Madaxweyne Sheekh Shariif: "Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya

Siyaasada Jabuuti

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

Addoow
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Sat Aug 16, 2008 4:13 am
Location: Hawiye Pride!

Madaxweyne Sheekh Shariif: "Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya

Post by Addoow »

iyo Jabuuti waa mid ka qoto dheer umadaha kale ku saleysan dhiig, dhalasho, af & diinba"

Image


Mogadishu Friday 26 June 2009 SMC

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ka hadlay maalinta xorriyadda dalka Jabuuti, waxaana qoraal ku saabsan xuskaasi uu uga hadlay arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti waa kan qoraalkaasi oo sidiisa aan idinkugu soo gudbinay:-

Warsaxaafadeed
Ref: 1505/W/WWM/09
Jimco: 26-06-2009

Hanbalyo ku aadan Maalinta Xuriyada Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sharif Sheekh Axmed isagoo wakiil ka ah dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogaba waxaa uu dhanbaal hanbalyo, u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo ku aadan sanadguurada 32-aad ee xurnimada Dalka Jabuuti(June 27, 1977). Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu tilmaamay iney xurnimada Jabuuti, ay farxad u ahayd dhamaan shacabka Soomaaliyeed , sida Ummada Jabuuti ay guul iyo raynrayn ugu ahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanbaalkiisa hanbalyo ku sheegay in “xiriirka ka dhaxeeya labdeena dal inuu ka qoto dheer yahay midka ummadaha kale ka dhexeeta; maxaa yeelay keenu waa mid ku saleysan dhiig, dhaqan, af iyo diin intaba. Taasina waxay aad usii caddaatay wixii ka dambeeyey 1990; markii dowlada Soomaaliyeed uu burburku ku dhacay ee dagallada sokeeye ay dalkaygii iyo dadkaygiiba aafeeyeen”

Madaxweynuhu intaa ku daray waxaa uu ku daray “weligayo, ma illoobi doono jabuuti inay ahayd dalkii ugu horreeyay ee u kacay badbaadinta ummaddayada iyo dib usoo celinta qarankayagii sida weyn u dhaawacmay, ma iloobi doono inaad noo soo jeesateen markii ay dunida naga sii jeesatey, iyo inaad ahaydeen kuwii irdaha noo furay markii dunidu albaabbadeeda naga wada xiratay”.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ku booriyay Shacabka jabuuti iyo Madaxweynaha Jabuutiba, in ay weli shacabka soomaaliya u baahan yahay hiil iyo talo iyo gacanqabashaba, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu u rajeyayay in Ummada Jabuuti iyo Madaxweynaha Jabuutiba sannadguuro walba inay bashbash iyo barwaaqo ku gaaraan.

Waxa xusid mudan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Adan Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ay kala qeyb galayaan dabaaldaga sanadguuradii 32 aad ee ka soo wareegtay xurnimada Jabuuti taasoo muujinaysa xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer.

C/qaadir Maxamed Cusmaan

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya


Somaliweyn Media Center “SMC”



http://www.somaliweyn.org/pages/news/Ju ... une14.html
farah xoog
Posts: 1
Joined: Thu Jul 02, 2009 7:16 pm

Re: Madaxweyne Sheekh Shariif: "Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya

Post by farah xoog »

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Madaxweyne Sheekh Shariif: "Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya

Post by Ducaysane_87 »

:arrow:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Djibouti - Politics”