Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by Ducaysane_87 »

hadhwanaag 2009-06-27 (Hadhwanaagnews) Gari laba nin kama wada qosliso hadana waa inagii uune macanihii waa lixdeenii gobol ee Somaliland, waxa ay ahaayeen hadaldii ka soo yeedhay qaar ka mid ah dadweynihii ka soo qaybgalay madasha oo markii munaasibadu dhamaatay ee la sii dareereyey igu soo duulduulayey, yaa salaam waqti waliba waayihii madal walba sidii la iskugu soo duba ridee, waxay ahayd habeen qaali u ah Nabadda, dhalinyarada iyo waliba inta qalinka jecel waa habeenkii Khamiistii waxa ka dhacay Xarunta Jaamacada Qaranka ee Hargeysa munaasibad si aad u balaadhan looga soo shaqeeyey oo lagu soo gabogabeynayey is reereebkii tartankii gebayadda gobolada Somaliland taas oo madasha ay isku arkeen lixdii qof ee kaalmaha koowaad u galay gobol kasta oo ka mida ah lixda gobol ee Somaliland.

Munaasibadan oo si fiican loo soo camiray ayaa waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada,ardayda jaamacadaha,dadweyne ka kala yimid gobolada tartamayey madax ka socotay xukuumada iyo waliba aqoonyaahno iyo haldoorka Somaliland qaar ka mid ah.

Furitaankii munaasibada aayadaha Qur’aanka kariimka ah kadib waxa kalmadii furitaanka qaatay Dr.Xuseen Cabdilahi Bulhan madaxwaynaha jaamacada Hargeysa oo martida ku soo dhaweeyey xarunta hoolka Jaamacada Hargaysa islamrkaana madasha ka sheegay hadalo qiimo badan. Waxa isaguna madasha ka hadaly wasiir xigeenka Boosaha iyo war is gaadhsiinta oo isaguna soo dhaweyey barnaamijka iyo dhalinyarda tartamaysa, intaa ka dib waxa kale oo ka hadalay Dr.Maxamed Cirro oo ah Gudoomiyaha uruka Dimuqraadiyada iyo Nabadda ee geeska urukan oo fadhiguusu yahay dalka Finland lana aas aasay sanadii 2000 ayaa waxa uu sheegay gudoomiyuhu in ay tartanka uga dan leeyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa dadkuna u ogaanlahayeen qiimaha ay leedahay nabaddu oo ah tan aan caawa halkan ku fadhino ee isku keen keentay kuna caano maalayno Ilaahay inta aan haysana ha siiyo.

