maxaad section samaysata fuutadadiibaa buuhoodlee ka muuqatee
hoyada was way you wana follow us

s-landers
dameeri dhan=racday
Cabdillaahi Yuusuf oo hoggaamiyeyaasha Puntland u soo bandhigay qorshe Soomaaliya inteeda kale kaga go’ayaan
"Itoobiya sidii ay shalay aniga iigu shaqaysatay ayey Hawiye ka doonaysaa nin ugu shaqaysato”
Garoowe (Jam/W.Wararka)- Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in Itoobiya ku shaqaysatay muddadii uu hayey xilka Madaxweynenimada Mbeghati, kadibna daaqadda ka tureen, isla markaana hadda wado qorshe ay ku soo doonayso sidii u samayn lahayd Madaxweyne Hawiye ah oo danaheeda siyaasadeed ku fushato.
Cabdillaahi Yuusuf oo dhowaan cadaadis kaga yimi beesha caalamka dartii isaga casilay xilkii Madaxweynimada dawladda Mbeghati oo ka hadlayey kulan uu habeen hore magaalada Garoowe ugu qabtay madaxda maamulka Puntland, dhowr xubnood oo ka mid ah Issimada Puntland iyo tiro ka mid ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland, ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyey gacanta Itoobiya ku leedahay siyaasadda Soomaaliya iyo sababaha ku khasbay inuu xilka ka dego, isagoo dhinaca kalena u soo bandhigay qorshe cusub oo ku doonayo in Maamul-goboleedka ka madaxbannaanaado Soomaaliya inteeda kale.
Waxa kale oo Cabdillaahi Yuusuf kulankaas ugu soo bandhigay madaxda iyo Isimada Puntland kala hadlay aragtidiisa ku wajahan mustaqbalka Puntland, isagoo u soo jeediyey dhinacyadaas in isla qorsheeyaan suurtogalnimada sidii Puntland uga go’i laheyd Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee arrintaas noqoto mid najaxinteedu qeyb ku yeelato Itoobiya, wuxuuna xusay in haddii aaney Itoobiya lug ku lahayn arrintaas in aaney waxba ka kala soconayn.
Kulankaas oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan saxaafadda loo oggolayn, balse sida ay xaqiijiyeen warar ku dhowdhow, waxa uu hoggaamiyeyaasha Puntland ugu soo bandhigay cabashooyin ku saabsan xidhiidhkii sokeeye ee ka dhexeeyey dawladda Itoobiya, kaalintii markii dambe ka qaadatay istiqaaladdiisii, asbaabihii keenay khilaafka maamulka Mbeghati iyo tallaabooyinkii khaldanaa ee uu qaaday muddadii uu xilka hayey.
Mid ka mid ah dadka kulankaas ka qeybgalay oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Cabdillaahi Yuusuf kulankaa ka sheegay hadalladan cabashada ah:
“Maanta Soomaali waxey ku jirtaa Itoobiya gacanteeda, wax aaney Itoobiya raalli ka aheyn ama u arkayn xalna kama soconayaan, ciddii dooneysa in Soomaaliya wax ka noqotaa waa inay Itoobiya ku xidhan tahay, taa ciddii ay maanta ka hor ka qarsooneyd anigaa u caddeynaya ee ha ogaato. Aniga Itoobiya iyadaa xilkaa madaxweynenimada ila doontay, maalintii ay u aragtay in xilligeygu gebagebo yahay, iyadaa tidhi iscasil, aniguna sidii baan u hoggaansamay. Laakiin wax waliba sabab bay leeyihiin, inkastoo aniguba aan ogaa in cadhada darteed wax iska kay beddeleen, haddana anigu khaladkii aan ku dhacay wuxuu ahaa markii ay Itoobiya i kala doorransiiyey dhowr nin oo Abgaal ah oo aan anigu doortay odayga Nuur-cadde ah oo aan u arkayey in jufadiisu aaney aheyn kuwa waaweyn ee Mudulood, balse markii dambe miciyo libaax iila soo baxay, anigu ninkaas un baan sababsaday, weligey goáan aan qaatay kamaaan shalaayin, laakiin laba waan ka qoomameeyey, magacaabistii Jangeli iyo tii Nuur-cadde.”
Col. Cabdillaahi Yuusuf oo ka hadlayey qorshaha cusub ee ku doonayo in Puntland kaga go’do Soomaaliya inteeda kale, waxa uu yidhi; “Tan kale waxay tahay maanta masiirkii ummadda Puntland oo gebi ka laadlaada idinkaa gacanta ku haya, Soomaaliyana waxay ku jirtaa xilli kala guur ah, minddiduna idinkay idin saaran tahay ee taa ha la ogaado, waa in lala yimaaddaa dedaal siyaasadeed oo la badbaadiyaa danaha reer Puntland. Anigu halkii aan rabay ma gaadhin, sababtoo ah danteydii waxa ka weynaatay tii Itoobiya doonaysay, runtuna waxey tahay in taasi shaqeysay, Itoobiya sidii ay shalay aniga iigu shaqeysatay ayey dooneysaa in ay Hawiye ugu shaqeysato, midkii ay ku shaqeysan laheydna hadda wuu u muuqanayaa runtaa waa taa," ayuu Cabdillaahi Yuusuf hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Dhinaca kale, Cabdillaahi Yuusuf, ayaa hadal uu shalay ka jeediyey xaflad lagu dhaarinayey baarlamanka cusub ee Maamul-goboleedka Garoowe, waxa uu kaga hadlay xaaladda qallafsan ee waqtigan ka jirta degaannada Puntland iyo damaciisa ku wajahan inuu markale noqdo hoggaamiyaha maamul-goboleedkaas.
Cabdillaahi Yuusuf wuxuu ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka cusub in y ka shaqeeyaan horumarka deegaannada Puntland, isla markaana u hawlgalaan sidii looga saari lahaa xaaladda qallafsan ee hadda ka jirta.
Col. Yuusuf waxa uu qiray in ay Soomaaliya maanta ku jirto xaalad khatar ah, isagoo xusay in Puntland dooneyso Soomaalida oo laysu keeno iyo ammaankeeda oo ka shaqeyso, waxaannu ugu baaqay shacabka Puntland in ay la socdaan siyaasadda Soomaaliya, isagoo sheegay in Puntland u baahan tahay horumar lataaban karo, balse aanay u baahneyn nabad la'aan.
Cabdillaahi Yuusuf oo ka hadlayey Baarlamaanka cusub ee Puntland oo shalay la dhaariyey, ayaa yidhi; "Ogaada aniga nin aan si gaar ah ula shaqanayo ma jiro, hore 6 sanno ayaan Madaxweyne uga ahaa Puntland, haddana aniga kuma jiro dadka hadda u ordaya Madaxweynenimada."
" Waa in laga fogaadaa in wixii hada ka hor halkan ka dhacay, waana in aanay dib u soo laaban oo aan la isgarab yaacin. Qofka aad u soo doornayasaan xilkaa ha u eegina qabiil ee ninkii la soo doorto in lala shaqeeyo weeyaan ballantaydu," ayuu yidhi Cabdillaahi Yuusuf Axmed.
Col. Yuusuf wuxuu sheegay in midnimadu ku fadhido saddex qodobad muhiim ah oo u baahan in aan marna lagu xadgudbin, kuwaas oo kala ah; caddaaladda, siyaasad qarannimo iyo amniga Puntland.
Khudbadda Cabdillaahi Yuusuf ayaa ahayd mid ku wajahan xaaladda degaannada Puntland, isla markaana ugu talogalay baarlamaanka cusub ee Puntland.