagu qaadayay ayaa isku beegmay isna saameeyay laakiin Xisbul Islaam dagaalka markii horena kuma jirin markii danbena kaalmo maahee qeybta ugu weyn waxaa lahaa Shabaabka, hase yeeshee Shabaabku aad bay ugu baahnaayeen Xasan Daahir marxaladan.
Marka la arko afhayeenada xisbul islaam ee dhinaca warbaahinta u badiyay dadka qaar waxay moodaan in Xisbul islaam qorshaha dagaal qeyb ku lahaa ama haddaba ka yahay, xaqiiqaduse waxay tahay inay ku qasbanaadeen doorkuna yahay mid aad iyo aad uga hooseeya kan Shabaabka oo inta badan sutida u haya dagaalka la doonayo in lagu rido dowladda Shariifka iyo inta taageerta.
Farqi weyn baa u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Shabaab maxaa yeelay kooxda Xasan Daahir waa koox siyaasadda Soomaalinimada ogol, aagagii ay ka dagaalamayeen Muqdisho qaarkood qabiil ahaan ayaa looga saaray ama lagu xaliyay, damacooda waa mid ku kooban Soomaaliya dowlad laga dhiso, odayaasha beeleed waa ka talo qaataan, mararka qaarkood beelnimo waa lagu saameyn karaa, inay talada qabtaan ayaana hadafkooda ugu weyni yahay kadib markii Shareecada islaamka cid waliba sheegatay.
Hadaladii ugu dambeeyay ee Xasan Daahir marka aad dhuuxdo waxaa kuu soo baxaya inuu la dagaashan yahay beesha caalamka oo uu raadinayo inta laga dhisayo dowlad beesha caalamka aanay raali ka ahayn, saameynta arrintaasina waa iska dhamaaneysaa haddii xayiraadda saaran Sheekha ee argagixisnimo laga qaado.! Xitaa haddii Shariifku is casilo rajo ayay leedahay Soomaaliya sabab waa la bedelayaa ayay u eg tahay yaase bedelaya?.
Arrinta ilaa iminka aan fasirka loo helin ee dad badan u aaneynayaan inuu xilka isaga dhiibay Dr. Cumar Iimaan waxay tahay Ictisaam culimadii asaaska u dhigtay ee ugu mudneyd Soomaaliya oo idil manhajkooduna la wada yaqaan waxay soo saareen oo caddeeyeen in dagaalka Muqdisho ka socdaa aanu ahayn dagaal jihaad ah, waxayna ku tilmaameen fitno iyagoo ka digay inuu keeni karo dhib ka sii weyn oo dalka oo dhan lagu qabsado. Sidaas daraadeed Sheekh Xasan iyo xubnaha la jira halkee wax u wadaan mise Shabaabka ayay isaga lug darsadeen oo ay filayaan inay guushu raaci doonto?!, mise damac kalaa jiroo talada ayaa loo balan qaaday in Sheekha loo dhiibo?!!!.
Xisbul islaam wuxuu dalkii u wadaa xukun uu isagu hogaankeeda hayo markaas kadib dunida waa la heshiin karaan, tanaasulna ma diidana, waxayna u muuqdaan sidii Aljeeriya markii islaamiyiinta doorashooyinka ku guuleysteen qarkana u saarnaayeen inay talada dalkaasi qabtaan in ay ciidamada dalkaasi farageliyeen, iyaguna Shariifka ku tuhmayaan inuu talada kala cararay markii halgankii miro dhalka ku dhowaa, arrintu kursi iyo naceyb shaqsi kama marna.
MAXKAMADAHA ISLAAMIGA EE RAACAY TFG
Maxkamadihii islaamiga ee kala tegay qeybta ku biirtay dowladda KMG ah waxay hadda noqdeen kuwo ka mida nidaamkaasi iyo qaar kala tegay, Shariifka, C/raxmaan Janaqow, Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Ibraahim Xasan Caddow ayaa laga xusi karaa xubnaha ugu cadcadaa maxkamadaha ee hadda ku jira TFG-da, waxaana xubnahan culeys weyni kas oo food saaray sidii ay isugu dari lahaayeen dowladii TFG-da iyo maxkamadaha xitaa qeybtii raacsaneyd.
Qeybtan waxay labada koox ee hore uga duwan tahay inay intooda badan heystaan manhajka Akhwaanul muslimiin ama salafiya fudud oo gebi ahaan ka gedisan Salafiyada jihaadiya, waana uga dhow yihiin bulshada, sababtoo ah waxayna qabeen oo ay qaateen in dowladii la ogaa ee C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa haddii madaxa laga bedelo jirkeeda kale sidaas daahir ku noqon karo.