Akhriste waxa habeenkaa madasha lagu soo bandhigay riwaayada kooban macno badana xabaarsan oo ay matalayaan dhalinaryo aad u da’ yar balse maskaxda ku jirta aad yaabayso, riwaayada waxa ay la magac baxday DAGAAL WIIL KUMA DHASHO, waxa curiyey Ahmed Aw Geedi Dheeraad waxa matalay dhalinyarda Circus-ka SomaliladHAVAYOCO,tiyaatarku waa minbarka hoolka jaamcada oo ah kaabada sare ee badanka madaxdu fadhiisato oo habeenkaa qiimaha munaasibada awgeed loo baneyey oo ay dadweynah dhexfadhiyeen, Yaa salaam ninkii joogay baa joogay laakin waajib waxa igu ah in aan idin dhexgeeyo madasha sidii dad joogay waxa ay riwaayadu ku bilaabmaysaa sidan, waxa marka hore madasha soo galaya laba wiil oo yaryar oo aan ku qiyaasay 12 jir meelahaa labada wiil waxa ay xidhanyihiin macawiiso gaagaban sidii geel jiro oo kale ayuu qaabkogu ahaa waxa ay ka soo kala baxayaan Waqooy iyo Bari midbaa ku matalay inuu geel ka lumay kii kale ayaa u foodhyaya kii kale makraas ayuu waydiinayaa waar geelii ma aragtay labadooduba warmo ayey sitaan aduu hadal ka dib waa la si laynayaa feedh iyo laag ka dib kii geelu ka lumay ayaa wax dilaya markuu ninkii dhulka ku dhaco ayaa waxa uu soo qaadanayaa toori dheer oo daxalaysatay oo uu ku dooxayaa halkaa ayey naftu kaga baxaysaa, waa iska tagay geel jirihii waxa dilay, Ha yeeshee waxa markiiba madasha imid ehelkii dadkii la dilay iyaga oo sita warmo dhaadheer oo ku labisan laba go’ oo cad cad iyo kabo cagba caga qaylo iyo iswaydiin kadib markii ay arkeen inankoogii oo dhiigbadani ka dayo ayuu mid ka midi odhanayaa haa anaa gartay waxa dilay ree Qansax macnihii waxa dilay ree hebel oo kale waa waxa ay Soommalidu isku layso had iyo jeer, kadibna inta ay dhaartaan ayey qaadanayaan maydkoodii, waxa ay u dagaalo tagayaan ree Qansax si ay u soo aargoostaan ree qansax oo iyaguna diyaara waa la is glay warmo la isla dhacay dhiig badan qubay maryihii cadcadaa casaadeen ree Qansax iyo ree Qudhac wax ay is jafaanba waxa soo kala dhexgalya nin sita maro cad oo weyn oo labada gacmood ku kala bixiyey kadibna inta uu soo socodo isaga oo murugaysan ayuu kala dhexgalyaa labada kooxood ee is jafaya waa ay kal istaagayaan Ahmed Aw Geedi oo dhexfadhiya dadweynaha daawanaya riwaayada ayaa makarfoonka qaadanaya waxa uu tirinayaa gabay qiiro badan oo ka hadlaya Nabadda iyo qiimaheeda in dagaalka la joojiyo mid qabiil iyo mid Qaranba markaasaa ay kala joogsanayaan way qiiroonayaan madaxa ayey ruxayaan masraxa ayey dhexmeeraysanayaan kadibna warmaha inta la daadiyo ayaa gabogabada gabayga hab la isasiinayaan halkaas ayaa lagu heshiinayaa.Akhriste ree Qansax iyo ree Qudhac oo warmo isku jafayey ayaaba daadiyoo heshiiyoo qiiroodee maxaad u malayn dadkii daawanayeyna walee indhahaygu qabteen qaarbadan oo jidhidhico finan laa leegi ka soo daadatay qaar ooyaya iyo qaarbadan oo madax luxaya oo qiiraysan niyadaan iska idhi yaa live uga dhiga riwaaydan ree muqdisho cashar ha ka bartaane,DAGAAL WIIL KUMA DHASHO halkaas ayey ku dhamaatay la soco riwaayadaha danbe.

Intaasi kadib waxa si heersare ah u bilaabmay tartankii gabayada oo ay u tartamayeen Lix wiil oo kakala yimid lixda Gobol ee Somaliland,wallow ayna ku jirin wax hablo ah semi finalkii ayaa lagu reebay lakiin doorka danbe inshaa alaah waa kaalmaha hore ayaan wada rajaynaynaa dhamaanteen, lixda wiil iyo gabyadooduna waxa ay kala ahaayeen sedan:-

Tartamayaasha+Gabayadooda+Goboladooda

No Magaca Gabayga Gobolka
1 Maxamed Cumar Budin Haw nabaddu googol maaha Awdal
2 Siciid Maxamed Gahayr Dal Bila M.Jeex
3 Cabdirisaaq Saleeban Cali Nabadoon Saaxil
4 Mustafe Maxamed Jibriil Dalku waa Camiranyahay Sanaag
5 Axmed Cabdilaahi Jaamac Gudiga Nabadda Sool
6 Axmed Cabdi Xirsi Hogor Tusaale Togdheer

Markii lixdaa wiil ee ka kala socday Gobolada la dhagaystay gabayadoodii waxa gudidii garsoorku ay qadar dabadeed ku dhawaaqeen sadexdii qof ee kaalmaha koowaad,labaad iyo saddexaad kala galay waana sidan;

1. Kaalinta koowaad waxa galay Maxamed Cumar Budin oo ka socday Gobolka, Awdal
2. Kaalinta Labaad wax galay Siciid Maxamed Gahayr oo ka socday Gobolka, Maroodi Jeex/Hargaysa
3. Kaalinta Seddexaad waxa galay Cabdirisaaq Saleebaan Cali Gobolka, Saaxil

Ugu danbayntii waxa shaadooyinkii iyo abaalmarintii gudoonsiiyey dhalinayadii ku guulaystay kaalmaha hore Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale gudoomiye xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland una mahdnaqay dhalinyardii, dadweynihii iyo cidkasta oo gacan ka geysatay barnaamijkan qiimaha leh.

