
Axmed Cabdi Godane, oo yaraantiisii lagu naanaysi jiray Hanfade, waxuu ku dhashay miyiga magaalada Laanqeyrta ee dalka Itoobiya, waxa uu ka dhashay qoys xoolo-dhaqato ah oo ka soo jeeda Aadan-Waraabe oo ka tirsan qabiilka Arab oo ka mid ah Isaaq, waxu dhashay sida la aaminsayahay 2 sano ka hor intii aanay dhicin abaartii Daba-Dheer oo dalka ku habsatay sanadkii 1977 kii. Reer Cabdi-Godane markii xoolahu kaga dhamaadeen abaarta waxay u soo guureen magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada Siinaay.