Waxay is lahaayeen wax waliba waa hagaagayaan Shariifka haddii uu Amiirul mu’miniin noqdo, Baarlamaanka Shareecada islaamka ansixiyo, qolooyinkan Shabaab iyo Asmarana waxaa la siin doonaa jagooyin, laakiin caqabada ugu weyn Shabaabka ayaa noqday oo 99% wada ololaha lagu wiiqay TFG-da cusub ee Shariifka hogaanka looga dhigay, waxayna xisaabka ku darsan intii ay ku howlanaayeen la xiriirka UN-ka iyo Beesha caalamka in Shabaab K/Soomaaliya inteeda badan la wareegtay maamulana ka dhistay, waxay is moogeysiiyeen awoodda xaqiiqada ah ee dalka ka jirta, waxaana saameynta ugu weyn ku lahaa beesha caalamka.
Markii dalka ay timid dowladii madaxweyne Shariif iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid dadaalka nabadeed ee ay gashay waa dhali waayay wax ka badan inay soo xero geliso koox ka go’day xisbul islaam ee uu hogaamiyo Sheekh Camey iyo Yuusuf Indhacadde, dadaalkooda milaterina waa dhaafi waayay inay isku haleeyaan AMISOM iyagoo wax ka qaban waayay burburkii ciidamadii midowga maxkamadaha oo intii ugu mudneyd ay ku biireen Shabaab.
Kooxda Shariifka waxay ciidamadii midowga maxkamadaha ku qancin waayeen inay ku biiraan ciidamadii calool uusta dowladii C/llaahi Yuusuf, wuxuu ii sheegay mas’uul sare oo ka mid ahaa guddigii amniga qeybta Maxkamadaha in ciidamadii maxkamadaha muddo ku dhow bil ay ku qancin waayeen inay ciidamada la qorayo ka mid noqdaan, sababtoo ah niyadooda oo aad u diidanayd inay kuwaasi wax ku darsan karaan: Sidee mooryaantii calool uusta aan ugu biirnaa?.
Sababtu wax kasta ha ahaatee maxsuulku wuxuu noqday in dowladda Shariifku maciinsato AMISOM iyo calool uustii C/llaahi Yuusuf kuna tiirsanaato 95%, waa sax waqti lama siin dowladda Shariifka iyo Cumar, waa sax dagaalka waa lagu qaaday, waa run nabad ayay har iyo habeen baafinayeen, waa xaqiiqo inay Shareecada islaamka ku dhawaaqayeen, laakiin qofka mas’uuliyadaas inuu qaado dhabarka u dhigtay yuu isku haleynayay markii hore?....
Mid waa la hubay in madaxweyne Shariif iyo inta raacday inta badan la wareegeen awoodii dowladda TFG-da ayna qabteen xilal muhiim ah, laakiin qofka sida anigoo kale ula socday xaaladda ma hubin inay dhab ka tahay Shareecada islaamka iyo inay ahayd jidgooyo Shabaabka iyo kooxaha kale ee ka horjeeda ugu talo galeen, qaarkoodna wayba sheegeen in loo qaatay Shareecada si mucaaradka loo xujo tiro.
Maqaalkii aan uga hadlay Boqolka maalmood iyo madaxweyne Shariif waxaan kula taliyay inuusan dagaal waxba ku doonin, xiligaas oo sansaantiisu ay si cad u soo muuqatay, laakiin nasiib darro waxay ahayd in baaqaas oo kale loo jeediyo Alshabaabka, xalka hadda muuqdaa waa in la kala badiyo oo xoog la isku maquuniyo kooxdii soo baxdana xaaladda ay wajaheyso tii ka horeysay ka darnaaneyso Alow badbaado.
Kooxda Alshabaab haddii ay ku soo baxdo oo Muqdisho la wareegto waa saadaal dhici kartee weli is reebreeb kale ayaa u dhiman xaalkuna wuxuu noqon Soomaaliya iyo dunida Mareykanku hogaamiyo oo dagaal u furmo, haddiise sidan la isaga jiro oo dowladda Shariifka 2 KM ka taliso inta kalena kooxaha ka horjeeda joogaan waa: jugjug meeshaada joog iyo rasaastu ha socoto, haddii Itoobiya iyo ciidamo kale sharci loo siiyo inay Soomaaliya galaan waxay iyana noqoneysaa cajaladii 2007-dii oo dib loo shiday. Meel inoo fiyow miyaanay jirin?!!.