Intii munaasibadu socotayna waxa Qadar Qosola la qaatay dadweynha fanaanka ree Jabuuti iyo ree Somaliland-ba waa fanaan majaajilaysta ah ka qosliye weyn ah oo aad riwaayadihiisa in badan oo ka mid ah daawateen waa Cabdiraxmaan Bifta. Oo dadka si aad iyo aada uga qosliyey isaga oo ka sheekeyey qaar ka mid ah riwaaydihii uu dhigay kuwa uu soo wado iyo waliba maalmihii noloshiisa soo maray ee ugu naxdinta faraxda iyo layaabka badnaa iyo waliba waxa loogu bixiyey magaca Bifta. Yaa salaam yaa habeenada oo dhan sidaa ka dhiga munaasibadaha oo dhan sida tan oo kale mid xiiso iyo qosol leh ka dhiga.Nabdgalyo akhristayaal, Guul iyo gobanimo ku noolaada dhamaantiin idinka Ilaahay.

Sahra Kiin Abdirahman Ahmed
Freelance Jouranlist
Sahra873@hotmail.com
Hargaysa Somaliland


http://hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=21826
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by Keyse_0208 »

Yea ducaysane, here one of my Gabays, i think this would have won the competition :lol:

Dhimasho iyo Dhaawac baa, dadkeenii dhameeyoo
Dhadhankii noloshuna, dhanaan buu u dhahamoo
Dhiigii dadkayguni, Dhulkeenuu u daat''oo
Dhinac kastaba eegayoo, dhan aan u jeesto waay'oo
Dhamaantiin idinkaa, cidla dhexdeed, dhurwaagii ku helay'oo
Dhul gaal shisheeyana, waalidkiin ku aasoo
Dhalaankiinii Yaraana, waakaa daadku qaad'oo
Dhalin-yarada dhibtooduna, waa dhul gaal u'dhoofoo
Dhexda bada ku dhima'oo, aduunka Dhaqaale u doo'noo
Dhaxantiyo kulaykana, damiirkayagii u samir'oo
Dhagta u dhiga hadalkan'oo, Daacad-nimada xasuusta'oo
Dhisma Qaran u Deeqa'oo, Diinteena-na adkeeya'oo
Dambigana Fogeeya'oo, Dastuur deymo leh samaysta'oo
Dalkiinana difaaca'oo, waligiina Daris is jecel ahaada
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by Ducaysane_87 »

Keyse_0208 wrote:Yea ducaysane, here one of my Gabays, i think this would have won the competition :lol:

Dhimasho iyo Dhaawac baa, dadkeenii dhameeyoo
Dhadhankii noloshuna, dhanaan buu u dhahamoo
Dhiigii dadkayguni, Dhulkeenuu u daat''oo
Dhinac kastaba eegayoo, dhan aan u jeesto waay'oo
Dhamaantiin idinkaa, cidla dhexdeed, dhurwaagii ku helay'oo
Dhul gaal shisheeyana, waalidkiin ku aasoo
Dhalaankiinii Yaraana, waakaa daadku qaad'oo
Dhalin-yarada dhibtooduna, waa dhul gaal u'dhoofoo
Dhexda bada ku dhima'oo, aduunka Dhaqaale u doo'noo
Dhaxantiyo kulaykana, damiirkayagii u samir'oo
Dhagta u dhiga hadalkan'oo, Daacad-nimada xasuusta'oo
Dhisma Qaran u Deeqa'oo, Diinteena-na adkeeya'oo
Dambigana Fogeeya'oo, Dastuur deymo leh samaysta'oo
Dalkiinana difaaca'oo, waligiina Daris is jecel ahaada



you should try to appeal online to get involve in the competition lol
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by MALMAHA »

Ducaysane_87 wrote:hadhwanaag 2009-06-27 (Hadhwanaagnews) Gari laba nin kama wada qosliso hadana waa inagii uune macanihii waa lixdeenii gobol ee Somaliland, waxa ay ahaayeen hadaldii ka soo yeedhay qaar ka mid ah dadweynihii ka soo qaybgalay madasha oo markii munaasibadu dhamaatay ee la sii dareereyey igu soo duulduulayey, yaa salaam waqti waliba waayihii madal walba sidii la iskugu soo duba ridee, waxay ahayd habeen qaali u ah Nabadda, dhalinyarada iyo waliba inta qalinka jecel waa habeenkii Khamiistii waxa ka dhacay Xarunta Jaamacada Qaranka ee Hargeysa munaasibad si aad u balaadhan looga soo shaqeeyey oo lagu soo gabogabeynayey is reereebkii tartankii gebayadda gobolada Somaliland taas oo madasha ay isku arkeen lixdii qof ee kaalmaha koowaad u galay gobol kasta oo ka mida ah lixda gobol ee Somaliland.

Munaasibadan oo si fiican loo soo camiray ayaa waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada,ardayda jaamacadaha,dadweyne ka kala yimid gobolada tartamayey madax ka socotay xukuumada iyo waliba aqoonyaahno iyo haldoorka Somaliland qaar ka mid ah.

Furitaankii munaasibada aayadaha Qur’aanka kariimka ah kadib waxa kalmadii furitaanka qaatay Dr.Xuseen Cabdilahi Bulhan madaxwaynaha jaamacada Hargeysa oo martida ku soo dhaweeyey xarunta hoolka Jaamacada Hargaysa islamrkaana madasha ka sheegay hadalo qiimo badan. Waxa isaguna madasha ka hadaly wasiir xigeenka Boosaha iyo war is gaadhsiinta oo isaguna soo dhaweyey barnaamijka iyo dhalinyarda tartamaysa, intaa ka dib waxa kale oo ka hadalay Dr.Maxamed Cirro oo ah Gudoomiyaha uruka Dimuqraadiyada iyo Nabadda ee geeska urukan oo fadhiguusu yahay dalka Finland lana aas aasay sanadii 2000 ayaa waxa uu sheegay gudoomiyuhu in ay tartanka uga dan leeyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa dadkuna u ogaanlahayeen qiimaha ay leedahay nabaddu oo ah tan aan caawa halkan ku fadhino ee isku keen keentay kuna caano maalayno Ilaahay inta aan haysana ha siiyo.

Akhriste waxa habeenkaa madasha lagu soo bandhigay riwaayada kooban macno badana xabaarsan oo ay matalayaan dhalinaryo aad u da’ yar balse maskaxda ku jirta aad yaabayso, riwaayada waxa ay la magac baxday DAGAAL WIIL KUMA DHASHO, waxa curiyey Ahmed Aw Geedi Dheeraad waxa matalay dhalinyarda Circus-ka SomaliladHAVAYOCO,tiyaatarku waa minbarka hoolka jaamcada oo ah kaabada sare ee badanka madaxdu fadhiisato oo habeenkaa qiimaha munaasibada awgeed loo baneyey oo ay dadweynah dhexfadhiyeen, Yaa salaam ninkii joogay baa joogay laakin waajib waxa igu ah in aan idin dhexgeeyo madasha sidii dad joogay waxa ay riwaayadu ku bilaabmaysaa sidan, waxa marka hore madasha soo galaya laba wiil oo yaryar oo aan ku qiyaasay 12 jir meelahaa labada wiil waxa ay xidhanyihiin macawiiso gaagaban sidii geel jiro oo kale ayuu qaabkogu ahaa waxa ay ka soo kala baxayaan Waqooy iyo Bari midbaa ku matalay inuu geel ka lumay kii kale ayaa u foodhyaya kii kale makraas ayuu waydiinayaa waar geelii ma aragtay labadooduba warmo ayey sitaan aduu hadal ka dib waa la si laynayaa feedh iyo laag ka dib kii geelu ka lumay ayaa wax dilaya markuu ninkii dhulka ku dhaco ayaa waxa uu soo qaadanayaa toori dheer oo daxalaysatay oo uu ku dooxayaa halkaa ayey naftu kaga baxaysaa, waa iska tagay geel jirihii waxa dilay, Ha yeeshee waxa markiiba madasha imid ehelkii dadkii la dilay iyaga oo sita warmo dhaadheer oo ku labisan laba go’ oo cad cad iyo kabo cagba caga qaylo iyo iswaydiin kadib markii ay arkeen inankoogii oo dhiigbadani ka dayo ayuu mid ka midi odhanayaa haa anaa gartay waxa dilay ree Qansax macnihii waxa dilay ree hebel oo kale waa waxa ay Soommalidu isku layso had iyo jeer, kadibna inta ay dhaartaan ayey qaadanayaan maydkoodii, waxa ay u dagaalo tagayaan ree Qansax si ay u soo aargoostaan ree qansax oo iyaguna diyaara waa la is glay warmo la isla dhacay dhiig badan qubay maryihii cadcadaa casaadeen ree Qansax iyo ree Qudhac wax ay is jafaanba waxa soo kala dhexgalya nin sita maro cad oo weyn oo labada gacmood ku kala bixiyey kadibna inta uu soo socodo isaga oo murugaysan ayuu kala dhexgalyaa labada kooxood ee is jafaya waa ay kal istaagayaan Ahmed Aw Geedi oo dhexfadhiya dadweynaha daawanaya riwaayada ayaa makarfoonka qaadanaya waxa uu tirinayaa gabay qiiro badan oo ka hadlaya Nabadda iyo qiimaheeda in dagaalka la joojiyo mid qabiil iyo mid Qaranba markaasaa ay kala joogsanayaan way qiiroonayaan madaxa ayey ruxayaan masraxa ayey dhexmeeraysanayaan kadibna warmaha inta la daadiyo ayaa gabogabada gabayga hab la isasiinayaan halkaas ayaa lagu heshiinayaa.Akhriste ree Qansax iyo ree Qudhac oo warmo isku jafayey ayaaba daadiyoo heshiiyoo qiiroodee maxaad u malayn dadkii daawanayeyna walee indhahaygu qabteen qaarbadan oo jidhidhico finan laa leegi ka soo daadatay qaar ooyaya iyo qaarbadan oo madax luxaya oo qiiraysan niyadaan iska idhi yaa live uga dhiga riwaaydan ree muqdisho cashar ha ka bartaane,DAGAAL WIIL KUMA DHASHO halkaas ayey ku dhamaatay la soco riwaayadaha danbe.