Shariifku meel uu ka noqdo ma joogo, umana sahlana inuu is casilo sida uu Xasan Daahir doonayo oo waxaa garbaha uga jira raggii shalay halkan keenay iyo beesha caalamka, taasina waxay keentay inuu ciidamo difaaca dowladiisa dalbado oo Itoobiyana ku jirto.!!. dalkana xaalad degdeg ah uu ku soo rogo. Waxaa hogaamiyihii islaamiga ahaa la geeyay xaalad uu caddowgiisii badbaado ka dalbaday, Soomaali badanina ay la qabto kuna doodeyso!!!.
Is weydii yaa loo shaqeeyay dagaalka socdaa yey dani ugu jirtaa?, maxaan mar waliba gacmaheena ugu abuurnaa musiibo ka darran tii aanu ku jirnay?, shalay Itoobiya haddii ay dalka qabsatay oo iskeed usoo gashay maanta sow lagama baryayo ,iyaduna isma qaaliyeyn oo hadda ma dooneyso in Golaha ammaanka u fasaxo sharciyad iyo lacagna ugu daro inay Soomaaliya qabsato?!!!! Doqoney dabkaa ba’.
Waa run warkii uu Madaxweyne Shariif siiyay qaar ka mida warbaahinta reer galbeedka: waa madaxweyne loo dhiibay shaqada ugu dhibka badan dunida, way fiicnaan lahayd in kooxaha islaamiyiinta ee uu ka midka ahaa ay fursad siiyaan, waa fiicnaan lahayd inay ka dhur sugaan, waa habooneyd inay waanwaan la galaan oo xitaa shruudo waaweyn ku xiraan ama ogolaadaan go’aanadii Hay’ada culimada Soomaaliyeed, waxaa weliba ka sii fiicnaan lahayd in labada dhinac ajende Soomaalinimo isugu yimaadaan oo meel la iska dhigo beesha caalamka iyo yoolka Alqaacida, laakiin sida xaalku ku socdo dowladii Shariifka fursadii waa loo diiday waxayna qarka u saaran tahay inay afka ciida loo daro haddii aanay….
Talo markii ay halkaasi mareyso xalku muxuu noqon?:
1. Alshabaab sida Afghanistan (xiligii daalibaan ka talkineysay) noo wadata miyuu xalku ku jiraa?
2. Xisbul islaam noo jiidaya inuu xilka la wareego tiiyo aanu awoodeeda lahayn, Shariifkana la mid noqon doona ama ka liidan doona miyaa noo wanaagsan?.
3. Mise TFG-da Shariifka ayaan taageernaa oo faragelin shisheeye u dalbatay Soomaaliya marka ay ugu fiican tahayna xaaladeena ka dhigi doonta Afghanistan-ta Xamid Karzai ka taliyo?.
Waxaan ka xumahay inaysan xaaladeenu lahayn wadooyin (alternatives) kale oo noo furan laakiin laga yaabee in waqtiyada soo socda la yimaadaan xaalado cusub oo sidan u baranay aan ka dhib badneynd kuwa iminka ina heysta.
Maxaa loo waayay waayeel taliya iyo dhalinyaro hogaansanta?, maalin waliba waxay uga darran tahay shalay?, ma is weydiisay waxa Soomaali gacan ugu jira waqti xaadirkan?, ku dhowaad 20 sano oo dagaal aan macno lahayn kadib aanu ku jirnay sow u muuqato in taladii aanayba Soomaali waxba ku lahayn?. Aaway odayaashii beelaha goormaa war ugu danbeysay?, aaween siyaasiyiintii? Aaway qurbojoogii? Aaway mooryaantii..? xitaa hadalka ayaa la isu diiday!!!!!!!. Haddii dhibaato waliba laguu geysto dil iyo qax denbi maaha, laakiin haddii aad ka hadasho waa dembi aan la cafin Karin oo ay tahay in lagu dilo!!!!!!!!!!!!!!!!.
HALKEE SOOMAALIYA U SOCOTAA….? Wax badan ayaan is weydiiyay laakiin mid ogaada Ilaahey nama dulmin ee wax aanu galabsanay, haddana haddii aanay Soomaali is bedelin oo sidan isu dhaamin waa naloo yaabaa, HADDII ALLE INOO QABANAYO WAXAAN GACMAHEENA KU GEYSANAY DHULKA DUSHIISA WAXBA UGAMA TAGEEN.
FG. Waxaan ka cudurdaaranayaa haddii su’aalaha meesha ku yaala ay ka badan yihiin jawaabaha aan bixiyay, laakiin aan wada wadaagno akhriste waliba ha ka fekero maxan qaban karnaa?.
Waxa Qoray:
Shariif Macalin
Email: shariif55@hotmail.com
Nairobi, Kenya
Hoyga wararka Somaliyed
http://www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com