Intaasi kadib waxa si heersare ah u bilaabmay tartankii gabayada oo ay u tartamayeen Lix wiil oo kakala yimid lixda Gobol ee Somaliland,wallow ayna ku jirin wax hablo ah semi finalkii ayaa lagu reebay lakiin doorka danbe inshaa alaah waa kaalmaha hore ayaan wada rajaynaynaa dhamaanteen, lixda wiil iyo gabyadooduna waxa ay kala ahaayeen sedan:-

Tartamayaasha+Gabayadooda+Goboladooda

No Magaca Gabayga Gobolka
1 Maxamed Cumar Budin Haw nabaddu googol maaha Awdal
2 Siciid Maxamed Gahayr Dal Bila M.Jeex
3 Cabdirisaaq Saleeban Cali Nabadoon Saaxil
4 Mustafe Maxamed Jibriil Dalku waa Camiranyahay Sanaag
5 Axmed Cabdilaahi Jaamac Gudiga Nabadda Sool
6 Axmed Cabdi Xirsi Hogor Tusaale Togdheer

Markii lixdaa wiil ee ka kala socday Gobolada la dhagaystay gabayadoodii waxa gudidii garsoorku ay qadar dabadeed ku dhawaaqeen sadexdii qof ee kaalmaha koowaad,labaad iyo saddexaad kala galay waana sidan;

1. Kaalinta koowaad waxa galay Maxamed Cumar Budin oo ka socday Gobolka, Awdal
2. Kaalinta Labaad wax galay Siciid Maxamed Gahayr oo ka socday Gobolka, Maroodi Jeex/Hargaysa
3. Kaalinta Seddexaad waxa galay Cabdirisaaq Saleebaan Cali Gobolka, Saaxil

Ugu danbayntii waxa shaadooyinkii iyo abaalmarintii gudoonsiiyey dhalinayadii ku guulaystay kaalmaha hore Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale gudoomiye xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland una mahdnaqay dhalinyardii, dadweynihii iyo cidkasta oo gacan ka geysatay barnaamijkan qiimaha leh.

Intii munaasibadu socotayna waxa Qadar Qosola la qaatay dadweynha fanaanka ree Jabuuti iyo ree Somaliland-ba waa fanaan majaajilaysta ah ka qosliye weyn ah oo aad riwaayadihiisa in badan oo ka mid ah daawateen waa Cabdiraxmaan Bifta. Oo dadka si aad iyo aada uga qosliyey isaga oo ka sheekeyey qaar ka mid ah riwaaydihii uu dhigay kuwa uu soo wado iyo waliba maalmihii noloshiisa soo maray ee ugu naxdinta faraxda iyo layaabka badnaa iyo waliba waxa loogu bixiyey magaca Bifta. Yaa salaam yaa habeenada oo dhan sidaa ka dhiga munaasibadaha oo dhan sida tan oo kale mid xiiso iyo qosol leh ka dhiga.Nabdgalyo akhristayaal, Guul iyo gobanimo ku noolaada dhamaantiin idinka Ilaahay.

Sahra Kiin Abdirahman Ahmed
Freelance Jouranlist
Sahra873@hotmail.com
Hargaysa Somaliland


http://hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=21826







horta suugantu way ficantay. somaliland caan-bay ku tay way ku fanta
suuganta somalyeed 85% somalland ba leh.

lakin halkan lagu tartamayo abwan caana ma joogin heesa ma joogin.

i mean ya xukumay gabayada oo kala saraya.

it sounds like some sort of political arena what a joke.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by LiQaaye_TDH »

You know it was some dodgy competition, when you saw Togdheer and Sool the Father of Abwaans in the Last positions :lol: and Awdal as the Winner :lol:
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by Ducaysane_87 »

LiQaaye_TDH wrote:You know it was some dodgy competition, when you saw Togdheer and Sool the Father of Abwaans in the Last positions :lol: and Awdal as the Winner :lol:


properly riyaale bribed the judges :lol:
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by abdikarim86 »

riyaale had nothing to do with it ...thats ridiculous
i think i smell a hint of jealousy yaa reer togdheer :lol:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by LiQaaye_TDH »

Abdikarim... Reer Togdheer have to always blame someone in it? :lol:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by Keyse_0208 »

liqaaye, who said the father of abwaans is from togdheer or sool.... i dont accept this, yea i know u gonna say hadraawi or salaan carabay but thats it ... soo mahaa :lol:

did u foget people like Gaariye, Hassan Ghani, Suldaan Tima cade, from WG
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by LiQaaye_TDH »

Keyse your right, There is some great Abwaans from Waqooyi Galbeed as well, but look at the best poets true History, they Hail from 4 clans, and the majority of them are from (Togdheer Hawd) (Ogaaden, Dhullbahante, Habar Jeclo, Garxajis)
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by Goljano Lion »

LiQaaye_TDH wrote:You know it was some dodgy competition, when you saw Togdheer and Sool the Father of Abwaans in the Last positions :lol: and Awdal as the Winner :lol:
that has nothing to do with regions , its just individual competition, as long as you have a gift, it doesn't matter which region you hail from
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by MALMAHA »

togdhere have the most a list gabya in the country.
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by Cumar-Labasuul »

Waqooyi Galbeed is the abwaan region of somalia, just look at the Somali Week event that happened in London over a year ago. The abwaans that came were Hadrawi, Gaariye, Hasan Ganey, Hasan sheikh Mumin and Aw Jamac omar. Of the 5 mentioned the last two I don't know lakiin the other 3 one of them is from togdheer and the other two are from Waqooyi Galbeed.
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Tartankii Gabayada Dhalinyarada Gobolada+Is-reereebkii Lixda

Post by MALMAHA »

togdher poets are champions and the ones to beat.
the alive poets are now, hadrawii, aden (tuug) tarabi, and now the greatest collector of somali poetry and a poet, yusuf shacir who himself is well respected poet,
young though in his age rang there is no competition,

woqoyi galbed, when it comes to abwans that are alive they have xassan ganni,
gariye.
gariye very talented but in my book is bit short of been full poet,
and i say that because he don't have one single riwayade,
on the scale riwayade is one of the hardest poetry genre to compose,

one thing is certain toughe the all for somaliland, how many somali land poets are there,
the othere somali tribes fall behind well short it will take them more than 1000 years to catch up if we Wait for them.

look at this link below and count for your self.


http://www.hoygasuugaanta.com/Abwaan.htm
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”